Haweenka aan guursan oo halis ugu jira kufsi iyo ka faa'iidaysi iyagoo raadinaya nolol wanaagsan

Esther waxay seexan jirtay waddooyinka Lagos markii haweeney ay u timid iyadoo u ballanqaadaysa inay ka bixi doonto Nayjeeriya oo ay shaqo iyo guri ku heli doonto Yurub.

Waxay ku riyoon jirtay nolol cusub, gaar ahaan UK. Iyada oo lagu tuuray guri rabshado iyo xadgudubyo badan leh, wax yar ayay ahayd inay sii joogto. Laakiin markii ay ka tagtay Lagos sannadkii 2016, iyadoo u gudubtay saxaraha una gudubtay Liibiya, wax fikrad ah kama haysan safarkeeda naxdinta leh ee soo socda, iayadoo lagu qasbay ka gancsiga jirkeeda iyo sannado badan oo ay magangalyo ka dalbanaysay waddamo kale.

Inta badan dadka aan rasmiga ahayn ee soo galootiga ah iyo kuwa magangalyo doonka ah waa rag - 70% sida laga soo xigtay Hay'adda Magangelyada Yurub - laakiin tirada haweenka sida Esther oo kale ah, kuwaas oo u yimid Yurub si ay magangalyo u raadsadaan ayaa sii kordheysa.

Warbixinteedii 2024 waxay muujisay koror sanadle ah oo 250% ah oo ku yimid tirada haweenka qaangaarka ah ee keligood ah ee imanaya Talyaaniga ee ku socda wadada Balkan, halka qoysasku ay kordheen 52%.

Waddooyinka muhaajiriinta ayaa si weyn loo yaqaanaa inay yihiin kuwo khatar ah. Sannadkii hore 3,419 dhimasho ah ama la waayay oo muhaajiriin ah oo ka dhacay Yurub ayaa waxa diiwaangelisay Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) - sannadkii ugu dhimashada badnaa abid.

Laakiin dumarka, waxaa jira hanjabaad dheeraad ah oo ku saabsan rabshado galmo iyo ka faa'iidaysi, taasoo ku dhacday Esther ka dib markii ay khiyaantay haweeneydii u ballanqaaday nolol ka wanaagsan teedii hore.

"Waxay igu xirtay qol waxayna keentay nin. Wuu ila galmooday si xoog ah. Wali bikro ayaan ahaa," ayay tiri Esther. "Taasi waa waxa ay sameeyaan... waxay u safraan tuulooyin kala duwan oo ku yaal Nayjeeriya si ay u soo qaataan gabdho yaryar, oo ay keenaan Liibiya si ay u noqdaan addoommo galmo."

"Waaya-aragnimadooda way kala duwan tahay badanaana waa ay ka khatar badan tahay," ayuu u sheegay Ugochi Daniels oo ka tirsan IOM BBC. "Xitaa haweenka u safraya koox koox, badanaa ma helaan ilaalin joogto ah, taasoo u u keenta xadgudubyo ay geystaan tahriibiyeyaasha, ama muhaajiriinta kale."

Haween badan ayaa ka warqaba khataraha laakiin si kastaba ha ahaatee way tagaan, iyagoo sii qaadanaya kondhomka, ama xitaa isku xiraya qalabka looga hortagga uurka haddii lagu kufsado inta ay jidka ku jiraan.

"Dhammaan muhaajiriinta waa inay lacag siiyaan qof tahriibiya," ayay tiri Hermine Gbedo oo ka tirsan shabakadda ka hortagga tahriibinta ee Stella Polare. "Laakiin dumarka waxaa badanaa laga filayaa inay ogolaadaan galmada si ay qayb uga noqdaan lacagtaas."

Ms Gbedo waxay taageertaa haweenka muhaajiriinta ah ee ku sugan Trieste, oo ah magaalo deked ah oo ku taal waqooyi-bari Talyaaniga, taasoo muddo dheer ahayd isgoys dhaqameedyo , isla markaana u adeegta marin muhiim ah oo ay ku galaan Midowga Yurub kuwa ka soo gudbaya Balkans. Laga bilaabo halkan, waxay sii wadaan inay u gudbaan dalal sida Jarmalka, Faransiiska, iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Ka dib afar bilood oo ay ku jirtay Liibiya, Esther way baxsatay, waxayna ka gudubtay badda Mediterranean iyadoo wadata doon caag ah oo ayna kasoo badbaadiyeen ilaalada xeebaha Talyaaniga oo loo kaxeeyay jasiiradda Lampedusa.

