You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Boqorka cusub ee UK oo jeediyay khudbadiisii ugu horreysay
Boqorka cusub ee UK Charles III ayaa sheegtay inuu “aad uga xun yahay dhimashada hooyadii, boqorad Elizabeth II, wuxuuna wacad ku maray inuu sii wadi doono howlihii ay qaranka u haysay.
Wuxuu hadalkan jeediyay maanta oo Jimce ah isagoo jeedinayay khudbadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu boqor nqoday.
Wuxuu sheegay in hooyadii ay tusaale u ahayd isaga iyo qoyska dhanba.
"Hooyadeydii aan jeclaa waxaad billowday safarkaagii ugu dambeeyay ee aad ugu tageysa aabahay, waxaanna ku oran lahaase: waad mahadsan tahay.”
“ Waad ku mahadsan tahay jaceylka iyo huritaanka aad naftaada u hurtay qoyska iyo qaranka aad sanadaha badan u adeegeysay.”
Dhaqanka boqortooyada
Waxaa jira howlo - iyo dhaqamo - tallaabooyin ay tahay in la qaado si loo caleemo-saaro Boqorka.
Maxaa loogu yeerayaa?
Waxaa loo aqoonsayaa inuu yahay Boqor Charles III.
Taas waa go’aanka ugu horreeyay ee Boqorka cusub. Waxa uu dooran karay mid ka mid ah afartiisa magac ee kala ah Charles Philip Arthur George.
Isagu ma aha qofka kaliya ee wajahaya isbeddelka dhinaca xilka ah.
Inkasta oo uu yahay dhaxal-sugaha boqortooyada, Amiir William si toos ah uma noqon doono Amiirka Wales - taas oo ahaan lahayd in uu aabbihii kala tashado. Waxa uu dhaxlay magaca aabbihii ee Duke of Cornwall - William iyo Kate hadda waxa ay noqonayaan Duke iyo Duchess-ka Cornwall iyo Cambridge.
Waxa kale oo jirta jago kale o cusub oo loogu talagalay xaaska Charles, Camilla, oo Queen Consort - consort waxaa loo adeegsadaa xaaska boqorka.
Munaasabadaha rasmiga ah
Waxaa la filayaa in maalinta Sabtida ah Charles si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay Boqor. Tan waxay ka dhici doontaa Qasriga St James ee London, iyadoo ay goobjoog yihiin Golaha Accession.
Goluhu waxay ka kooban yihiin xildhibaanno muddo soo shaqeeynayay, kuwaas oo isu jira qaar hore, kuwo hadda - iyo sidoo kale qaar ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee sare, Xubnaha sare ee dalalka Barwaaqo-sooranka, iyo Maayarka London.
In ka badan 700 oo qof ayaa aragti ahaan xaq u leh inay ka soo qaybgalaan, laakiin marka la eego ogeysiiska gaaban, tirada dhabta ah waxay u badan tahay inay aad uga yaraaneyso. Munaasabaddii ugu dambeeysay ee 1952-kii, ilaa 200 ayaa ka soo qayb gashay.
Kulanka, waxaa dhimashada Boqorad Elizabeth uga dhawaaqi doona Lord President of the Privy Council iyadoo cod sare lagu akhrin doono.
Erayada ku dhawaaqista wax way iska beddeli karaan, balse dhaqan ahaan waxa ay ahayd duco iyo ballan-qaadyo is daba-joog ah, ammaanta Boqoraddii hore, iyo ballan-qaad wada-shaqeyn oo loo sameynayo Boqorka cusub.
Ku dhawaaqistan waxaa markaas saxiixaya tiro dad ah oo jago sare haya oo ay ku jiraan raysul wasaaraha, Archbishop of Canterbury, iyo Lord Chancellor.
Sidii caadada ahaydba, waxaa fiiro gaar ah loo yeelan doonaa waxa la beddelay, lagu daray ama la cusboonaysiiyay, taasoo calaamad u ah waa cusub.
