Sheekada gabadha Putin lugteeda ku sawirtay ee xaaladda adag kala kulantay

Waxay Lugteeda ku sawirtay Caaro ay waji uga dhigtay kan Putin
Qoraalka sawirka, Waxay Lugteeda ku sawirtay Caaro ay waji uga dhigtay kan Putin

Olesya Krivtsova oo ah Ardayad dhigata jaamacadda ayaa ka baaqatay xiisado badan.

Sababta ayaana ah in Olesya oo 20 jir ah ay ku jirto xabsi guri. Waxaa lugta uga xiran qalab elektroonik ah oo Booliisku kula socon karaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay samayso.

Olesya ayaa loo xiray qoraallo ka dhan ah Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine oo ay soo dhigtay baraha bulshada. Mid ka mida ayaa ahaa qarixii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ka dhacay buundada isku xirta Ruushka iyo gobolka Crimea ee Ruushku ka goostay Ukraine.

"Waxaan soo dhigay sheeko Instagram-ka, taas oo ku saabsan buundada," Olesya ayaa u sheegtay BBC-da, "anigoo ku eegaya sida ay dadka reer Ukraine ugu farxeen wixii dhacay."

Waxay kaloo la wadaagtay saaxiibkeed qoraal ku saabsan dagaalka.

Intaas kadib sidan ayey wax u dheceen:

"Waxaan telefoonka kula hadlayey hooyaday," Olesya ayaa dib u xasuusatay, "markii aan maqlay albaabka hore oo la furayo, booliis badan ayaa soo galay, waxay iga qaadeen taleefoonka iyagoo igu amraya inaan dhulka seexdo."

Olesya ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay u qiil bixisay argagixisanimada iyo in ay sumcad dil u geysatay ciidamada qalabka sida ee Ruushka. Waxay wajihi doontaa ilaa 10 sano oo xabsi ah.

Olesya oo Maxakamadda joogta
Qoraalka sawirka, Olesya ayaa loo ogolyahay inay guriga ka baxdo keliya marka ay Maxakamadda aadeyso
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Weligay uma malaynayn in qof lagu xukumi karo xabsi dheer wax internet-ka lasoo dhigay awgii," ayey tiri Olesya. "Waxaan arki jiray warbixino ku saabsan xukunno waali ah oo ka dhacay Ruushka, balse ma aanan siin dareen badan, waxaana sii waday inaan hadlo."

Arday wax ka barata Jaamacadda Federaalka Waqooyiga ee Arkhangelsk, Olesya ayaa hadda lagu daray liiska rasmiga ah ee Ruushka ee argagixisada iyo xagjiriinta.

"Markii aan ogaaday in la igu daray liis la mid ah kuwii iskuulada dadka ku toogtay iyo kooxda dowladda Islaamiga ah waxay ila noqotay waalli," Olesya ayaa dib u xasuusatay.

Sida uu qabo sharciga xabsiga guriga waxaa laga mamnuucay in ay ku hadasho telefoonka iyo in ay internetka gasho.

Olesya waxa ay leedahay sawir cajiib ah oo ku sawiran lugteeda midig - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo wajigiisa lagu sawiray caaro, oo ay ku qoran tahay : "Walaalkii weynaa ayaa ku daawanaya."

Waxayse u muuqataa in waxa daawanayey Olesya aanay ahayn ‘walaalka weyn’ balse aradayda ay jaamacadda isla dhigtaan.

Sawirka Olesya oo cidla fadhida
Qoraalka sawirka, Asxaabta ay jaamacadda isla dhigtaan Olesya ayaa ka hadlay inay booliska u dhiibaan, fikirka ay dagaalka ka qabto awgii

"Saaxiib ayaa i tusay qoraal aniga igu saabsan oo aan wada sheekaysanayno," Olesya ayaa tiri, "oo ku saabsan sida aan uga soo horjeeday 'howlgalka gaarka ah ee militariga'. Inta badan dadka ku jira sheekadan waxay ahaayeen arday taariikhda barata. Waxay ka wada hadlayeen inay dawladda ii dhiibaan iyo in kale."

BBC-du waxay aragtay qaybo ka mid ah wada sheekaysiga kooxda

Mid ka mid ah faallooyinka, Olesya ayaa lagu eedeeyay inay qortay "qormoiiyina kicin ah ee dabeecadda guuldarra saadinta iyo xagjirnimada. Tani ma aha wax arrin aan haboonayn xilliga dagaalka."

"Marka hore aan isku dayno inaan sumcad dilno, haddii fahmi waydo, hay'adaha ammaanku wax ha ka qabtaan."

"Dhaleecayntu waa waajib saaran wadaniga," ayuu qof kale qoray.

markii liiska markhaatiyaasha dacwad oogayaasha laga hor akhriyey maxkamada, Olesya waxa ay aqoonsatay magacyada ardaydii wada sheekaysanayeen.

Hal sano ayaa laga joogaa markii Kremlin-ku bilaabay "howlgalkiisa milatari ee gaarka ah" ee Ukraine - ereyga uu u isticmaalo duulaanka buuxa ee Ruushka ku qaaday deriskiisa. Todobaadyo gudahood markii weerarka uu dhacay, Madaxweyne Putin waxa uu ugu baaqay shacabka Ruushka inay kala saaraan "wadaniyada dhabta ah iyo kuwa khaa'imiinta ah".

Tan iyo markaas, guud ahaan Ruushka waxaa soo baxayay warbixino ku saabsan cambaareyn qaabkii Soofiyeedka oo ka dhan ah dadka dhaleeceeya dagaalka. Waxaa ka mid ardaydu inay la socodsiiyaan macallimiinta iyo shaqaalaha eedaynaya asxaabtooda.