Su’aalaha ku gadaaman Cabdirashiid Janan

.

Xigashada Sawirka, MAXAMED QANI KUUSOOW

Qoraalka sawirka, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan)
    • Author, Cabdishakuur Casoowe
    • Role, Nairobi

Magaalada Beledxaawo waxaa maanta lagu soo dhaweeyay wasiirkii amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Janan, kaddib markii uu heshiis la galay dowladda federaalka Soomaaliya. Balse waxay su'aalo badan ku gadaaman yihiin nooca uu yahay heshiiskan iyo tallaabada xigta ee uu qaadi doono siyaasigan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Janan, tallaabadaas oo daba socotay heshiiska uu ka galay dowladda.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Janan uu isa soo dhiibay wadahadal kaddib.

Hadal ay maanta soo saartay hay'adda Amnesty International oo lasoo dhigay boggooda Twitter-ka ayaa lagu yidhi "Maadaama hadda uu Cabdirashiid Janan ku jiro gacanta dowladda federaalka Soomaaliya, waa in la xaqiijiyo in caddaalad la waafajiyo lagulana xisaabtamo dhammaan eedeymaha ku aaddan xadgudubyada bani'aadannimo ee ka dhacay Gedo. Dhibaneyaasha iyo qoysaskii ay dhibaatada gaartay waxay mudan yihiin inay caddaalad helaan".

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya 28-kii bishii January shaacisay in uu Cabdirashiid Janan ka baxsaday xabsi ah ku hayeen, waxaa jirtay colaad u dhaxeysay isaga iyo mas'uuliyiinta dowladda federaalka.

Mar uu Janan qudhiisa la hadlayay BBC-da wuxuu sheegay inay jiraan "dad ku caawiyay baxsashadiisii", laakiin ma uusan magacaabeynin.

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha (Human Rights Watch) ayaa bishii March ee sanadkii hore soo saartay warbixin ay diiradda ku saareyso su'aalo badan oo ku gadaaman baxsashada Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, oo loo yaqaanno "Cabdirashiid Janan".

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay eedeymo ka dhan ah Janan iyo dhaliil loo jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horaantii sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay inuu ka baxsaday Cabdirashiid Janan, waxayna caddeysay inay ku howlan tahay dib usoo qabashadiisa.

Presentational grey line

Su'aalo badan

.

Xigashada Sawirka, MAXAMED QANI KUUSOOW

Qoraalka sawirka, Cabdirashiid Janan waa wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland

Human Rights Watch waxay qormada ku saabsan Cabdirashiid Janan ku soo bandhigtay su'aalo iyo Jawaabahooda macquulka ah.

Su'aalaha HRW, oo dhammaantood la xiriira sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya u maareysay xarigga Cabdirashiid Janan, waxaa ka mid ah:

Waligiis si rasmi ah dacwad ma loogu soo oogay? Maxay u jiri waysay tallaabo kale oo ay maxkamadda qaaddo, kaddib dhageysigii ugu horreeyay ee dacwaddiisa? Maxaa loogu hayay xabsi aan rasmi ahayn? Siduuse ku baxsaday?

Waxay hay'addu sheegtay in dhammaan su'aalahan ay u baahan yihiin baaritaan iyo jawaabo ku habboon.

Dowladda Soomalaiya wali wax war ah kama soo saarin hadalkan u dambeeyay ee ka sooo yeray hay'adda.

Human Rights Watch ayaa qormadeeda ku sheegtay in maxkamadeynta qof noocaas ah ay u baahan tahay farsamo sharciyeysan, khibrad iyo dad waayo aragnimo u leh kiisaska noocaas ah, iyadoo sheegtay in waxyaabahaas oo dhan aysan Soomaaliya lahayn xilligan.

Waxyaabaha kale ee aan laga heli karin Soomaaliya marka dacwad lasoo oogayo ayey ku qeexday jiritaan la'aanta hannaan khaas ah iyo ilaalinta dadka dhibbaneyaasha ah.

