Wararkii ugu dambeeyay ee Cabdirashiid Janan oo lagu waayay Nayroobi iyo maamulka madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay

JANAN OO LA WAYSAN YAHAY

Xigashada Sawirka, JUBALAND TV

Qoraalka sawirka, wasiir hore Cabdirishiid Xasan Cabdinuur 'Janan' sawir hore

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalanad ayaa ku sugan magaalada Nayroobi oo muddo toddobaad ah lagu la'a yahay wasiirkiisii hore ee Amniga Cabdirashiid Janan, oo ay mudadii dambe isku dhacsanaayeen.

Xildhibaano ku matala Cabdirashiid Janan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliyaiyo odeyaal dhaqan ayaa baaq la xiriira kiiska n u diray dowladda federaalka, iyaga oo muujinaya walaac iyo tuhun la xiriira sababaha iyo dadka ka dambeyn kara xarrigiisa.

Cabdirashiid Janan oo horey u ahaa ragga ugu saameyn weyn siyaasada gobolka Gedo ayaa horey loogu xiray Muqdisho oo uu shaqo u tegay isaga oo ah wasiirka Amniga Jubbaland, isaga oo markii dambe ka baxsaday xabsiga.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa BBC u sheegay in madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland uu qeyb ka yahay baadigoobka Cabdirashiid Janaan, isaga oo sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu u joogo Nayroobi sababo la xiriira kiiska iyo baadigoobka wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.

“Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda ku sugan Nairobi oo runtii isaganaa hadda ku howlan oo kala hadlaya dowladda Kenya,‘’ ayuu yiri Dhuumaal.

Waxa uu intaa ku daray in madaxweyne Axmed Madoobe uu xiriir la sameeyay dowladda Kenya, si uu wax uga ogaado arrinka.

Laakiin maamulka Jubbalanad ma aysan helin wax falcelin ah oo la xiriira kiiska Janan.

‘’Hay’addaha amaanka kenya iyo dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanay inay nala raadiyaan arintaan ilaa hada halkaas ayaan haynaa,’’ ayuu yiri Dhuumaal.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ma jiraan wax faahfaain ka soo baxday Dowlada Kenya oo ku saabsan maqnaanshaha Janan oo markii ugu danbaysay lagu waayey gudaha Nairobi.

Xildhibaan Maxamed Muxumed oo ka mid ah xildhibanada BFS ee gobolka Gedo lagasoo doortay ayaa warbaahinta u sheegay in markii la waayey uu ku sugnaa xaafada Kilimani ee Nairobi dhamaana xiriradiisa telefoonada dansan yihiin.

‘’ Waan u gudbinay dowlad iyo xukumada in muwaadinkaa la xaqiijiyo badqabkiisa iyo haya’addaha amaanka waana rajaynayaan inaan jawaan ka helno,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Xildhibaan Cabdilaahi Aadan Kulane oo ka tirsan golaha shacabka barlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in welwel ku hayso xaalada Janan.

‘’Waxaan ka walwalsanahay warka maqnaanshaha Cabdirashiid Xassan Cabdinuur( Janan), wasiirkii hore Amniga Jubbaland oo waayadaan dhexe khilaaf kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland.

Waxaan ugu baaqayaa dowladda Kenya inay arrintaan baaritaan deg deg ah ku sameyso” ayuu qoraalka ku yiri Cabdilaahi Kulane.

XILDHIBAAN KULANE OO KA HADLAY MAQNAANSHA CABDIRISHIID JANAN

Xigashada Sawirka, CABDILAAHI ADEN KULANE

Sidoo kale Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka tirsan baarlamaanka Federalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X baaq u jeediyey wasaarada Arimaha Dibada ee Soomaaliya

‘’ Afduubka muuqda ee loo geystay Cabdi Rashiid Janan, wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, oo lagu afduubtay magaalada Nairobi, ayaa ah mid aad u walaac galinaya bulshada Soomaaliyeed, Waxaan aad ugu boorinayaa wasarada arimaha dibada Soomaaliya in si deg deg ah ay dowladda Kenya u gudbiso baaritaan rasmi ah,” ayuu yiri Xildhibaan Mursal.

Waayadii danbe Cabdirishadiid Janan wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gado oo ku sugnaa Nairobi oo si weyn uga hor yimid madaxweyne Axmed madoobe iyo siyaasadiisa Jubaland.

Waa kuma Cabdirishiid Janan?

CABDIRISHIID JANAN OO LA WAAYEY

Xigashada Sawirka, JUBALAND TV

Qoraalka sawirka, Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland. Sawir hore

Bartamihii sagaashameeyadii ayuu isagoo da'yar waxa uu ku biiray ururkii Al-Itixaad ee gobolka Gedo kaas oo waqtigaas la dagaallamayay ciidammada Itoobiya ee gacanta siinayay kuwii ururkii SNF ee la wareegay degmooyiinka Baledxaawo, Doolow iyo Luuq ee gobolkaasi.

Muddo ka dib, markii laga adkaaday ururka Al-Itixaad, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) wuxuu dhexdhexaadin ka dib, uu dib ugu laabtay magaalada Doolow ee Soomaaliya halkaas oo uu ka talin jiray maamul gacan saar la lahaa dowladda Itoobiya.

Waa halka uu ka helay fursaddiisa maamul. Waxaa muddo yar ka dib loo magacaabay gudoomiyaha degmada Doolow, taasna waxay u sahashay inuu udub dhexaad u noqdo siyaasadda gobolka Gedo oo intiisa badan ay gacanta ku hayeen ciidammada Itoobiya.

