Lix sano kaddib qaraxii Soobe: “Waan diiday inaan asaay qaado”

    • Author, Foos Ciid
    • Role, Wariye

14-kii October sanadkii 2027-kii waxa ay taariikh madow u tahay bulsho weynta Soomaaliyeed, waa maalin ku asteysan dhiig iyo hilbo gubtay, waxa ay dad badan ku waayeen ehel iyo asxaab iyo kuwii ay dadka ugu jeclaayeen.

Waa maalintii guud ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay isku badashay holac qiiq iyo uuro madow, waxa toddobaadyo la uruurinayay meydad iyo dhaawacyo, waxaana ay guud ahaan Soomaliya u ahayd maalmo baroor diiq oo dadku ay xirteen maryo midab ahaan cas.

Waxaa halkaasi laga diiwaan geliayay qisooyin badan, waxaa ku naafoobay boqllaal ruux, waxaana ku rajo belay kumanaan, balse arrinta ugu xanuunka badan ayaa ahayd in dad badan ay weli raq iyo ruuxba ku la’yihiin kuwii dad ugu dhawaa oo iyagoo nabad qaba ay isugu aragti dambeysay.

Dad badan oo waayay kuwo kamida ehelladoodii, ayaan weli si rasmi ah u samrin maadaama ay waayeen xitaa astaan yar oo kamida qofkoodii geeriyooday, waxaana ay kamid ahayd dhacdooyinkii laga diiwaan geliyay qaraxii 14-kii Octoobar ee ka dhacay isgoyska soobe.

In meydka qofkaasi oo geeriyooday aad hesho, aasato oo asturato waa mid ka mid ah astaamaha samirka iyo in qofku uu calooshiisa xirto.

Istar Daahir Maxamed waa hooyo hesysata toddobo carruur ah, aabbaha dhalay toddobada carruurta ah, waxa uu kamid ahaa dadkii ku naf waayay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee Soobe, waxa ay sheegtay in daqiiqado yar kahor ay la hadashay ninkeedii kahor inta aan la weyn.

Istar oo BBC-da la hadashay kana warrameysa sida xaalku ahaa 14-kii Octobar 2017-kii ayaa tiri, “Qaraxii 14-kii Octoobar waxa aan ku waayay ninkeygii, waxa ay ii ahayd maalin madow, habeenkii oo dhan waxa aan ku dhex jiray meydad anigoo ninkeyga raadinaya, waxa aan tagay isbitaal walba, waxa aan raadinayay xitaa astaan yar oo uu leeyahay ama dharkiisii kamida laakiin waan waayay”.

Istar oo ka hadashay waxa ay indheheeda ku aragtay intii ay ku guda jirtay raadinta saygeedii ayaa tiri, “waxa aan indhahayga ku arkay dad badan oo gubtay, dad badan oo googo’ay iyo dad xubnohooda lakala waday, waxa aan arkay gacmo iyo lugo iyo madaxyo gooni loosoo aruuriyay, taasina waa wax aanan waligey hilmaami doonin”.

Istar waxa ay noo sheegtay in marka ay ninkeeda raadineysay ay la socdeen qaar kamida ehellada iyo asxaabtiisii, waxa ay sheegtay in maalmo badan ay ku qaadataya in ay quustaan oo gebi ahaanba ay waayeen meyd iyo dhaawac iyo wax waliba oo lagu aqoonsan karo ninkeedii.

Waxaan diiday in aan qaado ‘asaay’

Istar ayaa sidoo kale waxa ay ka hadashay sida ay qaadan waa ugu noqotay geerida iyadoo diidday in ‘asaay’ loo saaro illaa inta ay ka arkeyso meydka saygeedii.

Iyada oo ka hadleysa, sida ay u samri la’dahay ilaa iyo haatan oo lix sano ay kasoo wareegtay musiibadii Soobe ayey tiri, “Ninkeyga waxa aan wacay daqiiqado yar kahor inta uusan qaraxu dhicin, waxa aan weydiiyay lacag aan u rabay ilmaha in aan wax ugu iibiyo, waxa uu ii sheegay in uu isoo diri doono waxyar kadib, xilligaas waxa uu ku sugnaa Soobe sida uu ii sheegay, agaagaarka Soobe ayuu ka xamaalan jiray, markii qaraxa uu dhacay oo wacay taleefankiisa wuu damay, kadib ayaan bilaabay in aan raadiyo”.

“Waxa ay dadkoo dhan ii sheegeen in ninkeyga uu geeriyooday illaa muddo haddiiba la waayay, anigana waxa aan diiday in aan aqbalo geerida oo waxa aan diiday in aan ‘asaay’ saarto illaa aan ku samrayo meydkiisa, taasna wey ii suura weyday, markii dambana wan iska quustay oo asaaydi waan saaray” ayey sii raacisay.

Waxa ay sheegtay in markii dambe ay raadiyeen kaamiradaha CCTV-ga ee agagaarka markaasna ay aragtay ninkeeda oo aad ugu dhaw halka uu qaraxu ka dhacay waliba isla waqtiga uu qaraxu dhacay taasina ay keentay in ay sidaas ku samirto.

Istar waxa ay sheegtay in ninkeeda uu u ahaa garab weyn oo ka baxay la’aantiisna ay la kulantay caqabado badan, waxa ay sheegtay in mid kamida ilmeheeda uu ka saqiiray kadib markii uu ka xanuunsaday walina ay wajeheyso culeysyo badan si ay ilmaha agoonta ah u korsato.

Dareenka xanuunka badan ee aagga Soobe

Istar waxa ay guud ahaan nacday in marto isgoyska Soobe, waxa ay sheegtay in marka ay marto ay dareento calool xumo iyo sida in caloosha ay ka dareemeyso dhaawac cusub.

Iyadoo ka hadleysa xanuunka ay dareento marka ay mareyso wadada Soobe ayey tiri, “Waxa aan dareemo calool xumo daran, waxa aan ku xasuustaa ninkeygii, waxan ceshan waayaa illinta, dadka qaar waxa ay I weydiiyaan waxa igu dhacay, anigana waxa aan dhahaa waxa aan meedhaan ku waayay ninkeygii aan jeclaa, xitaa marmar waxa aan isku dayaa in aan maro waddo kale haba igu dheeraatee”, ayey sii raacisay.

Boqollaal ayaa ku naf waayay boqollaal ayaa ku naafoobay boqollaal kalena waa ay ku hanti beeleen qaraxaasi, wallow wadada Soobe ay kasoo kabatay burburkii, haddana shucuub badan kamasoo kaban xanuunkii ay la kulmeen maalintaas.