Qiimaha jacaylka – dhakhtarad Koonfur Afrika oo ka hadashay xadgudubka dhaqaale qoyska

Dhakhatarad da'yar oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa kicisay dood guud oo dalka oo dhan ah oo ku saabsan nooc ka mid ah xadgudubka guriga oo inta badan lagu qariyo aamusnaanta - xadgudub dhaqaale.

Muuqaallo taxane ah oo aad u faafay oo laga qaaday Dr Celiwe Ndaba ayaa ku bilowday sida ay sheegtay in ninkeeda uu uga faa'iideystay dhaqaale ahaan, taas oo horseeday in ay kala tagaan.

Inta badan waxay ku fadhidaa gaarigeeda iyada oo u socota shaqada, waa hooyo saddex musalsal oo ay ka sameeysay laba toddobaad, kuwaas oo ku saabsanaa in kasta oo ay guulaysatay xirfadeeda in ay ku xanibantay guur rafaad badan muddo sanada ah, iyada oo dareemaysa in loola dhaqmay si ay u maalgeliso qaab nololeedka ninkeeda - gaar ahaan rabitaankiisa ah inuu wado gaari Mercedes Benz.

Qaadashada deeynta si uu ugu iibsado gawaaridan oo kale waxa ay ahayd" go'aankii ugu xumaa" ee nolosheena, taas oo qoyska gelisay cadaadis dhaqaale oo aad u weyn, ayay tiri Dr Ndaba - oo tan iyo markii ay soo bandhigtay sheekadeeda dib ugu laabatay magaca abtirisiimadeedii hore taas oo kordhisay in tirada taageerayaasheeda ay kor u kacaan.

In kasta oo ay ninkeeda ka codsatay in uu yareeyo qarashka, waxa ay sheegtay inuu diiday - isagoo ku eedeeyay "in ay rabto in lagu qoslo iyada oo ka dhigeyso inuu kaxeeyo gaari yar".

Dhaqtaradu waxa ay sheegtay in ay sheekadan u sheegeyso si ay digniin u dirto dadka kale – ee aanay ahayn oo keliya dumarka "aan waxba baran" iyo "hantida yar" kuwaas oo la kulma xiriir aan wanaagsanyen.

Ninkeeda Temitope Dada oo ay kala tageen, , kama uusan jawaabin codsi ay BBC-du u jeedisay oo ah in uu faallo ka bixiyo arintan.

Ka dib duufaantii warbaahinta bulshada, wuxuu sameeyay akoon TikTok, halkaas oo mid ka mid ah muuqaalkiisii ugu horreeyay uu ku qiray: "Waxa laga yaabaa in aad ii garanayso inaan ahay…'Mr Benz ama waxba."

Qoraallada kooban ee uu sameeyay waxa ku lifaaqan hashtags sida #divorcetrauma - isagoo leh eedeymahu waa been.

Si kastaba ha ahaatee, qaybta faallooyinka ee TikToka Dr Ndaba iyo aaladaha kale ee warbaahinta bulshada waxay isu beddeleen kooxo taageero ah, oo ay ka buuxaan dumar shaqaalle ah oo wadaaga sheekooyin kuwaasi la,mid ah.

"Waxa aad ku dhiiratay in aad fagaaraha uga hadasho...Aamusnaan ayaan ku dhibtooday," hal qof ayaa sidaasi ku qoray faalladiisa.

Bertus Preller, oo ah qareen ku sugan Cape Town, ayaa aaminsan sababtu in aya tahay in kasta oo haweenka Koonfur Afrika ay noqonayaan dhakhaatiir, qareeno iyo hal-abuurro ganacsi, in ay helaan shaqooyin mushaar fiican ma aha in ay ka xoreebeen amarka ku saleysan hab dhaqameedka bulshada.

Dhaqanka ah madax-bannaanida dhaqaale ee haweenka waxay isku dhacaan "caadooyinkii dhaqameed ee mudnaanta siiya awoodda ragga", ayuu yiri.

Haddii ayba dhacdo , guushoodu waxa ay u muuqataa inay wax bartilmaameedsanayaan.

