Intee le'eg yahay kaydka shidaalka ee Venezuela

.

Saacado kadib markii milatariga Maraykanku ay xireen Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro, Madaxweyne Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu ka faa'iidaysan doono kaydka shidaalka ee dalkaas Koonfurta Ameerika ku yaalla.

"Waxaan ka codsan doonnaa shirkadaha waaweyn ee shidaalka Maraykanka, kuwa ugu waaweyn dunida, in ay isku diyaariyaan inay maalgelin balaayiin doolar ku sameeyaan, si ay u dayactiraan kaabayaasha aadka u burburay kaabayaasha shidaalka iyo inay bilaabaan soo saarista dakhliga dalka," ayuu Trump ka yiri shir jaraa'id oo maalintaas uu qabtay

Hadallada Trump waxay ku soo beegmayaan xilli suuqa shidaalka caalamku uu wajahayo dalab badan, qiimaha shidaalku waa mid hooseeya marka la eego, sida ay tahay saadaasha muddada-dheer iyo baahida shidaalku ay sii noqoneyso mid aan caddayn maaddaama dunidu u wareegayso baabuurta ku shaqeeya koronto.

Sidee ayuu muhiim u yahay kaydka shidaalka Venezuela?

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Shidaalka Venezuela ayaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 303 bilyan oo fuusto, waxa ayna ka dhigan tahay in ay haysato kaydka shidaalka ee ugu badan dunida inta la xaqiijiyay, taas oo noqoneysa "qiyaastii 17% wadarta guud ee shidaalka caalamka," sida uu sheegay Gideon Long, oo ah wariye ka tirsan BBC Money and Work.

Sacuudi Carabiya ayaa ku jirta kaalinta labaad iyadoo leh 267.2 bilyan oo foosto, waxaana ku xiga Iiraan oo leh 208.6 bilyan oo foosto iyo Ciraaq oo leh 145 bilyan oo foosto, sida ay sheegtay Ururka Dalalka Dhoofiya Shidaalka (OPEC). Afartan dal marka la isu geeyo, waxay ka kooban yihiin in ka badan kala bar kaydka shidaalka adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, wax-soo-saarka hadda ee Venezuela waa mid aad u yar marka loo eego kaydkeeda.

Bishii Nofeembar, dalka ayaa soo saaray qiyaastii 860,000 foosto maalintii, sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee suuqa shidaalka ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta (IEA).

Tani waxay ka dhigan tahay wax ka yar saddex meelood meel wax-soo-saarkii ay lahayd toban sano ka hor, iyo wax ka yar 1% isticmaalka shidaalka caalamka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marka la barbar dhigo, Maraykanka wuxuu soo saaraa qiyaastii 13 milyan oo foosto maalintii, sida ay sheegtay Hay'adda Macluumaadka Tamarta ee Maraykanka (EIA).

Kaydka Venezuela badankiisu waxa uu ka kooban yahay waxa loogu yeero saliidda adag ee aasidka leh, kaas oo ka adag in la nadiifiyo marka loo eego shidaalka khafiifka ah, balse inta badan loo adeegsado samaynta naaftada iyo daamurka.

"Dhibaatada ugu wayn ee loo tiiriyo hoos u dhaca shidaalka Venezeuela ayaa inay warshadaha ugu ee uu dalkau leeyahay ina ay ku yaallaan Dhanka Bari ee dalka, waxaana lala xiriiriyaa inuu yahay gobolkaas gobol aan la awoodin in la gaaro, intiisa bandanna ay ku hareereesan yihiin kaymo, waana waxa adkeenaya in lasoo saaro shidaalkaas", ayuu yiri Mr. Long.

"waa saliid aad cayriin u ah oo aad u culus. Waa ay badan tahay saliidda halkaas taalla, balse tayadeedu maaha mid fiican, waxa ay u baahan tahay sifeeyn iyo hagaajin badan, dhanka kale meelo kooban oo aad u yar ayaa awood u leh in ay hagaajiyaan", ayuu raaciyey isaga oo sheegay in qaar ka mid ah warshadahan sifeynta ay ku yaallaan Texas.

