Waa kuma taageeraha Trump ee hogaanka u haya murashaxiinta madaxweynenimada dalkiisa

Javier Milei oo ku faraxsan guushiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Javier Milei oo ku faraxsan guushiisa

Siyaasiga midigta fog Javier Milei, ee aadka ula dhacsan madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa helay codadka ugu badan ee laga dhiibtay doorashooyinka is-reebreebka ee dalkiisa Arjantiin.

Milei ayaa helay codad badan oo aan la filayn oo ah 30%, isagoo quusiyey siyaasiyiin safka hore ku jiri jiray. Warbaahinta Arjantiin waxay guusha Milei ku tilmaameen ”Dhuilgariir Siyaasadeed”.

Doorashooyinka is-reebreebka Arjantiin way ka duwan tahay kuwa ka dhaca dalalka kale, sababtoo ah ma jiro cid ka mid ah xubnaha xisbiyada oo laga mamnuucay. Waa mid u furan inay ka qayb galaan dadka xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan. Codbixintu, sidoo kale, waa mid khasab ah.

Cid kasta oo ku guulaysata waxaa loo arki doonaa ijay ku soo bixi karto doorashada madaxweynaha ee dhici doonta 22 Oktoobar.

Fikradaha dadka laga uruuriyey ka hor doorashooyinka is-reebreebka waxay muujinayeen in Milei uu ka dambeeyey wasiirka dhaqaalaha ee bidix dhexe Sergio Massa, iyo murashaxa muxaafidka Patricia Bullrich.

Lakinse markii la tiriyey 97% codadkii la dhiibtay, Mr Milei wuxuu helay 30.06%, isagoo ka horreeyey Ms Bullrich oo heshay 28.27% , iyo Sergio Matta oo helay 27.24%

Wargeyska La Nación wuxuu ku tilmaamay soo bixidda Milei ”Bar-gariir”.

Milei wuxuu ahaa shaqsi caan ka ah TV-yada. Inkastoo uu xubin ka ahaa aqalka Koongareeska tan iyo 2021,misna wuxuu jecel yahay inuu isu muujiyeo nin siyaasadda dibadda ka jooga.

Wuxuu caan ku yahay jaakadaha isboortiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wuxuu caan ku yahay xirashada jaakadaha isboortiska

Aragtiyadiisa nidaamka ka soo horjeeda ayaa sii kiciyey carada ay codbixiyeyaasha Arjantiin ka qaadeen xukuumadda hadda jirta iyo tii ka horreysay oo ku guul darraystay inay xal u helaan mushaakilka dhaqaale ee Arjantiin.

Sicir bararka aya maraya 115%, mid ka mid ah afartii qof ee dalkaas ku noolna wuxu ku nool yahay saboolnimo. Lacagta dalkaas ayaa aad hoos ugu dhacday waxayna gaartay heer taageerayaasha dalaka kale uga yimaada inay cayaaro daawadaan ay jeexjeexaan lacagta dalkaas ayagoo ku diganaya taageerayaasha Arjantiin.

Mr Milei wuxuu weerar xoog leh ku qaaday qolyaha uu xifaaltanka kala dhexeeyo ee xisbayada kale.

Isagoo la hadlayey taageerayaashiisa ka dib doorashooyinkii is-reebreebka ee dhacay Axaddii ayuu ku yiri „waxaa no suurto gashay in aan dhisno waddo kale oo soo afjaraysa isku dul noolaanta, tuuganimada faquuqa siyaasadeed ee maalaa-yacniga ah”.

Javier Milei wuxuu aad ula dhacsan yahay siyaasadaha TrumpJavier Milei wuxuu aad ula dhacsan yahay siyaasadaha Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Javier Milei wuxuu aad ula dhacsan yahay siyaasadaha Trump
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

52 jirkaas wuxuu sheegay in haddii la doorto uu Meesha ka saari doono bankiga dhexe ee Arjantiin, uuna lacagta dalkaas ku beddeli doono Doollarka Maraykanka, hay’adaha dawaladda ee khasaaraha ku jirana uu qaramayn doono.

Wuxu kaloo Milei sheegay in uu dabcin doono xakamaynta hubka

Wuxuu weeraray tacliinta jinsiga ee iskuullada laga dhigo, taasoo u sheegay in ay burburinayso ”qiyamka qoyska”. Wuxuu diiddan yahay isbeddelaka cimilada.

Wareeg labaad oo tartan ah ayaa dhex mari doona afarta murashax ee ugu sarreysa 19 Nofembar hadii murashixiinta midkoodna uusan gaarin 45% codadka la dhiibto, ama 40% oo uu ku hogaaminayo 10%.

Ayadoo iminka ay u dhaxeeyaan in ka yar 4% seddexda murashax ee ugu sarreysa doorashooyinka is-reebreebka, ayey u muuqataa wareeg labaad la isla aadi doono.

Arjantiin ma aha dalka kaliya ee siyaasi nidaamka diiddan uu ka xanaajiyo dabaqadda siyaasadda hogaamisa.

Dalka Colombia ayaa murashaxa madaxa banaan, Rodolfo Hernández Wuxuu si la yaab ku hormaray wareeggii hore ee doorashada 2022, laakinse wuxuu ku guuldarraystay wareegii labaad oo uu ku soo baxay Gustavo Pedro.

Sidoo kale dalka chile oo wareeggii hore uu ku guulaystay Jose Antonio Kast, ayaa wareeggi labaad waxaa kaga guulaystay Gabriel Boric oo ahaa hogaamiyihii hore ee ardayda ee u janjeera garabka bidix.