Waa tee da’da ugu habboon ragga ee ay ilmo fiican ku dhali karaan

Waxaan ognahay in uu jiro xilli ay haweeneydu ka istaagto caadada, taasoo saamayn ku yeelata dhalmadeeda, laakin waxaa dhici karta in aan si fiican loo eegin waxa ku dhici kara dhalmada ragga marka ay dhaafaan da’da dhexe.

Ragga minadooda waa mid aan joogsan, laakin micnaheedu ma aha in aysan lahayn xilli aysan dhaafi karin xagga dhalmada sida dumarka oo kale.

Mar kasta oo ninka ragga ah uu sii gaboobo, minadiisa waxaa ku dhaca isbeddel xagga hidda-sidaha ah, kaasoo sare u qaada in minada ay dhaawacanto.

Taasi waxay saamayn ku yeelan kartaa dhalmada, waxayna keeni kartaa in ay sido kale saamayso caafimaadka carruurta uu dhali doono.

Daraasado ayaa sheegaya in aabayaasha waayeelka ah ay u badan tahay inay dhalaan carruur dhibaato ay ka haysato horumarka maskaxda.

Daraasad la sameeyey 2010 ayaa sheegaysa in carruurta ay dhalaan ragga 40 sano ka weyn ay 5 goor khatar ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka Autism.

Ilaa da’dee raggu si wanaagsan u ilmo dhali karaan

Da’da ugu wanaagsan ee uu ninku si fiican carruur u dhali karo ayaa lagu tilmaamay 22 sano ilaa 25 sano. Waxaa talo lagu bixiyey in ay wanaagsan tahay in raggu ay ilmo dhlaan wixii ka horreeya da’da 35 sano.

Wixii da’daas ka dambeeya daraasaddu waxay sheegtay in minadu ay diciifayso, waxaana uurka yimaada dhici karaysa in is beddel lagu arko.

Waxay kaloo daraasaddu sheegaysaa in minada ragga ay da’doodu ka weyn tahay 45 sano ay keeni karto in dumarku ay dhiciyaan.

Maxay tahay sababta ay aabayaashu ilmo u dhalaan ayagoo waayeel ah

Da’da ay dadku waalidiin ku noqon karaan ayaa sii kordhaysay tan iyo todobaatameeyadii, waxayna hadda maraysaa ahalkii ugu sarraysay, ayadoo celceliska aabayaashana ay tahay 34, halka celceliska hooyooyinkana ay tahay 31 sano.

Sida ay sheegayso Sarah martins Da Silva oo ah khabiir dhalmada ku xeeldheer oo ka tirsan jaamacadda Dundee, sababta waalidiinta, lab iyo dheddig, ay ilmo u dhalayaan ayagoo waayeel ah ayaa ah mid badan.

“Waxaan filayaa inay jirto dood balaaran oo ku saabsan arrimaha bulshada dhaqaalaha, kuna taxalluqda sida muuqatada dhaqaalaha, xanaanada carruurta, iyo deganaanshiyaha lacagta” ayey tiri.

Ninku da’ kasta aabbe ma noqon karaa

Aragti ahaan, haa, bacdamaa loo baahan ayahay oo kaliya in hal unug oo minada ku jira uu bacrimiyo ugxan. Sida ay sheegayso Martins Da Silva, ”ma jiro xilli minadu baaba’do”.

“Waxaa jira dad caan ah oo ku jira da’todobaatanaad iyo sideetanaad oo carruur dhalaya” ayey tiri.

“Ma laha wax lagula yaabo oo gaar ah in raggu ay sidaa samayn karaan, waayo baayolojigooda wuu ka duwan yahay kan dumarka, laakinse khatar ayaa jirta” ayey sii raacisay.

Khatar miyey leedahay aabbenimada da’da weyn

Waxaa jira khatar sii kordhaysa oo aabayaashaas iyo carruurta ay dhalaan soo wajahaysa. Daraasad la sameeyey 2020 oo eegeysay xiriirka ka dhaxeeya aabayaasha waayeelnimada ku dhala iyo dhicinta ayey sheegtay in mar kasta oo da’da aabaha ay weyn tahay ay d hnka kalena badan tahay khatarta dhicinta ee dhinaca hooyada.

Waxay kaloo daraasaddu aragtay xaalado xagga caafimaadka ah oo lagu arkay carruurta da’da aabayaashood ay weyn tahay, taasoo ku saabsan isbeddelka ku yimaada hidde-sidayaasha.

Waxaa jiro hab nololeedyo ah oo hoos u dhigi kara tayada minada ragga. Waxaa ka mid ah heerka cuntada nafaqada leh oo liidata, cabista sigaarka iyo aalkolka, isticmaalka daroogada iyo cayilka.