You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waqtiga kama dambeysta ah ee lagu dhawaaqayo qofka ku guuleystay xilka madaxweynaha Kenya
Dadka ku nool waddanka Kenya iyo meelo kale oo dunida ka tirsan ayaa weli dhagta u taagaya ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxweynaha.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada iyo Xudduudaha Kenya, oo magacooda loo soo gaabiyo IEBC, ayaa haysta toddobo maalin oo ka billaabanaya maalinta ay codaynta dhacday.
Taas waxay ka dhigan tahay in hadda ay kasii dhammanaayaan afar maalmood oo waqtigaas ah waxa u harayna ay yihiin saddex maalin oo ku eg Isniinta.
Si kasta oo ay dib ugu sii dhacdo ku dhawaaqista oo loogu dheeraado tirinta codadka, ugu dambayn Talaadada waxaa la og yahay magaca madaxweynaha cusub ee Kenya.
Waxaa suurtagal ah in waqti kasta oo hadda ka billowda lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah ee la wada sugayo.
Natiijada kuraasta baarlamaanka ayaa muujinaysa in ay si aad ah isugu dhow yihiin labada nin ee uu loollanka adag ku dhex marayo kursiga madaxweynaha, oo kala ah Madaxweyne ku-xigeenka, William Ruto iyo Raysul Wasaarihii hore Raila Odinga.
Xogta laga soo xigtay Guddiga Doorashada oo ay BBC-du ilaa hadda hayso waxaa ku cad in tirinta codadka uu hoggaaminayo Ruto, inkastoo Odinga uusan wax badan ka fogayn.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Wafula Chebukati, ayaa sheegay in wakiillada 120 deegaan-doorasho ay soo gudbiyeen natiijada, waxaana tirada guud ee la sugayay ay ahayd 291 deegaan-doorasho.
Waxaa la wada eegayaa dhinaca xarunta ay tirinka codadka iyo xaqiijintu ka socoto ee Bomas Kenya.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa si weyn loogu dhaliilay inay iska indho-tireen xogta Guddiga IEBC, ayna soo gudbinayaan tirooyin uu mid walba iskiis u sameeyay.
Doorashadan ayaa noqotay mid aad uga duwan kuwii horay uga dhacay Kenya, sababtoo ah guddiga doorashadu toos uma aysan shaacinayn natiijooyinka hordhaca ah ee ay helaan.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid loogu hoggaansamayo amarkii Maxkamadda ugu sarraysa kasoo baxay 2017-kii oo ahaa in natiijooyinka cayriinka ah aan durba loo gudbin shacabka.
Laakiin, warbaahinta ayaad mooddaa in ay mas'uuliyaddaas si toos ah dusha ugu riteen.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashada Kenya, Wafula Chebukati ayaa kula taliyay dadweynaha in ay dulqaad muujiyaan, isla markaana aysan ka walaacin tirooyinka codadka kala duwan ee ay warbaahintu soo bandhigeyso.
Xarun kasta oo warbaahin waxay sameynaysaa tirin, iyadoo tixraaceysa xogta in ka badan 46,000 oo goob codbixineed.
Laakiin, Guddiga Doorashada keliya ayaa ku dhawaaqi kara natiijada kama dambeysta ah iyo cidda guuleysatay.
"Waa inaan laga argagaxin kala duwanaanshaha aan ku aragno shaashadaha warbaahinta. Natiijadu waxay ka soo baxaysaa hal meel oo isku mid ah; habka ay wax u mareyso [warbaahinta kasta] way ka duwan tahay tan kale," ayuu yiri Chebukati.
Maxay tahay sababta ay u qaadanayso waqtiga dheer?
Kooxo saxafiyiin ah oo ka howlgala xarumo kala duwan ayaa ku jira howl culus oo ay mid mid u soo gudbinayaan tirooyinka laga helay goob kasta oo ka mid ah goobaha cod-bixinta. Warbaahin kasta waxa ay wax ku saleyneysaa xowli ka duwan kuwa kale oo ay si gaar ah ugu xulanayso goobaha codbixinta.
Marka ay timaado Guddiga, marka la ururinayo natiijada, saraakiishu waxay u baahan yihiin inay mid walba xaqiijiyaan - waa howl kale oo waqti badan qaadanaysa.
Mas’uuliyiinta ayaa hadda is barbar-dhigaya natiijadii uu Guddigu ka helay goobaha cod-bixinta oo isugu jira qaab sawir ahaan ah iyo warqadda dhabta ah ee natiijada lagu diiwaangelinayo, taasoo lagu wareejinayo xarunta codbixinta ee caasimadda Nairobi.
Waxaa sidaas loo yeelayaa si loo hubiyo in labada natiijo ay iswaafaqaan, waana sababta ugu muhiimsan ee ay arrimuhu u qaadanayaan waqtiga dheer.
Tirinta codadka qaar ka tirsan goobaha cod-bixinta ayuu sidoo kale dib-u-dhac ku yimid, iyadoo safarradii loo geli lahaa Nairobi, gaar ahaan wakiillo ka yimid meelo fogfog, waxay noqon kartaa arrimo kale oo ka qeyb qaadanaya dib-u-dhaca.
Hannaanka loo maro ku dhawaaqista Madaxweynaha cusub
Dad badan waxay iswaydiinayaan hannaanka loo maro ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxweynaha Kenya, oo ula muuqata in ay aad u daahday.
Tallaabooyinka ka horreeya go'aanka kama dambaysta ah ayaa kala ah sidan.
- Wakiillada goobaha codaynta ayaa mid mid u soo gudbinaya warqadaha natiijada codadkii laga tiriyay goobtaas, waxaana loo yaqaannaa "Form 34 A".
- Wakiilka guud ee Guddiga doorashada u qaabilsan wadarta goobaha codaynta ee guud ahaan waddanka ayaa la wareegaya warqadahaas si uu u hubiyo, isagoo markaas kaddibna natiijadiisa oo uu magaceeda ka dhigay "Form 34 B" u sii gudbinaya guddoomiyaha guddiga doorashada.
- Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati, oo ah wakiilka qaran ee doorashada, ayaa la wareegaya warqadaha "Form 34 B" si uu xaqiijinta ugu dambeysa ugu sameeyo. Marka uu wada hubiyo ayuu u bixinayaa magaca "Form 34 C".
- Kaddib waxaa xogta faylkaas loo sii guurinayaa faylka ugu dambeeya oo ah "Form 34 D" waxa uuna guddoomiyaha guddiga doorashada ku dhawaaqayaa qofka ku guulaystay xilka madaxweynaha.
Tan iyo Khamiistii waxaa socda xaqiijinta uu guddoomiye Chebukati ku samaynayo warqadaha ugu dambeeya, isagoo laga filayo in marka uu soo gabagabeeyo uu shacabka dalkiisa iyo caalamkaba u sheego madaxweynaha Kenya maamuli doona shanta sano ee soo socota.