Trump, Qaramada Midoobay iyo xaqiiqooyinka cusub ee nidaamka adduunka

Dhulka 7 hektar ah ee Qaramada Midoobay deggan tahay waxa ka iibsaday Manhattan, New York, John Rockefeller oo ahaa taariikhda Mareykanka qofkii ugu taajirsanaa. Kaddib dagaalkii labaad ee adduunka ayuu ugu deeqay Qaramada midoobay.

Dhulkaas wuxuu noqday xarunta awooda iyo diblomaasiyadeed ee adduunka dagaalka kaddib.

Qaramada Midoobay hadda waxay noqoneysay 80 sano. Mareykanka oo Donland Trump madaxweyne u yahayna waxay qaadeen tallaabooyin ay kaga sii baxayaan iskaashiga caalamiga.

Ka bixista marba heerka joogta ee barnaamijyada iyo diblomaasiyada hay'adan ayaa ku keentay Qaramada Midoobay khatar weyn oo hore aan u soo marin. Waxaa sidoo kale khatar wajahaya qaab dhismeedkii sababay in ay abuurmaan nidaamka adduunka ee lagu sameeyay Qaramada Midoobay, waxayna u muqataa hadda in aysan awood fiican laheyn.

Mr. Trump oo 20 sano ka hor isku tilmaamay in ay ka go'an tahay "taageerada Qaramada Midoobay iyo waxa ay u taagan tahay," ayaa hadda markii uu xukunka yimid ka baxayay heshiisyo badan oo caalami ah marba mid iyo isagoo su'aal geliyay sida lagu aamini karo hay'adan.

Markii uu xafiiska yimid 2016-kii ayuu ku tilmaamay Qaramada Midoobay "mid daciif ah oo aan karti laheyn". Hadalkaas wuxuu ka hor sheegay AIPAC oo ah koox awood badan oo Mareykanka dhexdiisa ugu ololeysa Isreal. Wuxuu sheegay in hay'adan aysan "saaxiib la aheyn dimuqraadiyada, xorriyada, Mareykanka iyo Israel".

Markii labaad uu xafiiska yimid madaxweyne Trump kuma uusan labo labeyn in uu dhaliilo ama su'aal gelioyo Qaramada Midoobay.

Iran ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee isbeddalka Washington wajaha. Sanadkii 2018-kii ayuu Mareykanka ka baxay heshiiska JCPOA oo ahaa heshiis ay Iran la gashay dhowr dal oo kuwa adduunka ugu awooda badan ag kaas oo lagu xadidayzhy nukliyoorkooda.

Iran oo kaliya arrinta kuma ekaan ee Washington waxay sii waday dhaqankeeda aan saaxiibtinimada aheyn ee ku wajahnaa xiriirka caalamiga.

Markii labaad ee la doortay Trump waxa uu saxiixay amar madaxweyne uu ku joojinayay xubinnimada iyo dhaqaalaha uu siiyo hay'ada caafimaadka adduunka WHO. Wuxuu ka baxay heshiiskii cimilada Paris. Wuxuuna ku tilmaamay ururka beecmushtarka adduunka WTO mid aan awood laheyn isagoo ugu hanjabay in uu ka jaranayo dhaqaalaha.

Sidoo kale Trump wuxuu ku eedeeyay hay'ada UNIESCO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan tacliinta, seyniska iyo dhaqanka in ay dhiirogelineyso qorshooyin ka dhan ah Israel, wuuna ka baxay. Hay'ada xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayuu ka jaray dhaqaalaha isagoo isaga ka baxay hay'adaas.

Aqalka Cad waxay joojiyeen 4 bilyan oo doolar oo kongareeska iyo xildhibaanada ansixiyeen taas oo aheyd gargaarka dibadda. Maamulkiisa waxay sheegeen in ay hay'adaha caalamiga ay la shaqeynayaan oo kaliya si ka turjumeysa danaha Mareykanka.

Sanadkii 2018, mar uu hadal ka jeedinayay Galaha Guud ee Qaramada Midoobay, Donald Trump wuxuu sheegay in maamulkiisa uu yahay kii ugu fiicnaa Mareykanka soo mara. Madaxdii adduunka ee kulankaas joogtay way ku qosleen. Wuxuu ahaa qosol ay indhahiisu si fiican u qabteen.

Markii uu ku soo laabtay xukunka ayuu ka dhabeeyay in cid dambe aysan u arag qof lagu kaftamo. Siyaasadiisa arrimaha dibadda ayaa si weyn isu badashay isagoo ka tagay Yurub iyo saaxiibo kale.

Tobankii sano ee la soo dhaafay siyaasada arrimaha dibadda Mareykanka ma aheyn mid dheelitiran. Waxay u dhexeysay siyaasadii Biden ee iskaashiga iyo tan Trump ee go'doonka ah.

Ma kala bar ayuu koobku maran yahay mise kala bar ayuu buuxaa?

Marka la fiiriyo saameynta xiriirka Mareykanka ee caalamka waa mid waqti qaadaneysa balse mustaqbalka dhow natiijada waa mid taas ka duwan.

Hay'ada WHO, tusaale ahaan, waxaa lagu qasbay in ay dhinto miisaaniyadeeda sanadlaha ah 20 boqolkiiba kadidb markii ay Mareykanka ka baxen. Dalalka deeqda bixiya waxay bilaabeen in ay buuxiyaan meelaha qaar. Norway waxay ballanqaaday 57 miliyan oo doolar halka Shiinaha uu ballanqaaday 500 oo milyan shanta sano ee soo socota.

Sida degdegga uu Mareykanka u jaray kaalmadii uu dibadda siin jiray, ma ahan oo kaliya wax la xirira khilaaf siyaasadeed.

Ugu yaraan 14 milyan oo carruur ah ayaa khatar ugu jirta nafaqo daro iyo geeri sanadkan taasna waxaa keenay dhaqaalaha laga jartay ee la siin jiray mashaariicda caalamiga.

Sdia ay sheegtay UNICEF, tani waa bilowga dhibaatada. Hadii Mareykanka uusan dooneyn in uu hormuud ka noqdo xalka dhibaatada adduunka ka taagan, ma jiraan dalal buuxinaya booskaas?

Qaramada Midoobay waa in ay fahantaa sida aan laysugu haleyn karin Mareykanka oo ay wajahdaa xaqiiqda. Jidkale uma furno oo aan aheyn in ay dib u eegis ku sameyso sida ay u fuliso howlgaladeeda. Dalal badan ayaa hore uga hadlay baahida loo qabo isbaddel lagu sameeyo Qaraamda Midoobay.

Sanadihii u dambeeyay dunida waxay aragtay in ay kordheen isbahaysida ay dalalka sameysanayaan. Isbahaysiga BRICS oo markii hore ay sameeyeen Brazil, Ruushka, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ayaa hadda noqday mid muhiim ah oo ah isbahaysi aysan reer galbeed ku jirin. Sidoo kale isbahaysigaas wuxuu leeyahay xubno cusub sida dalalka khaliijka, Itoobiya iyo Indonesia.

Shiinaha waxay isku dayayaan in ay buuxiyaan meelaha uu baneeyay Mareykanka inkasoo aysan si buuxda u qaadan kaalintii Mareykanku ay ka baxeen.

Su'aasha hadda taagan ayaa ah hadi taageerada Mareykanka ay meesha ka baxdo miyey buuxinayaan dalalka kale booskaas.