Israa'iil oo hor istaagtay dooni ay saar naayeen koox gargaar u siday Qasa

Ciidamada Israa'iil ayaa hor-qabateeyey koox miigganeyaal caalami ah oo doonayey in ay jabiyaan go'doominta lagu hayo marinka Qasa. Kooxdan oo la magac baxay Gaashaanbuurta Doonleyda Isku-bahaystay Xorriyadda, ayaa sheegay in ciidammada Israa'iil ay la wareegeen doonni siddey sahay gargaar oo ku sii jeeddey Marinka Qasa, si ay jebinaya go'doonka cirka, dhulka iyo badda ah ee Israa'iil saartay

Kooxda ololaha ah ee Freedom Flotilla Coalition (FFC) ayaa ku sheegtay barteeda Telegram in "xidhiidhkii lala lahaa doonta Madleen uu go'ay."

Waxay sidoo kale soo dhigeen sawir muujinaya dad xidhan jaakadaha badbaadada oo gacmahooda kor u taagaya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa u muuqata inay xaqiijisay in doontii lala wareegay, iyadoo sheegtay in doontu "si nabad ah ugu soo wajahan tahay xeebaha Israa'iil," ayna filayaan in rakaabku "dib ugu laabtaan dalalkooda."

Miiganaha caanka ah ee dhanka cimilada ee Greta Thunberg ayaa ka mid ah dadka saaran doonta, taas oo la sheegay inay ku dhowdahay xeebaha Masar.

Israa'iil ayaa sheegtay in go'doonka ay saartay Marinka Qasa uu lagama maarmaan u yahay in laga hortago in hub lagu gaarsiiyo xoogagga Xamaas ee ku sugan Qasa.

Kadib markii ay soo sheegeen in doonta la fuulay, Gaashaanbuurta Doonleyda Isku-bahaystay Xorriyadda (FFC) waxay soo dhigtay muuqaallo kooban oo horay loo duubay oo ka mid yihiin qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha, ay ku jirto Greta Thunberg.

Muuqaalladaas, qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqayaashu waxay ku yidhaahdeen: "Haddii aad daawato muuqaalkan, waxaa na na qabtay oo na afduubay ciidamada Israa'iil ama cid taageersan."

FFC waxay hore u sheegtay in doontu oo kasoo baxday jasiiradda Sicily ee dalka Talyaaniga maalintii Jimcaha ay sidday gargaar bani'aadamnimo, ayna horey isu diyaariyeen "suurtogalnimada weerar kaga yimaada Israa'iil."

Wasiirka difaaca Israa'iil, Israel Katz, ayaa horay uga digay in doonta ay ku laabato jihadii ay ka timid, isagoo sheegay in Israa'iil ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo isku dayda inay jebiso go'doonka.

Axaddii, Katz wuxuu ku qoray barta X:

"Waxaan faray ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) inay tallaabo ka qaadaan si ay u horjoogsadaan doonta 'Madeleine' [sic] ee nacaybka sida, islamarkaana ay adeegsadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah sidii aysan ugu dhowaan lahayn xeebaha Qasaa."

Katz wuxuu sheegay in ujeeddada go'doonka Israa'iil oo socday tan iyo 2007 ay tahay "in la joojiyo hubka loo gudbinayo Xamaas," taasoo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah amniga Israa'iil iyadoo la doonayo in Xamaas la burburiyo.

Kooxda Freedom Flotilla Coalition (FFC) ayaa sheegtay in go'doonka badeed ee Israa'iil uu yahay mid sharci-darro ah, waxayna hadalka Wasiirka Difaaca Israel, Katz, ku tilmaameen tusaale cad oo muujinaya in Israa'iil ay ku hanjabeyso adeegsiga awood sharci-darro ah oo lagu beegsanayo dad rayid ah, iyadoo "isku dayaysa inay si been abuur ah ugu micneyso rabshaddaas."

Afhayeenka warbaahinta ee FFC, Hay Sha Wiya, ayaa yiri:

"Nalama cabsi gelin doono. Caalamkuna wuu na daawanayaa."

Wuxuu intaas ku daray:

"Madleen waa doon rayid ah, aan hubaysnayn, kuna jirta biyaha caalamiga ah, waxayna wadaa gargaar bani'aadantinimo iyo difaacayaal xuquuqda aadanaha oo ka kala yimid daafaha dunida… Israa'iil xaq uma laha inay hor istaagto dadaalkayaga aan ku gaarayno Qasa."

FFC waxay sheegtay in doontu siddo gargaar astaan u ah cuntooyin kala duwan oo ay ku jiraan bariis iyo caano dhallaanka loogu tala galay.

Rakaabka saaran doonta waxaa ka mid ah muwaadiniin u dhashay Brazil, Faransiiska, Jarmalka, Netherlands, Isbayn, Iswiidhan, iyo Turkiga.

Sannadkii 2010, ciidamo gaar ah oo Israa'iil ah ayaa dilay 10 qof markii ay fuuleen markabka Mavi Marmara, oo u socday inuu hogaamiyo gargaar u socda Qasa.

Dhawaan, Israa'iil waxay bilowday inay ogolaato gargaar xaddidan oo dhanka dhulka ah kadib go'doon saddex bilood socday. Waxay mudnaanta siisay in gargaarka loo marsiiyo hay'adda Gaza Humanitarian Foundation, taasoo ay taageeraan Israa'iil iyo Mareykanka, inkastoo si weyn ay u cambaareeyeen ururrada bani'aadantinimada.

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Türk, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Falastiiniyiinta la hor dhigay "doorashooyinka ugu murugada badan: in ay gaajo la dhintaan ama dilo xilli ay isku dayayaan inay helaan wax yar oo cunto ah oo la ogolaaday."

Laakiin wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa Isniintii hore ku qortay barta X:

"Intii ay Greta iyo kuwa kale isku dayayeen inay sameeyaan dhoolatus warbaahineed oo ujeedkiisu yahay caanimo kali ah kaasoo xitaa aan dhammayn hal baabuur xamuul ah oo gargaar ah – in ka badan 1,200 baabuur oo gargaar ah ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka galay Gasa dhanka Israa'iil. Intaa waxaa dheer, hay'adda Gaza Humanitarian Foundation waxay si toos ah ugu qeybisay ku dhowaad 11 milyan oo cunto ah dad rayid ah oo ku sugan Gaza."

Waxay intaa ku dareen:

"Waxaa jira waddooyin lagu gaarsiiyo gargaar Marinka Qasa mana aha inay ku lug yeeshaan sawirro Instagram ah."

Waxaa haatan laga jooga ku dhowaad 20 bilood markii Israa'iil ay bilowday ololaha milatari ee Qasa, taasoo jawaab u ahayd weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ay ku qaaday gudaha Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, weerarkaasi oo lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof, halka 251 kalena la afduubay.

Tan iyo markaas, ugu yaraan 54,880 qof ayaa lagu dilay Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.