"Markhaatiyaasha iyo dhibbaneyaasha ayaan inta badan amnigooda la sugin, sidoo kalena waxaa khatar ku jira shaqaalaha waaxda caddaaladda", ayaa lagu yiri warbixinta HRW.

Jawaabaha macquulka u ah Soomaaliya

HRW ayaa sheegtay inay jiraan waddooyin u furan dowladda Soomaaliya, haddii ay dhab ka tahay inay maxkamadeyso dadka la eedeynayo sida Cabdirashiid Janan.

Sida ay qormadeeda ku sheegtay hay'addu, Sanadkii lasoo dhaafay, dowladda federaalka Soomaaliya waxay magaalada caasimadda ah ka abuurtay maxkamad iyo xabsi. Waxay ujeeddada loo dhisay ahayd in lagula tacaalo dadka loo heysto falalka la xiriira kooxda hubeysan ee al-Shabaab, kuwaasoo laga soo weecinayo maxkamadaha milatariga, loona soo wareejinayo kuwa rayidka.

Taageradii ugu horreysay ee dhinaca beesha caalamka waxaa diiradda lagu saaray dhismaha awood caddaaladeed oo lagu wajaho dambiyada la xiriira dhinaca amniga iyo sidoo kale tababarista howl-wadeennada.

Dhanka kalena, xafiiska Madaxa Caddaaladda ee Soomaaliya wuxuu fadhi ku sameystay maxkamadaha racfaanka iyo maxkamadaha heerka gobol, si uu dacwado ugu qaado dadka galay dambiyada waaweyn.

Iyadoo ay intaasi jirta ayaa HRW waxa ku talisay "sidii loo dhisi lahaa qeybo khaas ah, khibrad ku dhisantahay, oo qabilsanaada islamarkaana baaritaan ku sameeya, dacwadona kusoo ooga dadka lagu tuhmo dambiyada dagaal, kuwa ka dhanka ah bani'aadannimada iyo waliba tacaddiyada kaleba"

"Tani waxay wax lagu farxo u ahaan lahayd dhibbaneyaasha iyo qoysaskooda, kuwaasoo arki lahaa kuwa la tuhunsan yahay, sida Cadirashid Janan, oo ugu dambeyn caddaaladda la horkeenay", ayay sii raacisay HRW.

Presentational grey line

Kaalintii uu Janan ku lahaa Dagaalladii Beledxaawo

.

Xigashada Sawirka, MAXAMED QANI KUUSOOW

Wax yar kaddib markii uu Cabdirashiid Janan ka baxsaday xabsiga ay ku heysay Dowladda Soomaaliya, wuxuu hormuud ka ahaa dagaalkii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ku dhex maray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Mar uu BBC-da uga warramayay qaabkii uu xabsiga uga soo baxsaday, ayuu sheegay inuu ku sugnaa Beledxaawo uuna abaabulayay dagaal lagula wareego degmooyin ka tirsan Gedo.

Labadii bishii March, 2020, ayey isku dhaceen ciidamo ka kala tirsan labada dhinac, kuwaasoo in muddo ah is horfadhiyay.

Dagaalkaas oo khasaare dhaliyay ayaa markii dambe kusoo gaba gaboobay in ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen magaalada iyo inta badan goobihii lagu dagaallamayay.

Cabdirashiid Janan

Xigashada Sawirka, MAXAMED QANI KUUSOOW

Qoraalka sawirka, M ajirto xog rasmi ah oo ilaa hadda laga hayo qaabkii uu ku baxsaday Cabdirashiid Janan iyo cidda ka dambeysay

Bishii January ee sanadkan 2021-ka ayuu mar kale Beledxaawo ka dhacay dagaal khasaare dhaliyay oo uu qeyb ka ahaa Cabdirashiid Janan.

Labada dhinacba waxay sheegeen in mid walba uu iska difaacay weerar uu midka kale kusoo qaaday. Xiisadda ka dhalatay dagaalkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale xoojisay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay Kenya ku eedeysay in ay gudaha dalkeeda kusoo abaabuleysay xoogag uu hoggaaminayay Janan.