Mataano ka dhashay shahwo la keydiyay 30 sano kahor

Lydia Ann iyo Timothy Ronald Ridgeway ayaa dhashay October 31, 2022

Xigashada Sawirka, NATIONAL EMBRYO DONATION CENTER

Mataano ayaa ku dhashay gobolka Tennessee, kuwaas oo ka dhashay ugxanta haweeney iyo manida ninkeeda oo lagu qaboojiyay baraf in ka badan 30 sano.

Marka la isku daro manida iyo ugxanta ayaa waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa (embryo). Waxaa kaddib lagu keydiyaa sheybaar in muddo ah illaa ay ka gaarto heer lagu beeri karo minka haweeney.

Waxaa la rumeysan yahay in tani ay rikoor cusub u tahay muddada ugu dheer ee ugxanta la keydiyo kaddibna ay ka dhashaan carruur.

Waxaa lagu qbaoojiyay maaddada nitrogen oo dareere ah, heerkul gaaraya ilaa -128C (-200F) 22-kii April 1992.

Rachel Ridgeway, oo ah hooyo afar carruur ah heysata kana soo jeedda gobolka Oregon ee dalka Mareykanka, ayaa mataanahan dhashay 31-kii October.

Aabbahood, Philip Ridgeway, ayaa sheegay in arrintan ay tahay "mid ahsqaraar ah ".

Lydia Ann iyo Timothy Ronald Ridgeway ayaa rikoor cusub dhigay, sida laga soo xigtay Xarunta Qaranka ee Ku Deeqidda Ugxanta (NEDC), oo ah urur diimeed si gaar ah loo leeyahay oo sheegay in taasi ay gacan ka geysatay dhalashada 1,200 oo carruur ah oo ka dhashay embryo la qaboojiyay.

Waxaa hore rikoorka u heysatay Molly Gibson, oo sanadkii 2020 ka dhalatay embryo la qaboojiyay 27 sano kahor.

"Go’aanka ... lagu qaadanayo embryo-ha waa inay u xaqiijisaa bukaannada ka walaacsan inuu jiro qof doonaya mid la keydiyay 5, 10, 20 sano kahor," ayuu yiri Dr. John David Gordon, oo ah qofka embryo-ha ku tallaalay hooyada dhashay mataanaha.

Philip iyo Rachel Ridgeway waxay ahaayeen carruur markii la keydinayay ugxanta ay ka dhasheen mataanahooda Lydia iyo Timothy

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Embryo-ha mataanaha ayaa waxaa ku deeqay lammaane aan la aqoon iyadoo la adeegsanayo teknoljiyadda IVF. Ninka ayaa ku jiray da'da 50-meeyada, waxayna lammaanahan adeegsadeen ugxanta haweeney 34 jir ahayd.

Ugxanta iyo manida laga qaaday ayaa lagu keydiyay sheybaar ku yaalla xeebta galbeed ee Mareykanka ilaa sanadkii 2007 markii lammaanaha ay ugu deeqeen shirkadda NEDC ee Knoxville, Tennessee si ay lammaanayaasha kale u isticmaalaan.

Dhaqtar ku takhasusay ugxanta oo ka tirsan xarunta dhalmada ayaa markii dambe embryo-ha ku beeray minka haweeneyda dhashay mataanahan.

War ay soo saartay NEDC ayaa waxay ku sheegtay inay rajeyneyso in warbixintan ay "dhiirrigelin u tahay dadka kale si ay qudhooda u tijaabiyaan ugxanta".

Waa carruurtii ugu horreysay ee ka tirsan qoyska Ridgeway – kuwaasoo ku dhashay hannaanka IVF.

Qoyska ayaa waxay leeyihiin afar kale oo carruur ah oo da’doodu ay u dhaxeyso hal jir ilaa siddeed jir.

"Waxaan ahaa shan jir markii Alle uu suurtogeliyay dhalashada Lydia iyo Timothy, isaga ayaana intaa kaddib noloshooda daryeelayay," ayuu Philip Ridgeway u sheegay telefishinka CNN.

"Runta ayaa waxay tahay, inay yihiin carruurteenna ugu waaweyn, inkastoo ay yihiin carruruteenna ugu yar yar."

"Wax lala yaabo ayay maskaxda ku tahay." Ayuu intaas ku daray.

Muhiimadda ay leedahay

Dr Cabdulqaadir Wehliye Faarax oo ah la la taliyaha wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ee arrimaha caafimaadka taranka ayaa BBC-da u sheegay in hannaankan uu ahmiyad weyn leeyahay, marka la eego dhibaatada dhanka dhalmada ee ka jirta qeybo ka mid ah adduunka.

“Waxaa jira lammaane aan fursad u helin inay carruur helaan, kuwaasoo u baahan inay raadsadaan xarumaha dhalmada, taas darteed ayay ahmiyad weyn ugu leedahay qoysaska is qaba inay helaan ubad,” ayuu yiri.

Ugxanta laga soo qaado haweeneyda iyo manida ninka ayaa la isku daraa kuwaasoo lagu keydiyo sheybaar kahor intaan lagu beerin minka haweeney.

“Ubadka marka uu beermo waxaa la sugaa ilaa saddex maalmood oo kale, oo lagu sameeyo sheybaarka. Marka ay gaaraan marxalad gaar ah markaas waxaa loo baahdaa minkii lagu beeri lahaa,” ayuu intaa raaciyay.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Diinta Islaamka maxay ka qabtaa arrintan?

Dr Cabdulqaadir ayaa sheegay in guud ahaan ay diintu banneysay hannaankan, lagana isticmaalo xarumaha taranka ee dunida Islaamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay, balse ay jirto shuruud arrintaas ku xiran.

“Fatwada culimadu ay sameeyeen guud ahaan way oggoshahay, laaaiin waxaa shardi ah in ugxanta iyo minka ay ka yimaadaan labo qof oo isku qaba shareecada Islaamka, taas micnaheedu waa in manida ninka aan lagu beeri karin ugaxanta haweeney uusan qabin.” Ayuu yiri Dr. Cabdulqaadir.