Mudadii uu maamulayay magaalada wuxuu wax badan ka qabtay ammaanka iyo in xarun uu degmada uga dhigay hay'adaha samafalka ee ka shaqeeya Koonfurta Soomaaliya taas oo fursado shaqo u abuurtay dhalinyarada deegaankaasi.

Cabdirashiid Janan wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan maamulka Jubbaland ee tiirarka adagna u ahaa isagoo soo noqday Wasiirka Amniga ee Jubaland.

Dagaallada uu ka qeybgalay ee Soomaaliya

Cabdirashiid Janan waxaa la sheegaa inuu dagaallo kala duwan ka qeybgalay.

Sagaashameeyadii wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii u dagaalami jirtay ururka Al-Itixaad ee ka soo horjeeday ciidammadii Itoobiya ee Gedo soo galay, kaas oo uu ka soo helay khibraddiisa dagaal walow aanan la ogayn tirada dagaallada uu waqtigaas galay.

Markii uu noqday gudoomiyaha degmada Doolow, waxa uu bilaabay inuu abaabulo ciidamo isaga ka amar qaata oo daacad u ah kuwaas oo ay u tababareen una qalabeeyeen ciidammada Itoobiya.

Dagaalladii ugu cuslaana wuxuu la galay ururka Al-Shabaab oo muddadaas haystay inta badan degmooyinka gobolka Gedo.

Hasayeeshee Cabdirashiid Janan wuxuu ku dhaawacmay mid ka mid ah dagaalladii uu la galay ururka Al-Shabaab. Waxaa la sheegaa in dagaalkaasi uu Shabaab iyo ciidammadiisa ku dhexmaray inta u dhaxaysa magaalooyinka Luuq iyo Garbahaarey.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee Beledxaawo, waxaa looga qabsaday askar badan, sida ay dowladda sheegtay. Sidoo kale, wuxuu ahaa dagaal ay dad rayid ah ku geeriyoodeen.

Tacaddiyada horey loogu eedeeyay

Cabdirashiid Janan dadka dhaleeceeya waxa ay ku eedeeyaan inuu gacan bir ah ku qabto dadka maamulkiisa ka soo horjeesta amaba su'aal galiya sida uu wax u maamulo.

Waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid "in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa", sida ay sheegeen hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay'ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay "in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay".

Hay'adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan "looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha".

"Waxaa ka mid ah carqaladeynta kaalmada bini-aadamnimo," ayuu yiri Agaasime ku xigeenka hay'adda Amnesty International ee Bariga Afrika, Seif Magango.

"Xarigga Cabdirashid Janan waa tallaabo muhiim u ah isla xisaabtanka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee muddada sanadaha ah la geysanayay iyadoo ciqaab aysan marin kuwii ka dambeeyay ee ah dadka awoodda leh ee Soomaaliya", ayuu yiri Seif Magango.

"Baaritaanka iyo maxkamadeynta Cabdirashiid Janan waa in ay horseedaan xilli ay cadaalad helaan dadka dhibanayaasha ah ee xuquuqdooda aadanaha lagu tuntay iyo qoysaskooda ku sugan Soomaaliya", ayuu hadalka ku sii daray.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiray uuna musaafuriyay qaar ka mid ah dad ku noolaa magaalooyiinka uu ka taliyay ee maamulkiisa uu gaaray.

Eedahaas waxaa ka mid ah dagaal bartimihii sannadkii 2016 ka dhacay magaalada Baledxaawo halkaas oo lagu dilay laba qof iyo lix kalana lagu dhaawacay ka dib markii "ciidammada Jubaland ay weerrareen maleeshiyo ay sheegeen inay isku uruursanayeen magaalada".

Hay'adda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixinnadoodii 2016 iyo 2017 ku eedeeyay Cabdirashiid Janan "Xadgudubyo halis ku ah xuquuqda aadanaha".

Sidoo kale waxay la xiriiriyeen "Abaabullidda carqaladeyn ka dhan ahayd kaalmada bini-aadamnimo" muddadii u dhexeysay 2014 iyo 2017.

Waxaa ka sii horraysay eed aheyd inuu si bareer ah u toogtay oo maydkoodana uu bannaanka ku tuur afar qof oo haweeney ay ka mid aheyd oo ku jiray xabsiga degmada Doolow, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretria.

Dhammaan eedahaasi Cabdirashiid Janan gaashaanka ayuu u daruuray wuxuuna sheegay inay warar aan jirin buunbuubinayaan dadka diiddan sida wanaagsan ee uu wax u maamulo, inta badanna dadka deegaannada uu ka taliyana ay isaga taageersan yihiin.

Sida uu uga baxsaday xabsigii Muqdisho iyo wixii uu ka yiri

Bishii January ee sannadkii 2020kii, waxaa soo baxay warar sheegayay in Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday xabsigii dowladda ee Muqdisho.

Ku xigeenka taliyaha booliska Soomaaliya, Sareeye-guuto Zakiya Xuseen, ayaa baxsashadaas shaacisay, waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan Janan.

Dhowrkii maalmood ee ugu horreeyay, maamulka Jubbaland wuxuu sheegayay in uu shaki ka muujiyay arrintaas baxsashada ah. Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulkas aya lagu yiri "Waxaan madaxda xukuumadda federaalka si degdeg ah uga dalbaneynaan in ay meel ku sheegaan wasiirka".

Balse, wuxuu markii dambe doon, uu ka soo raacay Muqdisho, ku gaaray magaalada Kismaayo, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland. Wuxuuna u soo gudbay dhanka Nairobi.

Janan wuxuu markaa ka dib billaabay olole dowladda Federaalka ka dhan ah, wuxuuna ciidamo dhul dhigay magaalada Beledxaawo, halkaas oo dhowr duullaan colaadeed uu ku qaaday, balse ma uusan qabsanin.