Khudbadda ugu horreysa ee Boqorka
Boqorku waxa uu ka qayb galayaa shirka labaad ee Golaha Accession, oo uu weheliyo Golaha Privy. Tani ma aha "Dhaarin" oo billowgii boqortooyadii Ingiriiska, marka loo eego qaabka madaxda kale, sida Madaxweynaha Mareykanka. Taas beddelkeeda waxaa jirta khudbad uu jeedinayo Boqorka cusub, iyadoo la raacayo caadadii soo billaabatay horraantii qarnigii 18-aad - wuxuu samayn doonaa dhaar si uu u ilaaliyo kaniisadda Scotland.
Kaddib marka la soo bandhigo turumbada, ogeysiis dadweyne ayaa lagu dhawaaqi doonaa in Charles uu yahay Boqorka cusub. Waxaa laga samayn doonaa balakoon ka sarreeya Maxkamadda Friary ee Qasriga St James's, waxaana samayn doona sarkaal loo yaqaan Garter King of Arms.
Wuxuu oran doonaa: "Ilaahay ha badbaadiyo boqorka", iyo markii ugu horreysay tan iyo 1952-kii, heesta calanka waxaa lagu garaaci doonaa ereyada "Alle ha Badbaadiyo Boqorka" - "God Save the King".
Xabbado maamuus ah oo lagu soo dhaweynayo Boqorka cusub ayaa laga ridi doonaa Hyde Park, Taawarka London iyo maraakiibta ciidamada badda, waxaana ku dhawaaqista Boqor Charles laga akhrin doonaa Edinburgh, Cardiff iyo Belfast.
Munaasabadda la wareegista Qasriga ee Boqor Charles
Meesha ugu sarraysa ee ku biirista waxay noqon doontaa boqornimada, marka Charles si rasmi ah loo caleemo-saaro.
Sababo la xiriira diyaarintii loo baahnaa, munaasabadda la wareegista Qasriga ee Boqor Charles uma badna inay dhacdo isla markiiba, kaddib markii Charles uu ku soo biiray – Boqorad Elizabeth waxay boqorad noqotay bishii Febaraayo 1952-kii, laakiin taajka looma xirin ilaa Juun 1953-kii.
Muddadii la soo dhaafay 900 oo sano ahayd waxaa lagu qabtay Westminster Abbey. Boqorkii ugu horreeyay ee halkaas taajka loogu xiro waxa uu ahaa William the Conqueror, halka Charles uu noqon doono Boqorkii 40-aad.
Waa adeeg diimeed Anglican ah, oo uu fuliyo Archbishop of Canterbury.
Dhammaadka xafladda, wuxuu Charles madaxa saari doonaa Taajkii St Edward oo ah taaj dahab ah oo adag, oo ka soo billowday sanadkii 1661-kii. Taajku waxa uu culeyskiisu garayaa ilaa 2.23 kiloo garaam.
Si ka duwan aroosyada boqortooyada, munaasabadda boqorka dowladda ayaa bixinaysa kharashka, ugu dambeyntiina waxay go'aamisaa liiska martida.
Madaxa Ururka Barwaaqo-sooranka
Charles waxa uu noqday madaxa Ururka dalalka Barwaaqo-sooranka, oo ah urur ay ku midaysan yihiin 56 waddan oo madaxbannaan iyo 2.4 bilyan oo qof. Boqorku waa madaxa dowladda ee 14 ka tirsan dalalkaas iyo sidoo kale UK.
Waddamadan, oo loo yaqaan 'Commonwealth realms', waa: Australia, Antigua iyo Barbuda, Bahamas, Belize, Canada, Grenada, Jamaica, Papua New Guinea, St Christopher iyo Nevis, St Lucia, St Vincent iyo Grenadines, New Zealand, Jasiiradaha Solomon iyo Tuvalu.