Nooc kasta oo saliid ah marka la gubayo waxa uu saameeyaa isbeddelka cimilada, balse gubista saliidda cayriinka ah ee Venezuela wa tan ugu daran ee ka qeyb-qaadato wasaqowga hawada iyo cimilada sii kululaaneysa ee dunida ay khubaradu sheegaan.

.

Haddaba maxaa keenay hoos u dhaca wax-soo-saarka Venezuela?

Wax-soo-saarku waxa uu si weyn ayuu hoos ugu dhacay tan iyo horraantii 2000, xilligii oo uu waddanka hogaaminayey madaxweynihii hore Hugo Chávez oo ahaa madaxweynihii ka horreeyay macallinkii Maduro , kadib xukuumaddii Maduro sheegeen in ay adkeeyeen, gacantana ay ku hayaan shirkadda shidaalka qaranka ee PDVSA, taas oo sababtay in shaqaalihii ugu khibradda badnaa in ay dalka iskaga tagaan

Cunaqabataynta Maraykanka, oo markii ugu horreysay la saaray 2015 intii uu xilka hayay madaxweynihii hore Barack Obama sababo la xiriira eedeymo ku saabsan xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah, ayaa sidoo kale ka xayuubisay dalka maalgelin badan iyo agab beddel ah oo uu u baahnaa.

"Caqabadda dhabta ah ee ay wajahayaan waxay ku jirtaa kaabeyaashooda," ayuu yiri Callum Macpherson, madaxa qaybta badeecooyinka ee Investec, oo ah bangi iyo shirkad ka shaqeeya maareynta hantida caalamiga ah oo Anglo iyo Koonfur Afrika ku yaala.

"Inta badan waddooyinkii sahayda iyo kaabeyaasha adkaa waa la dhacay, waa la kala furfuray, waana la iibiyey," ayuu raaciyay.

Waa kuwee shirkadaha shidaalka ee ka shaqeeya Venezuela?

Badi waxaa ka shaqeeya qaar ka mid ah shirkadaha shidaalka ee reer Galbeedka Venezuela, si gaar ah waxaa la xusi karaa shirkadda Chevron oo ah shirkadda keliya ee Maraykan ah ee dalka joogta.

Si kastaba ha ahaatee, hawlahooda ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo markii Maraykanku ballaariyay cunaqabata uu saaray dalkaas, isla markaana bartilmaameedsaday goobaha dhoofinta shidaalka, si loo xaddido dhaqaalaha uu helayo Maduro.

Sannadkii 2022, Chevron waxa ay heshay oggolaansho (ruqsad) uu siiyay madaxweynihii hore Joe Biden si ay uga sii shaqayn karto shidaal qodista inkastoo ay saameyn ku yeelatay cunaqabataynta.

Shirkadda, oo hadda bixisa qiyaastii shan meelood meel wax-soo-saarka shidaalka Venezuela, ayaa sheegtay inay diiradda saarayso badbaadada shaqaalaheeda isla markaana ay u hoggaansanto "dhammaan sharciyada iyo xeerarka khuseeya."

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Intii lagu jiray shirkiisa jaraa'id, Madaxweyne Donald Trump waxa sheegay in Maraykanku uu dhisay warshadaha shidaalka Venezuela, balse nidaamka dalkaas ah uu "ka xaday."

"Waxaan dhisnay warshadaha shidaalka Venezuela annagoo ka faa'iidaysanay kartida, iyo aqoonta Maraykanka, balse nidaamka hantiwadaagga ah ayaa naga xaday intii ay jireen xukuumadihii hore," ayuu yiri.

"Waxay ku xadeen xoog. Tani waxay ahayd mid ka mid ah xatooyadii ugu waaweynaa ee hantida Maraykanka ee taariikhda dalkeenna," ayuu raaciyay.

Hadallada Trump waxay tixraacayaan go'aanno ay qaateen dowladihii hore ee Venezuela oo ku saabsanaa qamarameynta shidaal qodista dalkaasi.

