You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuma "Iimaamkii ugu horreeyay dunida ee sheega inuu ka mid yahay dadka isku jinsiga ah ee iska hela" ee toogashada lagu dilay
Muhsin Hendricks, oo loo aqoonsaday inuu yahay imaamkii ugu horreeyay ee si cad u sheega inuu ka mid yahay bulshada isku jinsiga ah ee iska hesha, ayaa lagu toogtay dalka Koofur Afrika.
Muhsin oo 57 jir ahaa ayaa imaam ka ahaa masjid ku yaalla magaalada Cape Town oo loogu talogalay inuu hoy ammaan ah u noqdo Muslimiinta bulshadan ka tirsan iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay. Waxaa la dilay subixii Sabtida kadib markii gaarigii uu ku safrayay oo marayay meel u dhow magaalada koofureed ee Gqeberha jidgooyo loo dhigay.
"Labo laga shakisan yahay oo aan la garaneyn oo wajiga soo duubtay ayaa kasoo baxay gaariga waxayna bilaabeen inay dhowr rasaas huwiyaan gaariga," ayaa lagu yar warsaxaafadeed uu soo saaray booliiska.
Warka geerida Hendricks ayaa aad uga nixiyay bulshada la isku yiraahdo LGBTQ+ iyo qeybaha kalena, wuxuuna sababay tacsi looga soo wada diro qeybo badan oo adduunka ah.
Julia Ehrt, oo ah agaasimaha ururka International Lesbian, Gay, Bisexual, Trans and Intersex Association (Ilga), ayaa ugu baaqday dowladda inay baaritaan dhammeystiran ku sameyso "waxa aan ka baqeyno inuu yahay dembi nacayb ah".
"Wuxuu taageeray oo uu gacan qabtay dad badan oo Koofur Afrika ku sugan iyo adduunka dacalladiisa kuwaasoo ku guda jiray is waafajinta diintooda, noloshiisuna waxay tusaale u ahayd waxa ay bogsashada iyo is caawinta bulshada dhexdeeda ay ku keeni karto nolosha qof walba," ayay tiri.
Hendricks ayaa la dilay kadib markii la sheegay inuu ka qeyb galay aroos ay dhiganayeen labo hablood, inkastoo aan tan si rasmi ah loo xaqiijin.
Faahfaahinta weerarka ayaa laga dheehday muuqaal ay waaxaha ammaanka qaadeen oo lagu wadaagay baraha bulshada.
Wuxuu muuqaalka muujinayaa gaari isku horgoynaya gaariga uu Hendricks ku safrayay sida inuu ka baxsanayay cillad soo wajahday. Sida uu booliisku sheegay, imaamka ayaa kursiga dambe fadhiyay.
Xagasha muuqaalka ay duubtay kaamirada CCTV ayaa muujinaya waxa ka dhacay hal dhinac oo waddada ah - mid ka mid ah kuwa weerarka soo qaaday oo kasoo boodaya gaariga, ku ordaya gaariga la isku horgooyay si ku celcelis ahna daaqadda dambe rasaas ku ridaya.
Hay'adda Al-Ghurbaah Foundation ee Hendricks, oo maamusha Masjidul Ghurbaah oo ku yaalla xaafadda Wynberg ee Cape Town, ayaa xaqiijisay in subixii Sabtida uu ku geeriyooday weerar lala beegsaday.
Balse Abdulmugheeth Petersen, oo guddoomiye ka ah golaha sare ee hay'adda, ayaa farriin uu u soo mariyay barta WhatsApp wuxuu dadka taabacsan ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan, isagoo carrabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in la difaaco qoyska Hendricks.
Shaqadii uu hayay Hendricks ayaa waxay loollan ku ahayd Islaamka wuxuuna u ololeyn jiray diin loo wada siman yahay.
