Naceybka mideeyay al-Qaacida, ISIS iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Xamaas

Kooxaha Al-qaacida iyo ISIS ayaa si weyn uga hadlay weerarrada iyo dagaalka ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta uu kula jiro Israa’iil, taas oo lagu macneeyey inay labadaba ay neceb yihiin.

Sababta ugu weyn ee aysan ISIS iyo al-Qaacida ugu faraxsanayn ayaa ah in Xamaas xirir la leedahay Iiraan iyo kooxaha ay taageerto ee gobolka, kuwaas oo ku aroora madhabta Shiicada.

Hoggaamiyihii labaad ee al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, ayaa soo saaray canaan uu Xamaas u jeediyay ka qaybgalka dawladda Falastiin oo ugu yeeray mid Cilmaani ah

Dhammaaadkii 2007-dii al-Qaacida ayaa soo saartay 12 bayaan oo kala duwan oo ay ku dhaleeceeyeen Xamaas. HogGaamiyihi Al-qaacida Usama Bin-Ladin ayaa sheegay inay Ururka Xamaas ay lumiyeen diintooda.

Sababta ugu weyn ee al-Qaacida u fogaysay Xamaas una dhaleecaysay ayaa lagu sheegay inay tahay khilaaf adag oo dhexmaray kooxada

Wixii intaas ka danbeeyeyna waxaa sii xoogaystay dagaalka afka ee dhinacyada dhexmaray Salafi-jihaadi oo la safan al-Qaacida iyo dagaalyahannada Xamaas ee Qasa.

Maxay isku hayaan al-Qaacida iyo Xamaas?

Markii Xamaas ay ka adkaatay kooxda Salafi-jihaadi oo ahayd wakiilka al-Qaacida ee Qasa, waxaa sii xoogaystay inay is duraan dhinacyadu.

Arrinta labaad ayaa ah in al-Qaacida diidday taageerada Xamaas ay ka helayaan Iiraan iyo Xisbullah oo ay u arkaan kuwa mabda' ahaan ay kala fog yihiin oo aysan bananaayn in la garab sado.

Fahamka sababta isku dhaca marka laga eego dhinaca al-Qaacida waxay saamayn ku yeelanaysaa go'aaminta ficilada mustaqbalka ee taageerayaasheeda.

Hogaamiyayaasha al-Qacida ayaa diiday xulafo cad jihaadka ay ka wadaan Xamaas, taas oo muujinaysa xadka wada shaqayneed ee ka dhexeeya al-Qaacida iyo kooxaha kale ee la fikirka ah. Al-Qacida waxa ay sidoo kale dhaleeceysay dariiqa awoodda ee ay Xamaas qaaday—ka qayb qaadashada hannaanka doorashada.

Kaddib markii Xamaas ay ku guuleysatay guul muhiim ah doorashadii Janaayo 2006 ee Golaha Sharci-dejinta Falastiin, al-Qaacida waxay si lama filaan ah u bedeshay farriimihii ay hore ugu taageeri jirtay kooxda iyagoo ugu yeeray inay diinta ka leexdeen.

Maxay ISIS ka qabtaa Xamaas? iyo mar ay dagaal ku sigteen

Kooxda ISIS iyo kooxo badan oo jihaadiyiin ayaa muddo dheer tuhun ka qabay Xamaas, gaar ahaan xiriirka dhow ee Iiraan. Dhinaca kale Daacish ayaa si cad u neceb kooxda Falastiiniyiinta.

Nacaybkaan ayaa si cad loo daaha ka qaaday bishii Janaayo 2018, markii laanta Siinaay ee Daacish ee waqooyi bari Masar ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Xamaas iyagoo soo daabacay muuqaal.

Muqaalkaas ayaa kooxda Falastiin lagu eedeeyay inay diinta u adeegsato danaheeda siyaasadeed, caburinta mujaahidiinta Gaza iyo inay la shaqeyso Iran. Fiidiyowga ayaa sidoo kale muujinaya sawirro laga soo qaaday xubin ka tirsan Xamaas oo loogu yeerayo gaalo.

Xamaas ayaa 2009-kii magaalada Rafax ku dishay wadaad masaajid ku yaala kaga dhawaaqay Imaarad Islaami ah kaas oo la tuhun sana inuu xiriir la leeyahay ISIS.

Wixii intaa ka danbeeyey ISIS marna ma soo dhaweyn ficilada Xamaas ugumana yeerin howlgaladooda kuwa jihaad ah.

Mid ka mida sababa ISIS u neceb yihiin Xamaas ayaa ah in aanay ku qanac sanayn xidhiidhka dhow ee ay la leeyihiin Iiraan. Iyagoo ku tilmaamay inay Xamaas yihiin wakiilada Tehran ee gobolka.

Eedaha kale ee ISIS u jeediyeen Xamaas ayaa ah inay doonayaan inay ku faafiyaan saamaynta shiicada ee dhulka baraykaysan.

Sidaa awgeed, mid ka mid ah sababaha ISIS u neceb yihiin Xamaas ayaa ah in aanay ku qanacsanayn xidhiidhka dhow ee Xamaas ay la leedahay Iran. Isagoo kooxda ku tilmaamay inay yihiin "wakiillada" Tehran ee xogta, ISIS waxay ku eedaysay kooxda "inay isku dayeen inay ku faafiyaan saamaynta Shiicada ee dhulka barakeysan."

Is barbardhigga Israa’iil ee Xamaas iyo ISIS

Israa’iil ayaa xoojinaysa dadaalladeed ah inay Xamaas la barbardhigto ISIS iyadoo dacaayadaha noocaas ku baahinaysa baraha bulshada.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa yiri “Xamas waa Daacish waana in la burburiyaa si la mid ah sidii Daacish loo burburiyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa ku dhiirigelisay isticmaalka hashtag #HamasisISIS (Xamas waa ISIS) baraha bulshada si ay u taageeraan sheekada ah in Xamaas ay la mid tahay ISIS.

Dhinaca kale madaxda Maraykanku dhib kuma qabin inay Xamaas ugu yeeraan sida ay Israa’iil u aragto.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa u madax lulay hadalka Netanyahu markii uu Xamaas ugu yeeray ISIS.