Muxuu Donald Trump ugu soo laabtay baraha YouTube iyo Facebook?

Kaddib laba sanadood oo ay xayiraad saarneyd waxaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, u suuragashay inuu isticmaalo bartiisa YouTube-ka.

Trump ayaa bartaas soo dhigay muuqaal 12 ilbiriqsi ah kaddib markii loo oggolaaday inuu bartaas isticmaalo, muuqaalkaas kooban ayuuna ku yiri “Waan soo laabtay!”

Muuqaalka ayaa waxaa ku jira qeybo kamid ah khudbaddii uu jeediyay markii uu 2016 u dabbaaldegayay guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada.

Isla muuqaalkaas ayaa sidoo kale la soo dhigay barta Facebook uu ku leeyahay Trump.

Shirkadda Youtube ayaa sheegtay in codbixiyayaasha Mareykanka ay u baahanyihiin inay dhagaystaan dhammaan musharrixiinta madaxtinimada.

Trump ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu u tartamo madaxtinimada sanadka soo socda.

"Laga billaabo maanta, barta Donald J.Trump lama xaddidi doono, kanaalkana waxaa la soo dhigi doonaa waxyaabo cusub," ayaa lagu daray bayaanka ka soo baxay YouTube.

"Waxaan qiimeynay suurtagalnimada inay sii socoto khatarta rabshadaha ee dunida iyadoo la isu dheellitirayo fursadaha cod-bixiyayaasha ay heli karaan, si iskumid ah ay u maqlaan dhammaan musharrixiinta xilka madaxweynaha," ayuu bayaanku sii raaciyay.

Ururka Midowga Xorriyadda Madaniga ah ee Maraykanka ayaa bogaadiyay go’aanka, iyadoo agaasimaha guud ee ururkaasi Anthony Romero uu sheegay “Haddii aad jeceshihiin iyo haddii kaleba, Madaxweyne Trump waa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan siyaasadda dalka, dadweyne badan ayaana danaynaya inay maqlaan waxa uu sheegayo."

Hasayeeshee kooxda Media Matters for America oo gudbisay 400 oo dacwadood oo ka dhan ah Trump yaa ku eedeeyay shirkadda Meta, ee leh milkida Facebook, inuu iska indhatireyso khatarta joogtada ah ee soo gaari karta badqabka dadweynaha.

Kooxdu waxay sheegtay in go'aanka Meta uu muujinayo in "Trump loo fasaxo inuu barahaas ku daabaco waxyaabo dhalinkara, sidoo kale waxay kooxdu iftiimisay in mudnaanta shirkaddu ay tahay faa'iidada iyo qancinta madaxda garabka midig, iyadoo dhibka ugu wayn uu soo gaarayo badqabka dadweynaha."

Xayiraaddii saarneyd koontooyinka Trump uu ku lahaa Facebook iyo Instagram ayaa la qaaday bishii Janaayo ee sannadkan, halka xayiraaddii saarneyd bartiisa Twitter-ka la qaaday bishii Nofeembar ee la soo dhaafay.

Milkiilaha cusub ee shirkadda Twitter-ka, Elon Musk, ayaa xayiraadda ka qaaday Trump bishii November ee la soo dhaafay, balse madaxweynihii hore ayaan dib u billaabin inuu isticmaalo bartiisa oo ay ku xiran yihiin 87 milyan oo qof.

Koontooyinka madaxweynihii hore ayaa la hakiyay kaddib weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xaruunta dhexe ee Koongareeska kaddib markii looga guuleystay doorashadii madaxtinimada ee 2020.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo 76 jir ah, ayaa adeegsan waayay bartiisa Facebook oo ay ku xiran yihiin 34 milyan oo qof iyo sidoo kale bartiisa Youtube oo ay ku xiran yihiin 2.5 milyan oo qof.

Mamnuucidda ayaa waxaa lagu saleeyay eedo ah in madaxweynihii hore uu barahaas ku daabacay waxyaabo abuuri kara qalalaase.

Trump ayaa ku celcelinayay eedo muujinaya in doorashadii madaxtinimada laga xaday, taasoo keentay in Koongareeska uu billaabo hababka isla xisaabtanka iyadoo taas loogu gogolxaarayay in xilka laga qaado, walow aanan lagu guuleysan dadaalkaas.

Tiro badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa muujiyay sida ay uga caroodeen in xayiraad la saaro koontada Trump ee Facebook, halka xubnaha Dimuqraadiga ee Koongareeska ay ku booriyeen shirkadda Meta, oo leh bartaasi, inay kordhiso xannibaadda koontadaas si "waxyaabaha khatarta ah ee aan salka iyo raadka lahayn oo ay ku jirto inuu diiday natiijada doorashooyinka" xogtaas oo aanay sax ahayn in lagu daabaco bartaasi.

Markii shirkaddaasi ay ku dhawaaqday in Trump uu isticmaali karo koontooyinkiisa uu ku leeyahay Facebook iyo Instagram, ayaa dhanka kale waxaa la soo hadalqaaday in la qaadi doono "tallaabooyin cusub oo taxaddar lagu laray.”