Labada Manchester oo markale kulmaya

Labada Manchester ee United iyo City ayaa isku arki doona garoonka Old Trafford iyaga oo ay dhex mari doonto ciyaar ka tirsan wareega afraad ee koobka EFL ama League Cup.
United ayaa ka soo badisay kooxda Northampton Arbacadii halka City-na ay 2-1 kaga soo badisay Swansea iyaga oo suurtagaliyay in labada kooxood ay mar kale is arkaan kaddib markii City ay 10 bishan sagaalaad ay ka adkaatay United.
City oo koobkan gool ku laad kaga qaaday Liverpool xilli ciyaareedkii hore ayaan wali laga badinin sidii uu u yimid tababare Pep Guardiola xilli ciyaareedkan.
Kooxda uu maamulo Jose Mourinho ee United-na waxay soo afjartay saddex guul darro oo xiriir ahaa oo soo wajahay.
Dhanka kalana West Ham waxay martigalin doontaa kooxda ay xifaaltamaan ee Chelsea, iyada oo Tottenham-na ay u safri doonto Liverpool.
Ciyaarahan waxay dhici doonaan todobaadka ka bilaabanaya 24 bisha tobnaad.
Isku aadka oo dhamaystiran
West Ham v Chelsea
Manchester United v Manchester City
Arsenal v Reading
Liverpool v Tottenham
Bristol City v Hull
Leeds v Norwich
Newcastle v Preston
Southampton v Sunderland










