You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Antoine Griezmann: Sababta ay Atletico Madrid u ciyaarsiiso 30 daqiiqo oo keliya
Madaxa Kooxda Barcelona, Laporta ayaa xaqiijiyay in la soo gabagabeeyay heshiis ay la gaareen kooxda Atletico Madrid, kaas oo ah in xiddigga lagu magacaabo Antoine Griezmann uu kooxdaas ugu biiro lacag dhan 20 milyan oo euro oo ay raaci karto 5 milyan oo dheeraad ah oo ku xiran bandhiggiisa, sida uu qoray weriye Fabrizio Romano.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib waqti dheer oo labada koox ay ku kala siyaasad duwanaayeen qaabka uu ku dhamaan karo iyo qiimaha uu ku soo afjarmi karo heshiis amaah ahaa oo ciyaaryahan uu kula joogay Atletico.
Tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone, ayaa sheegay in ciyaartooydiisa ay soo bandhigaan qaab-ciyaareed wanaagsan marka uu shaxda ku jiro ama uu ciyaarayo Antoine Griezmann, balse maxay tahay sababta xiddiggaas loo geliyo keydka ilaa nus saaca ugu dambeeya kulamada xilli ciyaareedkan?
Inkastoo uu ciyaaro saddex meelood meel daqiiqadaha uu heli karo guud ahaan ciyaarta, haddana ciyaaryahankan khadka dhexe ugu dheela xulka Faransiiska ayaa ah laacibka labaad ee ugu goolasha badan kooxdaas, marka laga soo tago Alvaro Morata.
Griezmann ayaa sanadkii 2019 amaah ahaan Atletico Madrid uga soo biiray Barcelona, isla kooxdaas oo horay looga iibsaday lacag dhan £108m.
Saddex sano kaddib, waxaa uu weli yahay ciyaaryahankii 6-aad ee ugu qaalisan taariikhda kubbadda cagta.
Run ahaantii Griezmann wuu rumeysan kari waayay nasiibkiisa, maaddaama uu jecel yahay kooxda Atletico si la mid ah ciyaaryahan kasta oo u safta kooxdaas.
Labada koox ayaa gaaray heshiis amaah ah oo soconaya muddo labo sano ah, kaas oo dhigaya in haddii Griezmann uu ciyaaro in ka badan 45 daqiiqo kulan kasta, oo ah boqolkiiba 50%, ay Atletico ku qasbanaan doonto in ay Barcelona siiso lacag gaareysa 40 milyan, si uu heshiiska rasmiga ah u dhaqangalo.
Heshiiskiisa Barcelona ayaa ku eg 30-ka bisha Juun ee sanadka 2024.
Griezman, waxaa uu xilli ciyaareedkii hore dheelay in ka badan boqolkiiba 80 daqiiqadaha cayaarta. Haddii uu si la mid ah sameeyo xilli-ciyaareedkan, waxay ka dhignaan doontaa inuu si joogto ah ugu ciyaari doono Atletico Madrid, sida ku xusan heshiiska.
Taas ayaa sababtay in Griezmann uu garoonka soo galo wixii ka dambeeya daqiiqadda 60-aad ee cayaarta, si kulamadiisa aan loogu tirin ciyaar buuxda.
Kooxda Barcelona waxay horay ugu hanjabtay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto Atletico Madrid, iyagoo ku andacoonaya in waxa ay Atletico samaynayso ay tahay sharci-darro, xaqiiqduse waxay tahay, in Barcelona ay sidoo kale ogtahay in Atletico aysan sameyneyn wax qalad ah.
Horyaalka La Ligaha Spain, waxaa hoggaamineysa Barcelona oo lix dhibic ka sarreysa Atletico Madrid, taas oo ku jirta kaalinta 4-aad.
Griezmann ayaa beddel ku soo gali jiray kulamada kala duwan ee ay ciyaareyso kooxdaas. Daqiiqadaha uu soo galayay ayaa ah - 62, 62, 64, 63, 61, 63, 62.
“Xaqiiqadu waxay tahay in uu qaab wanaagsan u dheelo 30-ka daqiiqo, marka ma garanayno waxa uu sameyn lahaa haddii uu ciyaari lahaa 60 daqiiqo”, ayuu yiri tababare Diego Simeone.
Warbixin dhowaan lagu daabacay wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee L’Equipe ayaa lagu sheegay, in labada koox ay qarka u saaran yihiin in ay ku heshiiyaan 25 milyan oo euro, taas oo u oggolaanaysa in Barcelona ay meesha ka saarto culayska dhaqaale, isla markaana ay Atlético u oggolaato inay si joogto ah u ciyaarsiiso xiddigaas.
Atletico ayaa beenisay inuu heshiiskaas dhow yahay, halka Barcelona ay rajo badan ka qabto heshiiskaas.
Atletico ayaa xilli ciyaareedkaan Barcelona u soo bandhigtay 20 milyan oo euro si ay u soo gabagabeyso khilaafka labada koox.
Hase yeeshee, waxaa la diiday dalabka Atletico, waxayna Barcelona xusuusisay inay ku adkeystaan heshiiskii ay horay u galeen.