Ku xad-gudubka maaliyadeed waxa uu dhacaa marka mid ka mid ah lammaanuhu uu xukumo ama ka faa'iidaysto ilaha maaliyadeed ee kale, sida uu qareenku sharraxayo.

"Waa xeelad aan fiicneyn oo weli xoogganoo rabshadaha qoyska dhaliya, taas oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo dhibbanaha," ayuu yiri.

Koonfur Afrika, tan, si sharci ah ayaa loogu qeexay inay tahay ku xad-gudub dhaqaale marka loo eego Xeerka Rabshadaha Qoyska.

Mr Preller waxa uu sheegay waxyaabo ay ka mid yihiin "in si xaq-darro ah lacagta loogu isticmaalo waxyaabaha daruuriga ah ama faragelinta hantida la wadaago," waxa ilaalinya sharciga.

Macalimad jaamacadeed oo codsatay in aan magaceeda la shaacin ayaa BBC-da u sheegtay sida ninkeeda uu uga been sheegay shahaadooyinkiisa oo uu ugu dambeyntii kaga tagay burbur dhaqaale.

Waxa ay ku bilaabatay gaarigeeda oo uu inta badan kaxaystay balse aanu waligiis shidaal ka shubin. Dabadeed ay deyn u qaadatay ganacsigiisii badnaa ee ku fashilmay. Ugu dambeyntii, waxa soo baxay ogeysiis ah in guriga laga saarayo, maadaama ay sheegtay inuu diidday in kirada uu wax ku daro, taas oo keentay in ay u dhabar adaygto dhammaan kharashaadka qoyskooda oo ay ku jiraan saddex carruur ah.

Iyadoo ay taasi jirto, waxay wada joogeen muddo ku dhow toban sano – inkasta oo uu sidoo kale ahaa mid jir dila.

"Aad buu u caqli badan yahay... Waxa aan jeclaaday caqligiisa, riyooyinkiisa waaweyn. Laakin ma uusan lahayn ficil. Kibirkiisu wuxuu ahaa hoos u dhaciisa," ayay tiri.

Xitaa marka uu xoogaa lacag ah helay, haddana waxba iguma darsan jirin.

"Wuxuu bilaabay in uu u diido wax kasta oo lacag ah oo uu isagu lahaa. Waxa uu aadi jiray in uu dibadda aado si ulsoo cabo asxaabtiisa,– waxa uu soo nqoqonayey marka uu mushaharku ka dhamaado ," ayay tiri.

Khabiir dhanka sharciga ah oo lagu magacaabo Somila Gogoba ayaa sheegtay in arimaha ka baxsan xakamaynta lacagta, ku xad-gudbida maaliyadeed ay inta badan yeelato saameeyn maskaxeed oo qoto dheer.

"Qofka xadgudubka geystay, dhaqankankiisa waxa laga yaabaa inuu ka yimaado dareen isku filnaasho la'aan ah, cabsi laga qabo in laga tago, ama in uu doonayo in uu wax maquuniyo," ayay u sheegtay BBC-da.

"Dhibanaha, saameynta nafsaaniga ah ee ku dhacdo waxa ka mid ah, dareen ah in anau wax qiimeeyn, cabsi iyo ku tiirsanaanta cid kale , taas oo noqon karta mid cuuryaamiso."

Cilmi-baaris ay samaysay Jaamacadda Koonfur Afrika ayaa soo jeedinaysa in kuwani aanay ahayn kiisas gooni-gooni ah - iyo in haweenka kasbaday lamaanahooda ay la kulmaan khataro aad u sarreeya oo rabshado sokeeyo ah.

Daraasad qoto dheer oo ay ku sameeyeen 10 haween ah oo ahaa kuwa aasaasiga u ah nolosha qoyskooda, laba keliya ayaa guursaday.

"Sideed ka mid ah ka qaybgalayaasha, doorashadooda kelinimada waxay ka dhalatay waayo-aragnimadooda xadgudubyada jireed, shucuureed iyo jinsiga ... Dhammaan haweenkaas waxa ay ysheegeen in ay aaminsan yihiin in doorkooda haweenka ee quudinta loo arko inay khatar ku yihiin doorka dhaqameed ee bixiyaha," ayuu yiri cilmi-baare Bianca Parry.

