VOA: Saamaynta xidhitaankeedii ku yeeshay qaaradda Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahintii dibadda ee ugu muddada dheereyd ee dowladda Mareykanka — Voice of America (VOA) — ayaa la joojiyey, guud ahaan qaaradda Afrika, halkaas oo ay ka wadday adeegyo warbaahineed oo ku bixi jirey afaf badan, kuwaas oo ay malaayiin qof ku gaadhi jirtay.
Idaacadaha, telefishannada, podcast-yada, mareegaha internetka iyo baraha bulshada ee VOA ayaa hawada ka baxay ama aan wax cusub la soo gelin tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu 14-kii Maarso 2025 saxiixay amar madaxweyne oo uu ku baabi'iyay deeqdii ku bixi jirtay, "intii suuragal ah oo waafaqsan sharciga," howlihii VOA ee hoostagi jiray hay'adda US Agency for Global Media (USAGM).
Xilliga amarka la bixinayay, VOA waxa ay ka hawlgeli jirtay qaaradda Afrika iyadoo adeegyo ku bixin jirtay afafka Ingiriisiga, Faransiiska, iyo Boortaqiiska, iyo sidoo kale luqadaha Afrikaanka ah ee kala ah: Amxaariga, Bambara, Hausa, Kinyarwanda/Kirundi, Lingala, Ndebele, Oromo, Shona, Soomaali, Swahili iyo Tigrinya.

Xigashada Sawirka, VOA
VOA waxa kale oo ay lahayd adeeg gaar ah oo loogu talagalay dalka Zimbabwe oo lagu magacaabo Studio 7, kaas oo baahin jiray barnaamijyo Ingiriisi, Shona iyo Ndebele ah, isagoo ka soo baxa fasamada FM-ka, oo gaadhi jirey dalka dariska la ah ee Botswana.
Bartii anteenada ee baahinta ee USAGM ee Botswana ee mowjadaha gaagaaban iyo kuwa dhexe, iyo saldhigga awoodda badan ee Djibouti ku yaallay ee mowjadda dhexe ahaa labaduba way xidhmeen.
Idaacadahii iskaashiga la lahaa VOA ee Afrika kuwaas oo horay u baahin jiray barnaamijyadeeda, ayaa hadda ku buuxiyay meelihii bannaanaa barnaamijyo maxalli ah, muusig iyo barnaamijyo diini ah. Qaar badan oo ka mid ah idaacadahaas ayaa hadda wajahaya dhibaatooyin dhaqaale ka dib markii ay waayeen lacagihii lagu siin jiray baahinta VOA.
VOA ma ahayn oo keliya baahiye warbaahineed; waxay sidoo kale taageeri jirtay ururrada warbaahinta Afrika iyada oo bixisa tababarro, isla markaana dhiirrigelisa heerarka saxda ah ee warbaahinta — sida caddaaladda, dhexdhexaadnimada iyo xaqiiqada.
Ururrada u doodda saxafiyiinta — sida Committee to Protect Journalists — ayaa sheegay in xidhitaanka VOA uu yahay "abaal-marin la siiyay kali-taliyeyaasha iyo maamullada cabudhiya xorriyadda hadalka."
Waa arrin si gaar ah u dhaawacday Afrika, oo xorriyadda saxaafaddu ay horayba hoos ugu sii dhacaysay qaybo badan oo ka mid ah qaaradda.
Saamaynta dhaqaalihii Maraykanku uu joojiyey
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka laga yimaado VOA, Maraykanku wuxuu kaloo joojiyey dhaqaalihii uu dunida ku gargaari jiray.
Iyadoo la tixgelinayo qadarka aan sinnayn ee maalgelinta ee ka yimaada Maraykanka, isbeddel kasta oo ku saabsan sida lacagtaas loo kharash gareeyo waxaa hubanti ah in saameyn lagu dareemo dunida oo dhan.
Hawlaha USAID waxay ka bilowdaan oo loogu talagalay caawinta askariga dhaawacmay ee Ukraine, ilaa nadiifinta miinooyinka iyo xakamaynta faafitaanka Ebola ee Afrika. Saameyntu waxay noqon kartaa mid si dhab ah u taabata caalamka.
Ka dib markii la shaaciyay hakinta 90-maalmood ee kharashka dibadda, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Marco Rubio wuxuu yiri "lacag kasta" waa in "lagu caddeeyaa" iyadoo la soo bandhigayo caddeyn muujineysa in ay ka dhigeyso Maraykanka mid ammaan ah, xooggan, isla markaana barwaaqo ah.
Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku tilmaamay tallaabooyinkaasi sharci-darro iyo in ay khatar gelin doonaan amniga qaranka Mareykanka.
Trump wuxuu si cad u muujiyay inuu doonayo in kharashka dibadda uu si dhow ula jaanqaado aragtidiisa "America First," waxaana qaybta horumarka caalamiga ah diyaar u tahay saameynno kale oo layaab leh.
Waxaa sidoo kale su'aalo ka jiraan inta uu Maraykanku ku kharash gareyn doono dibadda sanadaha soo socda, maadaama Musk oo Trump awood siiyay uu isku dayayo inuu balaayiin doolar ka joojiyo miisaaniyadda dawladda.
Khubarada arrimaha gargaarka iyo howlaha hay'adaha ayaa qaba in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka ugu nugul marka ay timaado in USAID ay meesha ka baxdo.