Dastuurka la sameeyay wixii ka dambeeyay xilligii caddaanku xukumayeen dalkaas ayaa ah kii ugu horreeyay adduunka ee dadka ka difaaca takoorka sababo la xiriira xaalkooda dhanka jinsiyadda sanadkii 2006-diina, wuxuu noqday dalkii ugu horreeyay Afrika ee sharciyeeya guurka dhex mara dadka isku jinsiga ah.
Balse weli bulshada LGBTQ ayaa wajaha takoor iyo rabshad. Dalkaasi sidoo kale waa kan ay ka dhacaan tirada ugu badan dilalka ee adduunka.
Hendricks ayaa sanadkii 1996 caddeeyay inuu yahay ragga jecel ragga, taas oo yaab ku noqotay gebi ahaan bulshada Muslimiinta ee ku nool Cape Town iyo meelaha kaleba.
Isla sanadkaas, wuxuu aasaasay The Inner Circle, oo ah urur caawinaad u fidiya meel ammaan ahna siiya Muslimiinta bulshadan ka tirsan ee doonaya inay is waafajiyaan diintooda iyo xaaladdooda jinsiyadeed kahor inta uusan aasaasin masjidka Masjidul Ghurbaah.
Wuxuu ahaa qofka looga hadlayay dukumentari sanadkii 2022 la sameeyay oo lagu magacaabo The Radical (xagjirka), kaas oo uu kaga hadlay khataraha uu wajahay: "Baahida ah inaad noqoto qof dhab ah ayaa ka weyn cabsida inaad dhimato."
Hendricks ayaa aalaaba ka hadli jiray ahmiyadda ay leedahay wada-xaajoodka diimaha iyo baahida loo qabo muujinta arrimaha caafimaadka maskaxda iyo tiiraanyada ay wajahaan shakhsiyaadka LGBTQ+ ee ku dhex nool bulshooyinka diimaha. within religious communities.
Wuxuu ka sheegay shirweynaha dunida ee Ilga ee ka dhacay Capetown sannadkii hore "waa muhiim in aan joojinno in aan diinta u fiirinno inay cadaw tahay".
Baadariga Jide Macaulay, oo ah baadari Anglican ah oo ann aan qarsan in uu ka mid yahay dadka isku jinsiga ah ee iska hela, ayaa ku tilmaamay geerida Hendricks mid "dhab ahaantii niyadjab leh".
Qof ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka LGBTQ oo ah Nayjeeriyaan haysta dhalashada Britain, isla markaana maamula House of rainbow oo ah hay'ad taageero siisa dadka Mithli jinsiga ee Nayjeeriya, halkaasoo xiriirka dhex mara dadka isku jinsiga ah ama damaca muuqda ee noocaas ah uu sharcidarro ka yahay, ayaa ku amaanay Hendrick geesinimo.
"Hogaamintaadii, dhiiranaantaadii iyo ka go'naanshihii aan leexleexadka lahayn ee ka mid ahaanshaha dadka diimaha kala duwan ay ka midka yihiin, ayaa reebtay bar aan tirmayn" ayuu yiri.
Sadiq Lawal oo ah muslim ka mid ajh dadka mithli jinsiga ah, kuna nool Nayjeeriya wuxuu u sheegay BBC in Hendricks uu sameeyey saamayn sida in "macquul uu ka dhigay wax aan macquul ahayn" isagoo yiri kalmadaha ah "waxaan ahay iimaam aan rag ama dumar ahayn".
"Wuxuu maskax ahaan soo gardaadiyey muslimiin badan oo Afrikaan ah oo aan rag ama dumar ahayn, gaar ahaan Nayjeeriya, ayadoo sababtuna ay tahay xagjirnimo diimeed" ayuu yiri. "weli waan naxsanahay, waana welwelsanahay" ayuu si raaciyey.
Wa Kuma Muhsin Hendricks
Wuxuu ku dhashay magaalada Cape town 1967kii, waxaana uu ku soo koray qoys muslim ah, awoowgiisna waxa uu ahaa caalim diinta islaamka yaqaan.