Ms Gogoba ayaa sheegtay in dumarka shaqeysto ay ka qiimo yar yihiin ragga dhiggooda ah, in kasta oo ay dhaqaale kusoo kordhiyeen: "Dhaqankan wax uu dhiirigelin karaa ragga qaarkood inay dareemaan inay xaq u leeyihiin inay xakameeyaan dhaqaalaha, xitaa marka aysan si isku mid ah wax uga qayb qaadan.

"xakameyntu ma aha lacag oo kaliya – ee sidoo kale waa awoodda iyo ilaalinta xajinta dhaqdhaqaaqa xiriirka."

Nombulelo Shange, oo ah bare ku takhasustay cilmiga bulshada oo wax ka dhigta Jaamacadda Free State, ayaa sheegtay in ay qayb ka tahay hannaanka ku soo kordhaya Koonfur Afrika ee haweenka heerka dhexe ah ee dhaqaale ahaan looga faa'iidaysto.

"Haweenka madowga ah waxay la kulmaan dhaqanka ah in ragu wax hoogaamiyo: filashada reer galbeedka ee shaqada, rajooyinka dhaqameed ee guriga. Marka ay dhaqamadani isku dhacaan, fikradaha waxyeellada leh ayaa sii kordhaya," ayay u sheegtay BBC.

Waxay sharaxday in isu dheelli tirka culaysyadu kaa dhigaan in aad noqoto haweeney guulaysata, laakiin in aad qaadato doorka "daryeelaha, hooyada, xaaska wanaagsan, deriska wanaagsan iyo xubinta bulshada ee aada kaniisadda Axad walba", ay ahayd mid adag iyada oo haweenka mar walba la baray in ay ku dhegganaadaan geesinimada ragga.

Tan iyo markii ay soo shaac baxday Dr Ndaba, haweenka ku jira baraha bulshada waxa ay wadaagayeen sheekooyin ku saabsan in lammaanahooda ay siinayaan kaararkooda bankiga marka ay dibadda u baxayaan si ay wax u cunaan si ay u muuqato in uu bixinayo dhaqaalaha.

Ms Shange ayaa sheegtay in tani ay ku tusinayso sida masuuliyadda farxadeed ee guriga inta badan loo saaro haweenka.

"ma waxa aad u maleysaa: 'Haddii aan kaliya gaari u helo, in ay farxi doonaan.' Jacaylku wuxuu kaa dhigaa indhoole. Marka uu qofkaagu dhibaatoonayo, sidoo kale waad halgantaa – waxa aad rabtaa inaad xaliso," ayay tiri.

Markii macalinka jaamacada uu furay kaas oo,ahaa ninkeeda, waxaa looga tagay deyn dhan 140,000 rand ($ 7,500; £ 5,600) - dhammaan waxay ku soo wareegeen magaceeda.

"Ka hor, waxa aan qorsheyn karay waxyaabo ay ka mid yihiin fasaxyada. Hadda waxay yihiin kuw adag " ayay tiri.

Dr Ndaba waxa ay dhibsatay in ay u sheegto taageerayaasheeda, sida ay ku samaysay hal musalsal: "Maaliyaddu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah guurka dadka."

Macallinka ayaa inta badan ku raacin taas iyadoo ku boorrisay haweenka da'da yar inay waqtigooda ku bixiyaan inay bartaan lammaanahooda oo ay yeeshaan wadahadal furan oo daacad ah.

"Ka hadal dhaqaalaha, ka hadal taariikhdaada, ka hadal dareenka iyo dabeecadda."

Ms Gogoba ayaa ku boorrisay dad badan inay iska ilaaliyaan lammaanahooda, iyadoo u sheegtay inay ilaashadaan xisaabta bangiga gaarka ah, biinankana ay la socdaan iyo kaararkooda deynta.

Dhammaantood waxa ay isku raaceen in haweenku fahmaan in jacaylku aanu ku iman qiimo macana darro ah.