Maxay ka wada hadleen Abiy Axmed iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa khadka taleefoonka kula hadlay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sida ay wasaaraddu sheegtay.

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Tommy Pigott ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Arbacada ku sheegay in wada-hadallada labada mas'uul diiradda lagu saaray xasilloonida gobolka iyo arrimaha la xiriira dhismaha nabad waarta oo aasaasi ah oo ka dhacda Koonfur Afrika.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in intii ay ku wadahadlayeen khadka taleefoonka ay labada mas'uul ee Mareykanka iyo Itoobiya ay xaqiijiyeen in ay ka go'an tahay nabad iyo xasillooni ka dhalata gobolka.

Si gaar ah waxa ay uga wadahadleen sidii dhidibada loogu taagi lahaa nabadda dalka Koonfur Afrika oo dhaqdhaqaaqyada siyaasad - juquraafiyeed ee ka jira ay yihiin kuwo cakiran, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaan weli wax war ah ka soo saarin waxyaabihii looga wada hadlay.

Wadahadalka khadka taleefoonka ee dhexmaray Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku soo aadaya toddobaad ka dib markii Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika General Dagvin RM Anderson uu wadahadalo la yeeshay madaxda sare ee Itoobiya.

Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika, General Dagvin RM Anderson.

Waxa ay kala hadleen arrimaha amniga gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika, General Dagvin RM Anderson.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Maraykanka uu booqasho ku tagay Itoobiya si uu ugala hadlo arrimaha badda cas iyo danaha Itoobiya.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika General Dagvin RM Anderson, ayaa la kulmay Field Marshal Jula oo ay ka wada hadleen sidii dalalka kale ee gobolka ay isaga kaashan lahaayeen nabad iyo xasilooni ka dhalata dalka Koonfur Afrika.

Sida laga soo xigtay ciidamada difaaca Itoobiya, labada dal ayaa ka wada shaqaynayay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin ciidamada sannado badan.

Taliyaha ciidanka Itoobiya ayaa u sheegay wafdiga in xiriirka militari ee Itoobiya iyo Mareykanka uu sii xoojin doono.

Field Marshal Birhanu Jula ayaa sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto xoojinta tilaabooyinka adag ee ay ku doonayso in ay ku wiiqdo awooda al-Shabaab ayna uga hortagto qorshaheeda argagixisada.

Isagoo u mahadcelinaya doorka Itoobiya ee ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika, General Dagvin RM Anderson ayaa sheegay in waddanku uu sii wadi doono "la dagaalanka argagixisada".

Bishii Nofember ee sanadkan, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku wada hadlay khadka taleefoonka, iyagoo ka wada hadlay hadafka guud ee amniga iyo horumarinta dhaqaalaha Itoobiya iyo Koonfur Afrika.

Wadahadallada uu wasiirka arrimaha dibadda Marco Rubio la yeeshay ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ku soo aaday iyadoo ay xiisad ka taagan tahay gobolka Tigray iyo Eritrea iyo Itoobiya oo midba midka kale uu ku eedeynayo.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadahadalka iyo xasilloonida gobolka.

Intii uu socday wadahadalka, Rubio waxa uu bogaadiyay isbedelada dhaqaale ee Itoobiya, wuxuuna sheegay inay haystaan fursado waaweyn oo lagu ballaarinayo ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka.

Wadahadallada diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka uu la yeeshay ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa yimid xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka soo saaray arrimo la isku khilaafsan yahay oo ku saabsan biyo xireenka weyn ee Itoobiya (GERD).

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar saddexaad ku celiyay in Itoobiya ay lacag Mareykanku bixiyey ku dhistay biyo xireenka weyn ee Renaissance Dam.

Dowladda Itoobiya ayaa bayaan ay soo saartay ku tilmaantay sheegashada soo noqnoqotay ee Madaxweynaha Mareykanka ee ku aadan in biyo xireenka Niil uu Mareykanka maalgeliyey mid khalad ah.

Itoobiya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir 120 sano jir ah oo muhiim ah. Xidhiidhkaasi waxa uu ahaa mid xooggan oo ka baxsan xilligii xukuumadihii hore.

Gaar ahaan xilligii ADWUI, Itoobiya waxay xoojisay saaxiibtinimada Mareykanka iyada oo ugaarsanaysa dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka Tigray ayaa tijaabiyay xiriirka adag ee labada dal.

Mareykanka ayaa marar badan walaac ka muujiyay xadgudubyada xun ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha isagoo ku baaqay in wadahadal lagu xaliyo dagaalka.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa ku eedeysay dalalka reer galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka inuu faragelin ku hayo madax-bannaanideeda.

Markii dagaalku cirka isku shareeray, madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas [Joe Biden] wuxuu amar ku bixiyay Febraayo 2021 inuu ciqaabo oo uu tallaabo ka qaado Itoobiya.

Mareykanka ayaa hakiyay taageeradii dhaqaale iyo amni ee uu siin jiray Itoobiya, waxaana intaa dheer in madaxda Itoobiya ay ka mamnuuceen inay galaan Mareykanka.

Ka saarida ganacsiga bilaa cashuurta ah ee AGOA waxa ay shaqo la'aan ku keentay in ka badan 200,000 oo muwaadiniin ah, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya beeraha warshadaha.

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Itoobiya Ervin Massinga ayaa horraantii sanadkan waxa uu bayaan ka soo saaray xaaladda Itoobiya iyo iskaashiga Maraykanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Maraykanka iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah 120-sano, "wuxuuna Mareykanku sii wadi doonaa xoojinta iskaashiga lagu xallinayo khilaafaadka gudaha ee baabi'inaya nafta dadka rayidka ah" .