Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay waxa maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha?

SUUQA BAKAARAHA

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka, Suuqa Bakaaraha oo qaraxyo lagu weeeray.
    • Author, Mohamed B. Khaliif
    • Role, Wariye, Nairobi

Qaraxyo ayaa salaadii duhur ka dib laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi.

“Waxaan indhahayga ku arkayey todobo qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca saddex kale” ayuu BBC-da u sheegay goobjooge diiday inaan magaciisa baahinno.

Goobjoogahaan oo sidoo kale ah ganacsade tukaan ku leh suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in hal mar uu is baddeley jawiga suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo alaabta Electarogina oo khasaaraha ugu badan uu gaaray.

Wuxuu BBC-da u sheegay in dadkii ku sugnaa suuqa ay kala carareen iyadoo si dhaqsi leh loo xiray dukaamadii furnaa.

Laba xarumood oo kamid ah kuwa uga waawayn ee iibiya qalabka electronic ga ayuu sheegay in khasaaraha ugu badan uu gaaray. "Waxaana arkayey khasaare badan oo soo gaaray dukaamo kale,” ayuu BBC-da u sheegay goobjoogaha.

Inta badan dadka ayaa isla dhexmarayay in hoobiyeyaal ay ku dhaceen suuqa, balse warkaas ayaan la xaqiijin.

Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka mid ahaa masuuliyiin booqday Bakaaraha ka dib weerarka ayaa beeniyey in waxa ka dhacay suuqa ay hoobiyaal lagu soo tuuray balse ay ahayeen qaraxyo goobta lagu diyaariyay.

“Halkan waxaa ka dhacay waxay ahaayeen beegsi ganacsiga, shan ilaa lix goobood ayaa khasaaruhu gaareen oo u badnan kuwa electarooniga, dabcan waxay u muuqataa amase an ognahay inay yihiin kooxdaha argagxisada ee ganacstada handadaya si ay baad uga qadaan, waxay maalmihii danbe u soo dirayeen fariimo, balse dadkani waxay ahaayeen kuwii iska diiday inay baad bixiyaan. Walina baaritaan ayaa socda. ayuu yiri Maxamed Yabooh.

Booliska iyo goobaha caafimaadka midna si rasmi ah wali uma xaqiijin tirada dhimashada iyo dhawaca ka dhashay weerarka maanta ka dhacay suuqaha barkaaha ee Muqdisho.

Iskudayo badan oo aan sameynay si aan wax uga waydiino maamulka gobolka iyo isbitaalada ayaan noo suuragalin, sababo la xiriira mashquul badan oo ay ku jireen.

SUUQA BAKAARAHA

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka, Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qaraxyo lagu weeraray suuqa Bakaraha ee Muqdisho.
SUUQA BAKAARAHA

Xigashada Sawirka, GOOBJOOOG

Qoraalka sawirka, Suuqa Bakaaraha

Maxay tahay sababta loo weeraray suuqa?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu BBC-da u sheegay Axmed Cabdilaahi Kaboole oo arimah aamaanka ka faalooda, caado ma ahayn in kooxaha dagaalka kula jira dawladda SOomaaliya sida la Shabaab iyo Daacish ay weeraraan suuqa Bakaaraha, sababtoo ah waxay la macaamili jireen ganacsatada oo badankood ay ka qaada jireen lacago baad ah. Tobankii sano ee u dambeeyay ayuu xaalku sidaas ahaa sida uu qabo Kaboole.

“Waxaa laga yaabaa inay dad ku dhex dili jireen oo ama ha nooqto xubnaha dowlada ama kuwa sakawaadka diida” ayuu BBC-da U sheegay Kaboole.

Dad badan ayaa u arka in weerarka Bakaaraha ee manata uu yahay mid cusub.

Kabole, ayaa qaba in weerarkan lagu qaaday suuqa Bakaaraha ay ula muuqato in uu sababi karo sharciga la dagaalanka argagaxisada ee dowlada Soomaaliya ay soo saartay kaas oo si adag u xadidaya cidkasta oo macaamil dhex maro kooxaha dowladu u aqoonsan tahay argagixisada, kaas oo si uun u naaqusiyay macaamiilkii dhexmari jiray Shabaab iyo ganacsatada qaar.

“Tani waa jawaab ka timi al-Shabaab ayaan is leeyahay, sababtoo ah sharcigan adag ee dowladu soo rogtay ayay doonayana in ay u muujiyan inay carqaladeynayaan” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Kaboole.

Goobaha ganacsiga ee suuqa Bakaaraha ayaa hadda gabi ahaan xiran sida xogaha an helayno ay sheegayaan iyadoo weerarka ka dib ay ciidamada amaanku la wareegeen goobihii ay wax ka dhaceen.

Suuqa Baarakaha waa mid ka mida suuqyada ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, halkaas oo xudun u ah nolosha malaayiin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan noloshoodu ugu tiirsan yahay.

Axmed Cabdilaahi kaboole ayaa sheegay in dowlada Soomaliya looga baahan yahay inay xaqiijiso ammaanka ganacstada maadama ay hadda u muuqdaan hilib banaan yaal oo dhibaatadu gaarayso iyaga uun.