Saddex jeer ayay magangalyo dalbatay ka hor inta aan la siinin sharciga qaxootiga.

"Waa wax aan macquul ahayn in la sii wado socdaalka ballaaran -- ma jirto si loo sii wado," ayay tiri Nicola Procaccini, oo ah xildhibaan ka tirsan dowladda garabka midig ee Giorgia Meloni. "Waxa aan u dammaanad qaadi karnaa nolol ammaan ah haweenkaas halista ku jira, laakiin dhammaantood ma dammaanad qaadi karno."

"Waa inaan noqonaa dad madax adag," ayuu ka digay Rakib Ehsan oo ka tirsan Ururka Siyaasadda ee Muxaafidka. "Waxaan u baahanahay inaan mudnaanta siinno haweenka iyo gabdhaha halista degdega ah ku jira ee ku nool dhulalka ay colaaduhu saameeyeen, halkaas oo kufsiga loo adeegsanayo hub dagaal."

Si kastaba ha ahaatee, haween badan oo ka yimid dalal loo arko inay ammaan yihiin ayaa sheeganaya in xadgudubka loogu geystay dumarnima awgeed ay la macno tahay in nolosha dalalkoodii ay noqotay mid aan macquul ahayn.

Tani waxay ahayd xaaladda Nina, oo 28 jir ah oo ka timid Kosovo.

"Dadku waxay u maleynayaan in wax walba ay wanaagsan yihiin Kosovo, laakiin taasi run ma aha," ayay tiri. "Arimuhu aad bay u xun yihiin dhanka dumarka."

Warbixin ay soo saartay hay'adda amniga ee Yurub ee OSCE ayaa lagu sheegay in 54% haweenka Kosovo ay la kulmeen xadgudubyo nafsiyeed, jireed ama galmo oo ka yimid lammaane dhow tan iyo markii ay da'doodu ahayd 15 sano.

Haweenka la kulma cadaadis iyo rabshado ku salaysan jinsi ayaa xaq u leh inay helaan magangalyo sida ku cad Heshiiska Istanbul ee Golaha Yurub, taasina waxa taageeray xukun taariikhi ah oo ay soo saartay maxkamadda ugu sarreysa Midowga Yurub sannadkii hore. Heshiisku wuxuu faahfaahin ka bixinayaa rabshadaha ku salaysan jinsiga sida kuwa nafsiyeed, jireed iyo galmo - waxaana ku jira gudniinka fircooniga ah ee dumarka (FGM).

Marka ay timaado xadgudubka galmada, Carenza Arnold oo ka tirsan hay'adda samafalka ee Haweenka Qaxootiga ee UK ayaa sheegtay in inta badan ay adag tahay in la caddeeyo, maadaama aysan ka tagayn nabarro la mid ah jirdilka jireed - mamnuucidda iyo xasaasiyadda dhaqanka ee haweenka ayaa ka dhigaya hawsha mid aad u adag.

"Haweenka ayaa si joogto ah loo dedejiyaa howshooda, mana u sheegi karaan sarkaalka socdaalka ee ay markaas la kulmaan tacaddiyada galmada ee ay la kulmeen," ayuu sharraxay Arnold.

Inta badan rabshadaha ay la kulmaan haweenku waxay dhacaan inta ay ku jiraan safarkooda, sida ay BBC u sheegtay Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka.

Dagaalka Esther ee ku aaddan qaxootinimada wuxuu qaatay waqti dheer.

Markii ugu horreysay waxay magangalyo ka codsatay Talyaaniga sannadkii 2016, laakiin ka dib markii ay muddo dheer sugeysay waxay u guurtay Faransiiska ka dibna Jarmalka, halkaas oo codsiyadeeda magangalyo la diiday maadaama sida ku xusan xeerka Dublin ee Midowga Yurub kaas oo ah, in qofka magangalyo doonka ah badanaa laga filayo inuu magangalyo ka codsado waddanka ugu horreeya ee Midowga Yurub ee uu galo.

Ugu dambeyntii waxaa la siiyay aqoonsi qaxootinimo oo Talyaaniga ah sannadkii 2019.

Iyadoo ku dhawaad toban sano ka dib markii ay ka tagtay Nayjeeriya, waxay isweydiinaysaa in joogitaankeeda hadda ee Talyaaniga uu u qalmo dhibkii ay u soo martay inay halkaas gaarto: "Xitaa ma garanayo sababta aan u imid meeshan." ayey tiri Esther.