You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Baaritaannada FBI-da ma ka joojin karaan Trump inuu tartamo?
Baaritaankii la yaabka lahaa ee FBI-du ay Isniintii ku sameeyeen guriga Donald Trump ee Florida ayaa si lama filaan ah sare ugu qaaday baaritaannada lagu hayo madaxweynihii hore, waxayna soo bandhigeen su'aalo sharci oo cusub oo - aragti ahaan - wax ka beddeli kara habka madaxtinimada Mareykanka.
Haddii baaritaanka oo sida la sheegay lala xiriirinayo sida uu Mr Trump u maamulay dukumentiyada sirta ah ee madaxtinimo markii uu xilka banneeyay ayaa dadka qaar waxay soo jeedinayaan in si sharci ah looga hor istaagi karo inuu mar kale u tartamo xilka madaxtinimada.
Haddaba bal aan si qoto dheer u eegno arrintan. Muxuu baaritaanka FBI-da ka yiri ilaa inta baaritaannada lagu sameeyay Mr Trump ?mise laga yaabaa in arrintaan horseedo in laga joojiyo inuu u tartamo doorashada madaxtinnimada ee 2024?
Joseph Moreno, oo ah xeer ilaaliyihii hore ee waaxda cadaaladda, ayaa sheegay inay suuragal tahay in baaritannadan ay ku biyo shubtaan eedeymo lagu soo oogo Trump.
"Qof ka tirsan FBI-da iyo xeer-ilaaliye federaal ah ayaa rumeysan inay jirto xadgudub dambiyeedka Sharciga Diiwaanka Madaxweynaha kaasi oo ah in madaxweynayaasha ay ku wareejiyaan dhammaan dukumeentiyadooda iyo iimayladooda Kaydka Qaranka] , " ayuu yiri Mr Moreno.
Sharcigu wuxuu qabaa in qof kasta oo haysta dukumentiyada dawladda oo "si bareer ah oo sharci darro ah u qarinaya, ama u baabi'iyay ... wixii diiwaan, dacwadeed ah, khariidad, buug, warqad, dukumeenti, ama shay kale, ama lagu xareeyay ... xafiis kasta oo dawladeed" waxa lagu ganaaxi karaa ama lagu xiri karaa ilaa saddex sano.
Muhiimad ahaan, waxay sheekadu u dhacaysaa in qof kasta oo lagu xukumo sharcigaas "laga reebayo inuu qabto" xafiis federaal ah. Tani waa sababta dadka qaar ay u soo jeedinayaan in meesha ay ka baxayso rajadii Mr Trump ee ahayd inuu ku soo laabto Aqalka Cad.
"Taasi waa sharci dhab ah, haddii Donald Trump uu ku xad-gudbo sharcigaas, waxay leedahay cawaaqib xaqiiqo ah, oo ay ku jirto in laga yaabo inuusan waligiis mar dambe u shaqeyn karin xafiis federal ah," taariikhyahan Michael Beschloss ayaa u sheegay sidaas MSNBC.
Khubarada sharciga iyo dastuurka ayaa dhanka kale BBC-da u sheegay in aysan jirin mamnuucid guud oo ka dhan ah dambiilayaasha la xukumay ee u tartamaya madaxtinimada. Tusaalaha ugu dambeeyay waa madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush, kaas oo lagu xukumay in isaga oo cabsan uu gaari waday, waa dambi yar, laakiin wuxuu sii watay inuu dalka u shaqeeyo laba muddo xilleed.
Shuruudaha u qalmida qofka u tartami kara madaxweynaha waxa dejiya dastuurka Maraykanka. Shuruudaha u-qalmitaanka waa sahlan yihiin: musharraxa waa inuu jiraa ugu yaraan 35 jir, muwaadin dabiici ah iyo inuu deganaa Mareykanka muddo 14 sano ah.
Haddaba waxaa jira khilaaf cad – oo u dhexeeya xeer federaal ah oo sheegaya in dadka lagu xukumo sharcigan kor ku xusan laga mamnuuco inay xilal qabtaan, iyo Dastuurka oo dhigaya shuruudo cad oo ku saabsan cidda xaqa u leh inuu u tartamo xilka madaxweynaha oo aan soo hadal qaadin dembiyada lagu xukumay.
"Mabda'a aasaasiga ah ee sharciga dastuuriga ah waa in Dastuurku uu sarreeyo, sharci kasta oo ka hor imaanaya dastuurkana waa burayaa," ayuu raaciyay Mr Kalt.
Tiro khubaro ah oo dhanka sharciga ah ayaa sidoo kale soo jeediyay in Congress-ku uu musharraxa xilka ka xayuubin karo iyada oo loo marayo habka xil ka qaadista, laakiin dastuurka Maraykanku ma siinayo awood noocaas ah ee xukunnada lagu sameeyo sharciga dembiyada caadiga ah.
"Sida kaliya ee looga mamnuuci karo inuu tartamo waa haddii Congress-ku ka mamnuuco iyadoo la isticmaalayo awoodaha xil ka qaadista, laakiin taasi waxay noqonaysaa mid aan caadi ahayn," ayuu yiri Mr Moreno, xeer ilaaliyihii hore ee waaxda cadaaladda Mareykanka.
Khubarada qaar ayaa soo jeedinaya in haddii Mr Trump lagu soo oogo laguna xukumo qaybta 2071-aad, ay dacwad oogayaashu weydiin karaan maxkamada sare inay tixgeliso su'aasha xaq u yeelashada.
"Haddii aan la talin lahaa Mr Trump, waxaan dhihi lahaa waa inaadan ka welwelin arrintan," ayuu yiri Mr Kalt.
In kasta oo sharci yaqaannadu ay aaminsan yihiin in ka joojinta Mr Trump in uu xafiiska u cararo iyada oo loo marayo Qaybta 2071 ay tahay, isku day saameyn weyn ku yeelan kara rajada doorashada iyo aragtida dadweynaha.