Maxaa laga beddelay baasaboorka cusub ee Ingiriiska, maxaase lagu kordhiyey

Baasaboor cusub oo la nashqadeeyay ayaa dhawaan isticmaalkiisa laga bilaabi doonaa Ingiriiska, sannado yar uun ka dib markii isbeddel lagu sameeyey.

Dadka dhawaan codsaday in loo cusboonaysiiyo baasaboorka ayaa arki doona farqi u dhexeeya labada nooc.

Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mike Tapp, ayaa yiri bishii hore: "Soo bandhigida astaanta His majesty's arms, dhismayaasha caanka ah, iyo talaabooyinka amniga ee la xoojiyey ayaa astaan u ah taariikhda baasaboorka Ingiriiska.

Sidee buu baasaboorka cusub u eg yahay

Naqshadda cusub ayaa la sameeyey xilli boqor cusub uu taajka la wareegay, ka dib geeridii boqorad Elizabeth.

Sidii hore loo sheegay bishii Oktoobar ee sannadkan, Baasaboorkii ugu horreeyey ee muujinaya aastaanta Boqor Jaarleska 3aad ee la yiraahdo coat of arms ayaa la soo saari doonaa, waxaana todobaadyada soo socda ee bilaabanaya bisha Diseembar la bixin doonaa baasaboorrada wata naqshaddan cusub.

Waa markii ugu horreysay ee wax laga beddelo naqshadda baasaboorka tan iyo 2020. Gudaha baasaboorka waxaa ka muuqanaya sawirrada goobo caan ah.

Sawirradaas waxaa aka mid ah afar goobood oo UNESCO ay u aqoonsan tahay goobaha ay tahay in la dhowro, waxayna kala yihiin buurta Ben Nevis ee Scotland, the Lake District ee waqooyiga galbeed ee Iglan, Three Cliffs Bay oo ah xeeb ku taalla Wales, iyo the Giants Causeway oo ah dhul ay ku yaallaan aasaar dabiici ah oo ku yaalla Ireland-ta waqooyi.

Isbeddelada lagu sameeyey baasaboorka

Baasaboorka cusub wuxuu leeyahay tiknoloojiyad looga hortagayo in la been abuuro, waxaana adag in isagoo kale la sameeyo, sida uu sheegay xafiiska arrimaha gudaha.

Hore wuxuu xafiiska baasaboorrada u sheegay inuu yahay "baasaboorkii ugu amniga badnaa ee abid la soo saaro".

Waxaa samayntiisa loo adeegsaday tiknoloojiyadii ugu dambaysay, waxaana ka mid ah in la isticmaalay Holography oo dhowr jiho kaa tasaya hal masawir. Sidoo kale tiknoloojiyada iftiinta ee Translucent ayaa loo adeegsaday. Labada hab waxay sahlayaan in si sahlan loo xaqiijiyo sax ahaanshaha baasaboorka, ayna adkaato in la been abuuro, ama wax laga beddelo.

Dadka doonaya inay qaataan baasaboorkan cusub loogama baahana inay isla markiiba dalbadaa haddii uusan baasaboorka ay hadda haystaan dhacayn.

Xafiiska arrimaha gudaha wuxuu sheegay in baasaboorrada leh astaantii boqorad Elizabeth II ay shaqaynayaan ilaa u ka dhacayo wakhtiga isticmaalkooda. Waxaase qofka dalbada baasaboorka cusub uu ku heli doonaa muddo 3 usbuuc gudahood ah.

Lixdii bilood ee sannadkan 2025 ayaa waxaa la bixiyey in ka badan 3.8 malyan oo baasaboor, waxaana 99.7% baasaboorradii la soo codsaday la bixiyey ayadoo aan loo baahan muddo ka badan 3 todobaad.

Wakhti xaadirkan qofka doonaya inuu cusboonaysiiyo ama beddelo baasaboorka waxay ugu kacaysaa £94.50 marka online-ka laga dalbado, ama £107 marka si qoraal ah loo codsado.

Tan iyo marki Britain ay ka baxday midowga Yurub ayaa waxaa ala soo rogay nidaam cusub oo ka yara beddelan qaabkii ay markii hore dadka Britishka ah ugu safri jiraan midowga Yurub ama dalalka la isku yiraahdo Schengen.