You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Turkiga oo shaqada ka cayriyay 543 shaqaale maxkamadeed oo kale
543 garyaqaan iyo dacwo oogayaal kale ayaa laga cayriyay shaqadooda dalka Turkiga, iyadoo looga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen inqilaab la isku dayay bishii July. Tirada la cayriyay ilaa hadda ayaa dhan 3,288.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku adkaystay shaqo ka cayrinta inaysan wax u dhimayn cadaalada, laakiin ay horseedi doonto cadaalad dhab ah.
Dowlada Turkiga ayaa xirtay tobanaan kun oo qof oo ay ku jiraan boliis, ciidan, garyaqaano iyo shaqaale dowlad tan iyo shan iyo tobankii July.
Mr Erdogan ayaa ku eedeeyay Fetuhullah Gulen inuu ka danbeeyay kacdoonka.