You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ninka ragga kula taliya in aysan lacag siin dumarka ay shukaansadaan oo kufsi loo heysto
Ninka saamaynta badan leh hadalladiisa iyo fikradihiisu ka abuuraan muranka culus ee dhanka internetka ee lagu magacaabo Andrew Tate ayaa lagu xidhay Romania isaga loo haysto in uu si sharcidarrro ah dad ku tahriibinayey isagoo sidoo kalena lagu furay baadhis la xiriirta kufsi lagu eedeeyay.
Mr Tate – oo lala xidhay walaalkiis Tristan – ayaa la weeraray gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Bucharest.
Qareen u doodaya walaalaha ayaa xaqiijiyay xadhigooda, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Ninkan oo ciyaara ciyaarta loo yaqaanno Kickboxing-ka ayaa caan noqday sanadkii 2016-kii markii laga saaray barnaamijka Big Brother ee TV-ga Ingiriiska, ka dib markii lagu arkay muuqaal u muuqday isaga oo weeraraya haweeney.
Wuxuu sii watay sumcaddiisa khadka internetka, iyada oo markii dambena Twitter-ka laga mamnuucay. Waxa uu sheegay in haweenku ay "qaadanayaan mas'uuliyadda" xadgudubka galmada. Tan iyo markii dib loo soo celiyay cinwaankiisa Twitter-ka ayuu hawlihiisii halkiisii kasii watay.
Waxaa loogu yaqaannaa in uu ragga kula taliyo in aysan wax lacag ah siin haweeney ay la haasaawayaan oo aan weli xaaskooda noqon.
Dacwad oogeyaasha kiiska gacanta ku haya ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri: "Afartan tuhmane ... waxay u muuqdaan inay abuureen koox dembiilayaal ah oo habaysan oo ujeedadu tahay qorista, guriyeynta iyo ka faa'iidaysiga haweenka iyaga oo ku qasbaya inay abuuraan waxyaabo qaawan oo loogu talagalay in lagu arko mareegaha khaaska si lacag looga sameeyo," sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Reuters.
Walaalahan waxa ku socday baadhitaan tan iyo bishii April, iyaga oo ay weheliyaan laba qof oo u dhashay Romania.
Muuqaal si weyn ugu baahay baraha bulshada ayaa u muuqda mid muujinaya Mr Tate iyo walaalkii oo laga soo kaxeynayo guri dabaq ah oo kuwa raaxada ah.
Agaasinka Baadhista Dambiyada Abaabulan iyo Argagaxisada ee Romania (DIICOT) ayaa soo saaray bayaan, balse ma sheegin magaca Tate, iyagoo sheegay in labo muwaadin oo British ah iyo labo muwaadin oo Romanian ah lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin koox dambiilayaal ah oo diiradda saaraya ka ganacsiga dadka.
Waxa kale oo ay soo bandhigeen muuqaalka kolki hawlgalkaa la geysanayey ah, oo muujinaya qoryo, mindiyo, iyo lacag lagu soo bandhigay hal qol.
Mr Tate ayaa u guuray Romania shan sano ka hor.
Kahor inta uusan sumcad ka helin adduunka, Mr Tate - oo ah muwaadin British ah oo ku dhashay Mareykanka - wuxuu si xirfad leh ugu dagaallami jirey ciyaartaas lagu magacaabo kickboxing-ka wuxuuna ku guuleystay koobab caalami ah.
Sanadkii 2016, ayuu ka mid noqday bandhig guriyeedka lagu magacaabo Big Brother, laakiin wax yar ka dib ayaa laga saaray, ka dib markii la faafiyay muuqaal, u muuqday isaga oo ku garaacaya haweeney suunka.
Markii laga eryay bandhiggaas, Mr Tate waxa uu sheegay in muuqaalka la tafatiray, isaga oo ku tilmaamay "been wadareed la isku deyeyey in la foolxumeeyo".
Wuxuu sii watay sumcaddiisii khadka internetka, iyada oo Twitter- ay mamnuucday boggaas bare bulsheed, xilii uu sheegay in haweenku ay "qaadanayaan mas'uuliyadda" xadgudubka galmada.
Mr Tate ayaa laga mamnuucay baraha kale ee bulshadu ku xidhiidho sida YouTube, Facebook iyo Instagram, iyadoo TikTok ay sidoo kale meesha ka saartay boggiisii.
Qoraalada uu soo dhigo baraha internetka ayaa lagu tilmaamo kuwo ku lid ah haweenka, si gaar hana u beegsnaya inkasta oo ay helaan malaayiin dad ah oo la socda, wariyaha BBC-da ee baraha bulshada Marianna Spring ay horaantii sanadkan sheegtay in qoraalkiisu ay " kor u qaadeen welwelka ku saabsan saameynta dhabta ah ee ay yeelan karaan".
Isga iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa dhawaan loo oggolaaday in uu ku soo laabtaan Twitter-ka ka dib markii Elon Musk uu la wareegay.
Arbacadii, Mr Tate waxa uu bartiisa Twitter-ka dagaal dhanka qoraalka ah kula galay Greta Thunberg oo u dhaqdhaqaaqa cimilada.