Maxaad cuneysaa si maqaarkaagu u qurux badnaado?

Haddii aad dooneyso maqaar dhalaalaya, oraah hore ee “waxaad tahay waxa aad cunto” waa mid dhab ah. Khubarradeenna nafaqada ayaa inoo haya talooyin kaa caawinaya inaad maqaarkaaga ka nafaqeyso gudaha iyo bannaanka.

Waa maxay maqaar?

Maqaarku waa xubinta ugu weyn jirka. Wuxuu maamulaa heerkulka jirka, isaga oo difaac u noqda, wuxuuna ka caawiyaa isu dheellitirka qoyaanka.

Dhowr waxyaabood ayaa saameeya caafimaadka iyo muuqaalka maqaarka, waxaana ka mid ah hiddo-sidayaasheenna, da'da, heerarka hoormoonka, xaaladaha sida sokorowga, cunnadeenna iyo hab-nololeedkeenna.

Sidee ayaan ku heli karaa maqaar qurux badan?

Qof walba wuxuu leeyahay kareen uu ka helo uuna wejiga marsado, balse lama dafiri karo in maqaar qurux badan uu ka billowdo nafaqeynta gudaha iyo dibadda.

Unugyada maqaarka duugga ah ayaa si joogto ah u daata oo loo beddelaa, taasoo micnaheedu yahay in loo baahan yahay nafaqo gacan ka geysata dib u cusbooneysiinta maqaarka.

Joogtee cunno isku dheelli-tiran waxayna kaa caawineysaa in maqaarkaagu nafaqo helo uuna noqdo mid jilicsan, oo qurux badan.

Coorcoorka amaba astaamaha da'da lama celin karo, balse waxaa gabowga sidoo kale ka qeyb qaata qorraxda, saabuunta kiimikadu ka buuxdo iyo cunno aan isku dheelli-tirneyn.

Xalka waa inaad joogteysaa daryeelka maqaarkaaga aadna wax ka beddeshaa cunnadaada adigoo cunaya cunno isku dheelli-tiran oo ay ku jiraan khudrad, dufan caafimaad leh oo laga helo kalluunka iyo looska, iyo biyo badan.

1. Cun ugu yaraan shan nooc oo khudrad ah maalintii

Khudradda waxaa ku jira maaddooyin jirka ka ilaaliya sunta maqaarkana ka difaaca waxyeellada. Suntan ayaa waxaa sababi kara sigaar cabidda, wasakhowga hawada iyo qorraxda.

Cun khudrad midabyo kala duwan leh, maalintiina ugu yaraan ilaa shan nooc oo khudrad ah cun.

Maaddada Beta-carotene, oo laga helo bambeelyada, oranjada iyo khudradda kale sida karootada, bataatiga iyo bocorka, iyo lutein, oo laga helo koostada iyo babaayga, ayaa labadaba muhiim u ah korriimada unugyada maqaarka iyo midab qurux badan.

Ku billow maalintaada boorash aad khudrad ku darsatay, amaba sida bataatiga.

2. Ku daadaal fitamiin C

Waxaan u baahannahay fitamiin C si uu nooga caawiyo hannaanka difaaca jirka, uuna inoo siiyo maqaar qurux badan oo aan coorcoor lahayn.

Ilaha ugu wanaagsan fitamiin C waa canabka noocyadiisa kala duwan, seytuunka, oronjada iyo bambeelmada, babaabyga iyo bataatiga.

Fitamiin C ayaa sidoo kale muhiim u ah soo saaridda collagen, oo ah borotiinka naga caawiya inuu maqaarkeenni dhalaalo, isla markaana nafaqeeya nudayaasha dhiigga.

3. Qaado fitamiin E kugu filan

Fitamiin E ayaa door muhiim ah ka ciyaara inuu maqaarka ka difaaco sunta jirka waxyeeleysa iyo gabowga.

Cunnooyinka qaniga ku ah fitamiin E waxaa ka mid ah noocyada kala duwan ee looska, afokaadho, iyo iniinaha kala duwan sida kuwa gabbal-dayaha iyo bocorka.

4. Cun dufan caafimaad leh

Noocyada dufanka qaarkood waa kuwo maqaarkaaga u fiican, iyagoo ka dhiga mid dhalaalaya gudaha iyo bannaankaba oo qurux badan.

Dufantan waxaa ka mid ah noocyada laga helo afokaadhada, kalluunka, looska iyo iniinta.

Dufantan waxaa sidoo kale ka buuxa fitamiinka E.

Fiiro u yeelo dufanka ay ku jirto maaddada omega-3. Waa kuwo maqaarka u fiican oo caafimaad u leh.

Waxaa dufanka omega-3 laga heli karaa kalluunka sida nooca salmon iyo sardiin, sidoo kalena waxaa laga helaa iniinaha sida flaxseeds, chia iyo looska.

5. Cab lix ilaa siddeed koob oo biyo ah

Maqaarka wuxuu u baahan yahay in la qooyo. Xitaa biyo yar ayaa maqaarkaaga ka dhigi kara inuu u muuqdo mid qallalan, daallan oo da' ka muuqato.

Khubarrada ayaa ku talinaya inaad cabto lix ilaa siddeed koob oo biyo ah maalintii. Dhammaan dareeraha ayaa u xisaabsan inta aad maalintii cabto, balse biyaha ayaa ugu fiican.

Haddii aad xafiis ka shaqeyso, is ag dhig dhalo weyn oo biyo ah si aad usoo xusuusato inaad cabto.

Shaah-dhireedka aysan ku jirin maaddada kafeynta ayaa sidoo kale fiican. Ha illaabin in khudradda qaar, sida qaraha iyo qajaarku ay biyo leeyihiin.