Maxaa la samayn karaa si looga badbaado dhibaatada dhulgariirka marka uu dhacayo

Boqolaal qof oo ku nool dhulka baadiyaha ee Itoobiya, gaar ahaan waqooyiga bari ee Addis Ababa ayaa guryahooda uga cararaya cabsi darteed, ayadoo folkaane halkaa u dhow uu muujinayo astaamo la xiriira inuu qarxi doono. Foolkaanaha wuxuu ka mid yahay astaamaha muujiya dhulgariirrada.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo dhulka hoostiisa ka dhacayey oo 10 ka badan, kuwaasoo laga soo sheegay agagaarka Awash, iyo deegaanno ka tirsan gobolka Cafarta. Waxaa akaloo jiray gariirro laga dareemay ilaa Addis Ababa.

Goobahaas ayey xukuumadda Itoobiya ka dad guraysay dadkii ku noolaa si looga hortago waxyeello soo gaarta.

Muxuu yahay Dhulgariir, maxaase keena

Haddaba muxuu yahay dhul gariir, maxaase dhaliya ama keena dhulgariirrada. BBC ayaa su'aashaas weydiisay Xasan Maxamuud Qorane oo ah khabiir yaqaanna cilmiga barashada dhulka (Geology).

"Dhulgariir waa dhaqdhaqaaq awood leh oo aan oogada dhulka ka dareenno, kaasoo uu keeno cadaadis ka dhacaya dhulka" ayuu yiri Qorane. Wuxuu intaa ku daray in ay jiraan wxyaabo dabiici ah iyo kuwo uu bani aadamku sameeye y oo dhaliya dhulgariirrada.

"Waxyaabaha dabiiciga ah waxaa ka mid ah dhaqadhaqaaqyada lakabyada dhulka (Tectonic plates), kuwaasoo isku soo dhawaanshahooda iyo kala durkidooda ay keento inuu dhulgariir dhaco, waxaa kaloo ka mid ah cadaadis dhulka hoostiisa ka dhaca" ayuu yiri, isagoo dhnaka kalena sheegay in hawlaha ay bani aadamnku sameeyaan sida macdan baarista, shidaal qodidda, iyo tijaabinta hubka waaweyn sida Nukliyeerka ay keenaan in dhulgariir uu dhaco.

Calaamadaha lagu garto inuu dhul gariir dhici doono

Inta badan way adag tahay in la sii saadaaliyo meesha saxda ah ee uu dhulgariir ka dhici doono, Waxaase jira astaamo muujinaya in dhulgariir uu dhici doono sida uu qabo Xasam Qorane, sida qalab lagula socdo dhaqdhaqaaqyada dhulka ee meelaha uu dhulgariirku ku badan yahay. Astaamaha kale ee uu sheegay waxaa ka mid ah in ifafaalaha laga arki karo xoolaha sida fardaha.

"Waa la ogaan karaa in dhulgariir uu dhacayo, iyo halka uu ka dhacayo, laakinse waxaa adag in la ogaado sida uu u dhacayo iyo xilliga saxda ah ee uu dhacayo ayaa adag in si sax ah loo saadaaliyo" ayuu sii raaciyey khabiirku.

Dhulgariirrada Itoobiya

"Afrika waxay ka mid tahay meelaha ugu yar ee uu ka dhaco ama ka dhici karo dhulgariir marka la fiiriyo lakabyada uu dhulku ka samaysan yahay. Sidaasoo ay tahay geeska ama bariga Afrika waa meelaha ugu badan qaaradda ee laga filan karo inuu dhulgariir ka dhaco" ayuu yiri Xasan Qorane.

Wuxuu intaa ku daray in caadiyan hay'adaha ka diga dhulgariirrada sida USGS ay ku qiyaasaan 4 – 5 darajada richter, dhulgariirrada Afrika ka dhaca, balse uu midka Itoobiya ka dhacay ka sarreeyo heerki caadiga ahaa ee la filayey, isagoo gaaray ilaa 5.8 darajo.

Wuxuu intaa ku daray "marka si guud loo fiiriyo Itoobiya ama bariga Afrika ma aha markii 1aad ee uu dhulgariir ka dhaco, laakin waxaad mooddaa in tirada dhulgariirrada ay isku soo dhawaanayaan oo ay sii badanayaan khatarta ay keenayaan dhulgariirrada".

Maxa dadka la gudboon inay sameeyaan si waxyeellada dhulgariirka looga badbaado

Xasan Maxamuud Qorane wuxuu mushkiladda 1aad ku tilmaamay in dadka ku nool bariga Afrika ay wacyi ahaan u diyaarsanayn dhibaatada uu dhulgariirku leeyahay. Mushiladda 2aadna wuxuu ku tilmaamay dhismayaasha oo aan dhulgariir iska celin karin.

"Dhismayaasha ma aha kuwo u diyaarsan inay u adkaystaan dhulgariirrada, taasoo sii laba jibaari karta khataraha ka dhasha dhulgariirka" ayuu yiri.

Wuxuu talo ku soo jeediyey "in qofku uu marka ugu horreysa ka taxadaro naftiisa oo uu xiro wixii gaas ah, ama koronto ah, ama biyo ah, oo qofku uu sii diyaarsado meel ay isaga iyo dadkiisu ka bixi karaan. In qofku uu ka fogaado meelaha ay ku yaallaan dhismayaasha iyo geedaha waaweyn haddii uu meel banaan ah joogo. Hadduu gaari wado waa inuu istaajiyo ilaa uu dhaulgariirku ka dhamaado" ayuu ku taliyey Xasan Maxamuud Qorane.