You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xogtii ugu dambeysay ee buufinta Shiinaha ee Maraykanka dul martay iyo halka ay xiisaddu marayso
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in go’aanka Shiinaha ee ah in buufin muuqata oo basaasnimo ah uu dul mariyo Mareykanka uu yahay “wax aan la aqbali karin oo mas’uuliyad darro ah”.
Diblomaasigan sare ayaa si lama filaan ah u baajiyay safar uu ku tagi lahaa magaalada Beijing, kaasoo noqon lahaa kulankii ugu horreeyay ee heer sare ah oo Mareykanka iyo Shiinuhu ku kulmaan halkaas muddo snnado ah.
Shiinaha ayaa mar sii horeysay muujiyay sida uu uga xun yahay, isagoo sheegay in ay ahayd buufin cimilada loo adeegsado oo kusoo luntay hawada Mareykanka.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Shiinaha.
Gelinkii dambe ee Jimcihii, Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in buufin labaad oo Shiinees ah lagu arkay - iyadoo maraysa Latin America.
"Waxaan aragnaa warbixinnada ku saabsan buufin dhex maraysa hawada waddamada Latin America, waxaan hadda qiimeyay inay tahay buufin kale oo Shiinuhu leeyahay," ayuu yiri xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Brig Gen Patrick Ryder. Ma uusan bixin wax tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan halka uu ku sugan tahay buufinta labaad.
Mr Blinken ayaa ku tilmaamay buufinta Shiinaha ee dul heehaabeysa Mareykanka mid "xadgudub ku ah madax-banaanidayada".
"Tani waa mid aan la aqbali karin iyo sidoo kale tallaabo mas'uuliyad darro ah," ayuu yidhi. "Xitaa waa mas'uuliyad darro aad u badan oo lagusoo aaddiyey habeenka booqashada la qorsheeyay."
Diblomaasigan sare ee Mareykanka ayaa la qorsheeyay inuu booqdo Beijing laga bilaabo 5-ta ilaa 6-da Febraayo si uu ugala hadlo arrimo badan, oo ay ka mid yihiin amniga, Taiwan iyo Covid-19.
Balse khamiistii ayey saraakiisha difaaca Maraykanku ku dhawaaqeen in ay la socdaan buufin meel sare maraysa oo ilaalo ah taas oo dul maraysa hawada Maraykanka.
In kasta oo buufinta ay ahayd, sida Pentagon-ku uu sheegay mid, "ku socdaalay meel sare oo ka sarraysa hawada ganacsiga" oo "oo aanay ku ahayn khatar ciidan iyo mid dhuleed dadka dhulka jooga", hadana ku sugnaanshaha buufinta ee hawada Maraykanka ayaa dhalisay caro .
Jimcihii, Shiinaha ayaa ugu dambeyntii qiray in buufinku yahay hanti uu leeyahay, isagoo sheegay in uu yahay duulimaad rayid ah oo loo isticmaalo cilmi-baarista saadaasha hawada, taas oo ka leexatay waddadii ay ku socotay cimilada oo xun awgeed.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin falkaasi, ayna kala shaqeyn doonaan Mareykanka sidii loo xalin lahaa arrintan.
Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in inkasta oo Maraykanku uu garwaaqsaday sheegashada Shiinaha ee ku saabsan ujeedada buufinta, haddana ay u istaageen qiimaynta in loo isticmaalay ilaalo.
Safar kale oo uu Mr Blinken ku tagayo Shiinaha ayaa la qorsheyn doonaa "fursada ugu horraysa", sarkaal kale oo ka tirsan waaxda gobolka ayaa yiri, isaga oo intaa ku daray in Washington ay qorsheyneyso inay sii waddo "khadka isgaarsiinta furan" ee ku saabsan dhacdada.
Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay ku wargelisay dowladaha saaxiibka dhow la ah Mareykanka xadgudubka hawada Mareykanka laga gaystay.
Bayaan uu soo saaray, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas - ayaa lagu sheegay in ay ugu yeedhay safiirka Shiinaha ee Canada dhacdadan awgeed ayna "si adag ugu muujin doonto" mowqifkeeda, mas'uuliyiinta Shiinaha.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku raacay Mr Blinken in aysan "ku habooneyn" in uu aado Shiinaha waqtigan.
Mr Biden ma uusan weydiin su'aalo ku saabsan buufinta ka dib hadallo ku saabsan dhaqaalaha Mareykanka subaxnimadii Jimcaha.
Sida laga soo xigtay saraakiisha Mareykanka, buufintan ayaa dulmartay gobolka Maryakanka ee Alaska iyo Canada ka hor inta aysan ka soo muuqan gobolka Montana ee Mareykanka, halkaasoo ay ku yaalaan dhowr xarumood oo xasaasi ah oo gantaalada Nukliyeerka ah.
Subaxnimadii jimcaha, buufinku waxa uu u dhaqaaqay dhanka bari "waxa uu dul maray badhtamaha qaaradaha Maraykanka" isaga oo jooggiisu dhan yahay 18,200m sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Cirka Sareeye Guuto Pat Ryder.
Senetarka Kansas Roger Marshall ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in buufinku uu dul maray waqooyiga bari ee gobolkiisa subaxnimadii hore ee jimcaha.
Gen Ryder ayaa intaa ku daray in saraakiisha Maraykanku ay isha ku hayaan buufintan ayna dib u eegis ku sameynayaan "waxa u furan". Waxa uu sheegay in buufinta - oo uu ku tilmaamay "mid la xakamayn karo" - aysan wax khatar ciidan iyo mid dhuleed toona u geysan dadka goobta ku sugan.
Inkasta oo diyaaradaha dagaalka lagu wargeliyay, haddana Maraykanku waxa uu go'aansaday in aanu soo ridin cabsi laga qabo burburka soo dhacaya awgii, sida ay saraakiishu sheegeen.
Mucaaradka siyaasadeed ee madaxweynaha Dimuqraadiga ayaa dalbaday in tallaabo adag laga qaado Shiinaha.
Dhowr xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga - iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump - ayaa ku booriyay Mareykanka inuu soo rido shaygan basaaska lau tilmaamay.
"Soo rid buufinta," ayuu Mr Trump ku yiri farriin kooban oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth.
Afhayeenka aqalka Congress-ka Kevin McCarthy ayaa asna Bartiisa Twitter-ka, ku sheegay in dhacdada buufinku ay tahay "tallaabo xasillooni darro ah oo ay tahay in wax laga qabto".
Maamulka Biden waa inuu hadda kala dagaallamo “tukaha” Shiinaha labada dhinac ee siyaasadda.
Senetarka Dimuqraadiga Montana Jon Tester ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu wali sugayo jawaabaha dhabta ah.
Isagoo la hadlayay warbaahinta CBS, ayuu sarkaal Mareykan ah ku tilmaamay culeyska buufinta - qeybta ku lifaaqan ee ilaalada lagu eedeeyay - inay tahay mid weyn sida miisaanka laba ama saddex basaska dugsiga ah. Buufinka laftiisa aad ayuu u weyn yahay.
Saraakiisha Shiinaha ayaa horey si cad u muujiyay xiisaha ay u qabaan ururinta awooda militari iyo sirta ee buufinnada.
"Horumarka tignoolajiyada ayaa albaab cusub u furay isticmaalka buufinnada," ayaa sannadkii hore lagu yiri maqaal ka soo baxay warbaahinta Liberation Army Daily oo militariga shiinuhu maamulo.
Sannadkii 2022, wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa sheegtay inay ka wqar heshay buufinnada Shiinaha ee dul heehaabaya dhulkeeda.