Ragga oo la sheegay in ay iska naaxaan kolka ay guursadaan - daraasad

Cilmi-baadhis cusub ayaa soo jeedisay in guurku uu saddex jibaaro halista cayilka ama buurnida xad-dhaafka ah ee ragga.

Khubaradu waxay ogaadeen in halista cayilku ay koordho labadaba ragga iyo dumarkaba, marka ay guursadaan, balse ragga ay si gaar ah u saameyso.

Cilmi-baadhayaashu waxay heleen in guurka uu kordhiyo halista ah in qofka uu fuulo miisaan dheeraada ah, gaar ahaa ragga 62 boqolkiiba, halka dumarku ay halis ugu jiraan 39 boqolkiiba marka la barbardhigo kuwa aan guursan.

Si kastaba ha ahaatee, ragga guursaday waxay saddex jibbaar iyo bar (3.2) ka badan yihiin kuwa aan guursan marka la eego halista buurnida, halka dumarka guursaday aysan wax xidhiidh ah la lahayn cayilka marka loo eego dumarka aan guursan.

Cilmi-baarayaashu waxay soo jeediyeen in tani ay la xiriiri karto kala duwanaanta dhaqanka iyo sida bulshada uga aragti duwan tahay cayilka ragga iyo dumarka.

Sidoo kale, daraasadda waxay muujisay in da'da sii kororta ay labadaba ragga iyo dumarka u kordhiso halista cayilka.

Cilmi-baaristan, oo lagu sameeyay lammaane ku nool Poland, waxaa lagu soo bandhigi doonaa shirweynaha Yurub ee Cayilka, kaas oo ka dhici doona Spain bisha May.

Daraasadda waxaa hoggaaminaysay Dr. Alicja Cicha-Mikolajczyk oo ka tirsan Machadka Qaranka ee Wadnaha, Warsaw, Poland.

Xogta cilmi-baadhistan waxaa laga qaaday 2,405 qof oo ka qeyb galay sahaminta Multi-centre National Population Health Examination Survey.

Dadkii ka qaybgalay cilmi-baadhistan waxay celcelis ahaan da'doodu ahayd 50 sano, waxaana 35.3 boqolkiiba ay lahaayeen miisaan caadi ah, 38.3 boqolkiiba waxay ahaayeen kuwa miisaan culus leh, halka 26.4 boqolkiiba ay ahaayeen dad cayilan.

Dadka waxaa la weydiiyay su'aalo la xidhiidhaa aqoontooda caafimaad, xaaladooda niyadda sida diiqadda, iyo taageerada bulshada (tusaale, inta jeer ee ay la xidhiidhaan qoysaskooda, saaxiibadooda, iyo qaraabadooda).

Qiyaastii 55 boqolkiiba dadka la baaray waxay lahaayeen aqoon caafimaad oo ku filan iyo taageero bulsho oo dhexdhexaad ah (50 boqolkiiba), halka 15 boqolkiiba ay sheegeen in ay la tacaalayaan diiqad.

Cilmi-baaristu waxay muujisay in sanad kasta oo qofku sii weynaado ay kordhiso halista miisaan culus ee ragga 3 boqolkiiba, halka dumarku ay 4 boqolkiiba tahay. Sidoo kale, sanad kasta oo da'du kororto, ragga halista cayilka waxay kor u kacdaa 4 boqolkiiba, halka dumarku ay 6 boqolkiiba tahay.

Dumarka, helitaanka aqoon caafimaad oo aan ku filnayn waxay kordhisay halista cayilka 43 boqolkiiba, halka dadka la ildaran ugu yaraan heerka hoose ee diiqadda ay halista cayilka labo jibaarantay.

Kooxda cilmi-baarayaasha waxay ku soo gabagabeeyeen:

"Da'da iyo heerka guurka waxay saameyn aan la dafiri karin ku leeyihiin halista cayilka xilliga qaangaadhka, iyadoo aan loo eegin jinsiga.

Dhanka kale, aqoon la'aanta caafimaad iyo ugu yaraan heerka hoose ee diiqadda waxay si gaar ah ula xidhiidhaan cayilka dumarka.

Waxay natiijadayadu muujinaysaa in faafinta aqoonta caafimaadka iyo dhiirrigelinta caafimaadka nolosha oo dhan ay yareyn karto dhibaatooyinka la xidhiidha heerarka sii kordhaya ee cayilka."