Maxay tahay daawada Varenicline, ee dadka ka caawisa joojinta sigaarka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daawo kaa caawin doonta joojinta sigaarka. Taasi waa sida ay Wasaaradda Caafimaadka ee England ku qeexday daawada loo yaqaano varenicline, oo ah dawo hadda dadka lagu siin doono waddankaasi bilaash si ay uga caawiso dadka joojinta sigaarka.
Daawada Varenicline, oo sidoo kale loo yaqaan Chantix ama Champix ee wadamada kale, waa kaniiniga la qaato maalin kasta dhowr bilood sida waafaqsan tilmaamaha xirfadlayaasha caafimaadka.
Sida laga soo xigtay maamulka caafimaadku, waa habka ugu waxtarka badan ee hadda la heli karo si looga caawiyo dadka joojinta sigaarka, iyadoo la sheegay inay ka waxtar badan tahay balastarrada nikotiinta.
Ma aha daawo cusub. Waddamada qaar waxay u ahayd waxa ugu horeeya ee la miciin bido marka ay timaado joojiyo sigaarka, laakiin si lama filaan ah ayaa looga saaray suuqa 2021 ka dib markii shirkadda Pfizer, ee soo saartay, ay joojisay iibinteeda adduunka oo dhan.
Shirkadda dawooyinka ayaa tallaabadan qaadday iyadoo ay ugu wacan tahay joogitaanka waxa ay ku sheegtay "heerarka aan la aqbali karin" ee kiimikooyinka keena kansarka.
Sannad ka dib, 2022, daawada kale oo la mid ah varenicline, bupropion, oo ka timid GSK, ayaa sidoo kale laga saaray suuqa sababo la mid ah walaac daawadii hore laga muujiyay.
Labada kiniin ee la rabay inay wax weyn ka bedelaan ka hortagga kansarka sanbabada ayaa dhab ahaantii keeni kara kansar.
Dunidu waxaa ka dhammaatay dawooyin caawiya joojinta sigaarka, waaan daawaynta kaliya ee beddelka ah u dadka la qabatimay maadada nikotiinka.
Laakiin hadda daawadan varenicline ayaa mar kale adduunka oo dhan laga helay nooc ay mas'uuliyiintu ku tilmaameen mid "horumarsan" oo waddamo dhowr ah laga oggolaaday lana sheegay in ay ammaan tahay oo la isticmaali karo.
Sidee u shaqeysaa?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si ka duwan maaadada sigaarka ku jirta ee nikotiinta ama xanjo, varenicline kuma jiraan nikotiin mana aha wax la qabatimo.
Waxay ka shaqeysaa iyadoo hoos u dhigaysa rabitaanka cabidda sigaarka iyo u baahnaanta maadada nikotiinka iyo ka hortagga damaca sigaarka inuu ku sameeyo maskaxda, iyadoo gacan ka geysaneysa yareynta calaamadaha sida xanaaqa ama hurdo la'aanta.
Daawadu waxay caadi ahaan bilaabataa inay shaqeyso usbuuc gudihii markaad bilaawday isticmaalka waana in la isticmaalo 12 ilaa 24 usbuuc iyadoo la ilaalinayo caafimaadka.
Dhakhaatiirta waxay ku talinayaan in la isticmaalo dawada iyada oo taa la raacinayo talooyiin iyo taageero dhanka maskaxda ah.
Sida laga soo xigtay adeegga caafimaadka Ingiriiska, waxay ka caawin kartaa mid ka mid ah afartii qof inuu joojiyo sigaarka.
Daraasad ay samaysay samaysay jaamacadda London ayaa lagu ogaaday in dawadan haddii sidan loo isticmaalo ay caawin karto in ka badan 85,000 oo qof inay joojiyaan sigaarka sannadkiiBA.
Sida laga soo xigtay Xarumaha Xakamaynta Cudurrada ee Maraykanka (CDC), varenicline waxay noqon kartaa waddada u furan oo loogu talagalay dadka horay isku dayay daaweyn kale oo joojinta sigaarka islamarkana aan ku guuleysan.
Si la mid ah dawooyinka kale, varenicline waxay leedahay waxyeellooyin, sidaa awgeed mas'uuliyiinta ayaa ku taliyay in daawooyinkan lagu isticmaalo iyada oo oo ay dhakhaatiirta kor-joogteynayaan.
Xarunta xakameynta cudurada ee CDC waxay liiskan ku sheegtay waxyeelada ay suurtagalka tahay.
- • Lalabbo ama matag (waa sababta loogu talinayo in lala qaato cunto ama koob biyo ah).
- Dhibaatooyinka hurdada, sida hurdo la'aanta iyo riyooyinka qarow ah.
- Dhibaatooyinka caloosha, sida calool-istaagga ama gaaska.
- • Isbeddelka niyadda ama dabeecadda oo kaa lunta.
- Daawooyinkani waxay keenaan dhaawac kelyaha ah laguma talinayo inay isticmaalaan haweenka uurka leh ama kuwa nuujinaya, ama qof kasta oo ka yar da'da 18.
'Daawa nolol badbaadinaysa'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalaka Yurub, maamulka caafimaadka ayaa laga yaabaa inay ku soo celiyaan daawadan varenicline suuqa.
Joojinta sigaar cabista maaha kaliya caqabad ku wajahan kuwa sigaarka cabba laakiin sidoo kale bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka ee adduunka.
Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaasha Spain, kaliya 30% kuwa doonaya inay joojiyaan waxay heli karaan adeegyo taageero, iyo 65% kuwa isku dayaya waxay ku dhamaanayaan wadada seddex bilood gudahood.
Sigaarku wuxuu keenaa xanuuno iyo dhimasho laga hortegi karo.
Tusaale ahaan Ingiriiska oo kale waxaa jiray ilaa 400,000 oo bukaan ah oo ka diiwaan gashan cudurro ay sigaar cabbidu keento sanadkii 2023.
Waxayna wasaaradda caafimaadku sanad walba ku bixisaa ilaa 3.2 bilyan oo doolarka Maraykanka ah si loo daweeyo dhibaatooyinka caafimaad ee uu keeno sigaarka.
Maamulka caafimaadka ayaa aaminsan in daawadu ay u horseedi karto "isbeddel weyn" dadka doonaya inay joojiyaan sigaarka iyo adeegyada caafimaadka ee adduunka oo dhan.
Professor Nick Hopkinson, oo ah borofisar ku takhasusay daawaynta neef-mareenka oo ka tirsan Kuliyadda Imperial ee London, ayaa sheegay in varenicline ay tahay "dawada ugu waxtarka badan ee ka caawinta dadka inay joojiyaan sigaarka".
Helitaanka la'aanta sanadihii ugu dambeeyay waxay keentay caqabad weyn waxuuna inta ku daray: "Waxaan ognahay in joojinta sigaarka ay tahay waxa ugu wanaagsan ee ay sameyaan sagarya-cabku si loo hagaajiyo caafimaadkooda iyo caafimaadka dadka ku hareeraysan, gaar ahaan carruurta iyo dhalinyarada".
"Dadku waxay u badan tahay inay ku guuleystaan joojinta sigaarka haddii ay helaan taageero nafsi ah iyo dawooyin si loo yareeyo rabitaanka sigaarka oo ay uga caawiyaan inay jebiyaan ku tiirsanaanta tubaakada."
Wuxuuna ku adkeystay in dawadu ay “aad u faa’iido badan tahay” kuwa aan ku guuleysan inay joojiyaan sigaarka iyagoo isticmaalaya dawooyin kale sida lozenges nicotine-ka .













