You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ninka Soomaaliya ka soo dagaalamay ee hadda Al qaacida hogaaminaya
Warbixin cusub oo ka soo baxday Qaramada Midoobay, oo ku salaysan sirdoonka dalalka xubnaha ka ah, ayaa lagu sheegay in Saif Al-Caadil uu "hadda yahay hogaamiyaha dhabta ah ee al-Qaacida."
Al-Qaacida ayaa ka aamustay xaaladda hoggaankeeda ka dib weerarkii dhamaadka bishii Luulyo 2022 ee lagu dilay hoggaankii kooxda ee Al-Zawahiri, balse warbixintu waxay tilmaamtay laba sababood oo aamusnaanta keentay.
Hoggaanka Al-Caadil "laguma dhawaaqi karo sababtoo ah arrimaha xasaasiga ah ee Alqaicida ka qabto Talibanka Afghanistan oo ah in aan la qiran dhimashada al-Zawahiri ee Kabul iyo joogitaanka [Al-Caadil] ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran," ayaa lagu sheegay warbixinta.
Meesha uu ku sugan yahay waxay dhalinaysaa su'aalo saamayn ku leh hamiga Al-Qaacida ee ah inay caddeeyaan caqabadaha kaga imaanaya ISIL hoggaanka dhaqdhaqaaqa caalamiga ah.
Hay'adaha sirdoonka reer galbeedka, oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka, ayaa muddo dheer u arkayey Al-Caadil inuu yahay beddelka al-Zawahiri, iyagoo ku tilmaamay sarkaalkii hore ee ciidamada gaarka ah ee Masar inuu yahay taliye karti leh oo khibrad shaqo oo baaxad leh u leh meelo badan.
Waa kuma Sayf Al Caadil?
Wax badan lagama oga dhaqdhaqaaqiisa. Sidoo kale, khibradda uu u leeyahay dhanka ciidanka, sirdoonka iyo hoggaaminta ayaa ka dhigaysa hoggaamiye halis ah.
Laga soo billaabo sanadkii 2002 ilaa 2003 Saif waxaa saldhig u ahaa dalka Iiraan. Intuu halkaas joogay, maqaamkiisu wuu isbedbeddelayay. Marar baa la xiray, mararna waxaa lagu hayn jiray noocyo kala duwan oo xabsi guri ah.
Dhamaadkii sanadkii 2010, waxaa loo oggolaaday inuu dib ugu laabto gobolka Waziristan ee waqooyiga dalka Bakistaan, halkaasoo xilligaas xuddun u ahayd kooxda Al-Qaacidda, isagoo ku jiray ururkan muddo 22 sano ah.
Xubinnimada Saif ee Al-Qaacidda ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray. Wuxuu ka caawiyay inay noqdaan maleeshiyaad la dagaallamay dowladdii Midowgii Soofiyeet, taas oo ka dhigtay argagaxisada ugu dilka badan dunida.
Al-Zawahiri, wuxuu ninkan uga duwanaa inuu ahaa dhex-dhexaadiye, hoggaamiye urur hore oo fashilmay, kaddibna ku biiray Al-Qaacidda, oo ay kasoo hareen toban xubnood.
Saif iyo Soomaaliya
Saif waa mid ka mid ah maleeshiyaadka ugu khibradda badan dhaqdhaqaaqa jihaad-doonka ee adduunka.
Wuxuu ka soo dagaallamay Soomaaliya, xilligii ay halkaas ku sugnaayeen ciidanka huwanta ee uu Mareykanka hoggaaminayay. Waxaa jirkiisa ka muuqda nabarrada dagaalka: nabar isha midig hoosteeda ah oo ka soo gaaray qarax madfac; nabar kale oo uga yaalla gacanta midig; iyo dhaawac cududda ka soo gaaray xilligii uu ka dagaallamayay Soomaaliya.
Mid ka mid ah howlihii ugu horreeyay ee uu qabtay Saif wuxuu ahaa in uu maleeshiyaadka u tababaro sida loo isticmaalo hubka lidka diyaaradaha intii uu socday dagaalkii Soofiyeedka ee Afgaanistaan.
Sidaas si la mid ah ayuu kooxihii ka dagaallamayay Soomaaliya u siiyay tababar la xiriira qaabka ay uga hortagi karaan diyaaridihii Ameerikaanka ee ka howlgalayay Muqdisho.
Laga soo billaabo saldhigga ay ku leedahay Suudaan, Al-Qaacida waxay isku fidisay Bariga Afrika oo dhan. Mid ka mid ah bar-tilmaameedyadii ugu horreeyay ee is-ballaarinta ayay ahayd Soomaaliya oo xilligaas burbur dhanka dowladda ah wajaheysay.
Ka hor inta aysan Al-Qaacidda u guurin Khartuum, waxa ay tababaraysay dagaalyahanno ka socda Soomaaliya, qaar ka tirsan oo ka qalinjabiyay tababarradaas waxay dib ugu noqdeen dalka si ay u aasaasaan kooxo u gaar ah oo Islaamiyiin ah.
Bin Laadin waxa uu u diray Saif Al-Caadil si uu u sahamiyo suurtagalnimada in la ballaariyo howlgallada Soomaaliya. Caqabad weyn oo Al-Qaacidda soo wajahday waxay ahayd in hoggaamiyeyaasha Islaamiyiinta Soomaaliya aysan qaddarin amarrada taliyeyaasha shisheeye.
Saif wuxuu u safray koonfurta Soomaaliya si uu xero uga samaysto Kaambooni, oo ku taalla xudduudda Kenya. Isla markiiba waxa ay tani noqotay saldhigga weerarrada ka dhanka ah ciidammada caalamiga ah ee xulafada la ah Maraykanka ee loo geeyay howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay.
Saif wuxuu ka mid noqday waardiyeyaasha gaarka ah ee Usaama Bin Laadin sanado kaddib markii uu ka tagay Soomaaliya.