Dawladda muslimka ah ee haweenka ku qaawisa kaamirada horteeda

Haweenka ka soo baxay xabsiyada Iran ayaa ka sheekeyay arimo naxdin leh oo ku qabsaday xabsiyadii ay ku jireen, taas oo ah in lagu qaawiyay kaamirada horteeda.

‘Hawenka qaar way isaga tageen waddanka sababo la xariira ciqaabtii ay ku mareen xabsiyada Iran’ sidaas waxaa u sheegtay mid kamid ah haweenka oo BBC u warrantay.

Sida ay sheegtay, xabsiyada Iran maxaabiista dumarka ah waxaa lagu qasbaa inay bixiyaan tambooniyada iyo maryaha kale ee ay ka xirtaan caadada, waxaana loo shegaa inay taagnaadaan.

Mozgan Keshvarz oo ah haweeneey saddex sano ku qaadatay xabsiyada Evin iyo Qarchak ee Iran ayaa tiri: “Waxyaabaha qaar waxaa loo sameeyay sin aloo qab jabiyo,”.

Mozgan saddex mar ayaa dharka looga hor bixiyay kaamirada si loo baaro. Xataa gabdhihii booliska ahaa ayaa sawiro ka qaaday iyada oo dhar la’. Waxaa xabsiga laga sii daayay sanadkii 2022 kii.

Mozgan waxay isku dayday in ay diido dharbixinta. Balse taliyaasha xabsiga ayaa u sheegay in ay qasab tahay in sidaas la sameeyo.

Waxay sheegeen maamulka xabsiyadu in sawirada loo qaado si haweenka qaar aysan u dhihin hadhaw waa nala jirdilay.

“Yaa daawada muuqaalada iyo sawiradaas? Dawladdu ma waxay u isticmaali doontaa hadhoow in nala aamusiyo?” ayay tiri Mozgan oo cabsi dareemeysa.

Mozgan sawiro badan oo aysan xijaab xiranayn ayaa ku jira Insgram keeda. Waxaa lagu eedeeyay inay wax u dhintay amniga waddanka, islaamka bahdishay, sidoo kalana ay faafineysay borobogaando ka dhan ah Iran iyo sidoo kale musuqmaasuq.

Waxaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah. Sidoo dhawaan waxaa lagu xukumay eedeymo la xariira musuq. Balse ugu danbayn waa ay isaga soo tagtay Iran, iyada oo la hadashay BBC.

‘Marar badan ayaa la duubay muuqaalada’

Sanado badan maxaabiista loo soo xiro dambiyada la xiriira daroogada waa la qaawinaya si loo baaro, sidaas waxaa BBC u sheegtaay haweeneey laga soo daayay xabsi ku yaalla Iran.

Balse waxay sheegtay in haweenka si wanaagsan u dhaqma arrintaas laga dayn jiray. Waxay sheegtay in waligeed aan maryaha looga hor bixin kaamirada horteeda.

Dhanka kale bilowgii 2023 garsoorka dalka Iran ayaa sheegay in arrintaan ay borobogaando tahay, loogana soo horjeedo dawladda.

Balse dhamaadkii June, madaxa cadaaladda Iran ayaa qiray in muuqaalo laga duubo maxaabiista dumarka ah balse ay shaqadaas qabtaan haween kale oo boolis ah.

Sidoo kale waxaa dawladda lagu eedeeyay in ay kaamirooyin badan ku xirtay gudaha xabsiyadda.

“In CCTV lagu xiro meelaha ay maxaabiistu socdaan sida karatooyada waa la ogolyahay” sidaas waxaa yiri Maxamed Xusseyn Assasi oo ah qareen dagan Tehran oo la hadlay BBC.