Waxa uu cilmiga Islaamka ku bartay Pakistan, laakiin geeddiga gaarka ah ee nolosha waxa uu u horseeday isgoysyada barashada dhaqanka. Sannadkii 1996-kii ayuu soo baxay isagoo ah Mithli jinsi, taasoo ka yaabisay bulsho weynta muslimiinta ah ee ku nool magaalada uu ka soo jeedo ee Cape Town iyo meelo kale. Waxay galaafatay mansabkiisii imaamnimo, waxayna xumaysay xiriirkii qoyska.
Isla sanadkaas, waxa uu aasaasay urur lagu magacaabo The Inner Circle, oo ah urur hormuud u ah taageera Muslimiinta LGBT. Waxa uu naftiisa u huray in uu u ololeeyo ka mid noqoshada iyo isfahamka bulshada Muslimka ah.
Ka dib waxa uu aasaasay Mu'asasada Al Ghurba iyo Masjidka Al Ghurba, oo ah masaajidkii ugu horreeyay ee mithli jinsi sheega ee Koonfur Afrika.
Wuxuu bixiyay muxaadarooyin badan oo ku saabsan muhiimada wadahadalka diimaha, iyo baahida loo qabo in wax laga qabto arrimaha caafimaadka dhimirka iyo dhaawacyada ay la kulmaan shaqsiyaadka LGBTQ ee ka tirsan bulshooyinka diinta.
Sida looga falceliyey
Warka ku saabsan dilka Hendrix ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, falcelinta dilkiisa ayaana ku kala duwanaatay kuwa diiday fikradda oo ku tilmaamay mid waxashnimo ah iyo kuwa ku eedeeyay inuu ka leexday mabaadi'da diinta Islaamka.
Qaar ayaa qoray in dilka Hendrix uu u taagan yahay xaalad miyir la'aan ah, halka qaar kalena ay ka faalloodeen wararka sheegaya in dunidu tahay mid la yaab leh, iyaga oo muujinaya sida ay uga naxsan yihiin jiritaanka qof Islaami ah oo leh dabeecado galmo oo ay ku tilmaameen "mid ka duwan".
Doodda ayaa ka dhex bilaabatay dadka isticmaala baraha bulshada, iyadoo ay ku dheeraatay dood ku saabsan aqoonsiga jinsiga iyo xiriirka diinta ee arrintan.
Dovik Mohamed Zahid oo ah daaci u dhashay dalka Aljeeriya kuna nool dalka Faransiiska, isla markaana ka tirsan bulshada LGBT, isla markaana leh urur u dooda xuquuqda Muslimiinta LGBT ee dalka Faransiiska, ayaa soo galiyay sawirka Hendrix oo uu kaga faallooday aayad qur'aan ah.
Golaha dhanka sharciga Muslimiinta ee Koonfur Afrika, oo ka mid ah Hay'adaha Diimaha ee ugu waaweyn dalkaasi, ayaa cambaareeyey dilkaasi, iyaga oo caddeeyey inay ka soo horjeedaan dilka Hendricks.
"Maadaama ay xubno ka yihiin bulsho dimuquraadi ah oo jamac ah, Golaha Garsoorka Islaamiga ahi waxa uu ku adkaysanayaa in uu ku baaqo nabad ku wada noolaanshaha iyo ixtiraamka labada dhinac, xitaa iyada oo ay jirto fikrado kala duwan" ayuu goluhu ku yiri bayaan.
Golaha Culimada Koonfur Afrika ayaa iyaguna cambaareeyay "dilka sharciga ka baxsan".
Dhankooda, shirweynaha Ururka LGBT International ayaa cambaareeyay dilka, waxayna ku baaqeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo, iyadoo laga cabsi qabo in sababta dilka ka dambeysay ay tahay nacayb.