Sida uu qabo sharciga caalamiga ah, Venezuela waxa ay leedahay madax-bannaani buuxda oo ay u leedahay kaydkeeda shidaalka, taas oo Maraykanka u ogolaanayn wax xaquuq ah inuu ku leeyahay shidaalka Venezeuela.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha shisheeye waxay dalban karaan magdhow haddii hantidooda ay ku xadgudubto dowladda ka jirta dalka ay ka hawl galayaan.

.

Maxay saameyn ku yeelan doontaa qiimaha shidaalka?

Homayoun Falakshahi, oo ah falanqeeye sare Kpler, a data platform, ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan shirkadaha doonaya inay ka faa'iideystaan kaydka Venezuela ay yihiin kuwo sharci iyo siyaasadeed.

Wareysi uu siiyay BBC, ayuu ku sheegay in shirkaduhu u baahan doonaan heshiis ay la galaan dowladda, taas oo aan suuragal noqon doonin ilaa uu xilka ka dago Maduro oo la helo hoggaan cusub.

Markaas kadib, shirkaduhu waxa ay galin doonaan balaayiin doolar, wax ay ku xiran tahay xasilloonida dowladda mustaqbalka iman doonta, ayuu raaciyay.

Shirkadaha doonaya inay ka faa'iideystaan qorshaha Trump waa inay marka hore saxiixaan qandaraasyo ay la galaan dowladda cusub ka hor inta aysan kordhin maalgashigooda kaabeyaasha maamulka Venezuela.

Dadka falanqeeya arrimahaan ayaa ka digaya, si dib loogu soo celiyo heerarkii wax-soo-saarka ee hore ee Venezuela in ay ku bixi doonto tobaannaan bilyan doolar, isla markaana laga ayaabo in ay qaadato tobaneeyo sano.

Neil Shearing, oo ah madaxa dhaqaalaha ee Capital Economics, ayaa sheegay in qorshayaasha Trump ay saameyn kooban ku yeelan doonaan sahayda iyo qiimaha shidaalka caalamka.

"Waxaa jira caqabado aad u waaweyn oo ay tahay in laga gudbo, in la dhameeyana waqti dheer ayey qaadaneysaa," ayuu yiri, isagoo xusay in qiimaha shidaalka ee 2026 aan la filayn inuu si weyn isu beddelo.

Shearing wuxuu intaas ku daray in shirkaduhu aysan maalgashan doonin ilaa ay jirto dolwad la isku hallayn karo, isla markaana mashaariicdu aysan miro dhalin doonin "sanado badan."

"Dhibaatadu had iyo jeer waxay ahayd maalgashi la'aan muddo tobannaan sano ah, maamul-xumo, iyo kharash aad u sarreeya oo ku baxa soo saarista shidaalka," ayuu yiri.

Xitaa haddii Venezuela ay ku laabato booskeedii hore ee ahaa inay soo saaro maalintii qiyaastii saddex milyan oo foosto, wali kama mid noqon doonto tobanka waddan ee ugu wax-soo saarka badan dunida", ayuu hadalkiisa ku daray Shearing.

Madaxweynihii hore ee shirkadda BP John Browne ayaa BBC u sheegay in dib-u-soo-nooleynta warshadaha shidaalka Venezuela ay tahay "mashruuc aad u fog oo muddo dheer qaadan doonta."

"Dadku waxay hoos ka eegayaan waqtiga loo baahan yahay in waxyaabaha qaar la fuliyo, guud ahaan diyaarinta isku dabo-ridka ilaha wax-soo saarka, gaar ahaan kan qalabka iyo kan aadanaha, waxa uu qaataa waqti dheer," ayuu yiri.

Inkasta oo qaybo ka mid ah ilaha wax-soo saarku ay si dhaqse ah usoo kaban karaan, haddana marka hore hoos u dhici karaa sababo la xiriira dib-u-habaynta waaxda, " ayuu raaciyay.

Mr. Browne ayaa hadalkiisa ku daray in shirkaduhu doonayaan in ay dhaqaale sameeyaan oo ay wax ku darsadaan ganacsiga caalamka, sababtoo ah "mar walba waa wanaagsan tahay in ganacsi lagu yeesho meelo kala duwan oo dunida ah."