''Anigu ma ihi argagixiso'': Jacaylka xad-dhaafka ah ee Sanjay Dutt u qabay hubka oo sababay in lagu xukumo xabsi

Dad badan ayaa Sanjay Dutt ku yaqaana in uu yahay Jilaa filimaanta shirkadda Bollywood, laakiin ereygan ma qeexayo dhammaan dhinacyada shakhsiyaddiisa.

Waa jilaa da'aadiisii soo barbaaray 1980-meeyadii iyo 1990-naadkii, Sanjay Dutt ma aha kali ah xiddig filimaanta, laakiin sidoo kale waxaa lagu naanaysaa 'Al Pacino' Bollywood. Waxaa lala barbar dhigay Al Pacino sababtuna ay tahay inuu muujiyay qudhiisa in uu aad uga helay jilaagan weyn ee Hollywood.

Sanjay Dutt ayaa sameeyay filimaan Hindi ah oo uu ka sameeyay meelo gaar ah oo isaga gaar u ah, iyada oo uu ku caan baxay filimada sida Khal Naik, Vaastu, iyo Munna Bhai MBBS, kuwaasi oo muujinaya hibadiisa gaarka ah iyo caanimadiisa joogtada ah.

Xayaysiinta gaaban ee filimka ''Sanju'' ayuu ku muujinayaa noloshiisa, taas oo macnaheedu yahay'' Noloshiisu mararka qaar kor ayay ahayd mararka qaarna hoos, wuxuu qaatay daroogo, wuxuu degey hoteelo qaali ah, wuxuu galay xabsiyo, wuxuu xirnaa saacado iyo jeebad, wuxuu lahaa saddex boqol iyo sideed gabdhood oo saaxiibo ah iyo qoriga AK 56.''

Tani waa sheekada dhabta ee jilaaga weyn ee Bollywood, Sanjay Dutt. Qareenka caanka ee Hindiya, Ujwal Nikam ayaa ku matalayay dowladda kiisas ka dhan ah argagixisada laga bilaabo qaraxii Mumbai ee 1993

Qareenka caanka ah ee Hindiya, Ujjwal Nikam, ayaa ku matalay dowladda kiisaska ka dhanka ah argagixisada laga bilaabo qaraxii Mumbai ee 1993 ilaa dambiyada Mumbai. Wareysi uu bixiyay dhowaan ayuu kaga hadlay dhowr dhinac oo ku saabsan kiiskii Sanjay Dutt.

Waxaa uu sheegay in Sanjay Dutt aanu wax aqoon ah u lahayn qaraxii Mumbai ee 1993, waxa kali ah ee Sanjey jecel yahayna ay tahay hubka.

Waxaa xusid mudan in 12kii Maarso 1993 ay qaraxyo daran ay ka dhaceen Mumbai. Waxaana intii taasi ka dambaysay, Sanjay Dutt ayaa lagu helau dambiga ah inuu helay uuna haystay hub sharci daro ah oo uu ka helay Abu Salem iyo Riyaz Siddiqui

Waxaa xusid mudan in 12-kii Maarso 1993 ay ka dhacday taxane qaraxyo ah oo ka dhacay Mumbai. Ka dib tan, Sanjay Dutt waxaa lagu helay dambiga ah in uu helay oo uu haystay hub sharci-darro ah oo ka yimid Abu Salem iyo Riyaz Siddiqui.

Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa sanadkii 2013 waafaqday go'aanka maxkamada TADA, waxaana Sanjay Dutt ay ku xukuntay shan sano oo xabsi ah.

Ka dib markii laga sii daayay xabsiga sanadkii 2016, Sanjay Dutt ayaa ka codsaday warbaahinta in aysan kula xiriirin isaga qaraxyadii 1993.

Shir jaraa'id oo ka dhacay Mumbai ayaa Sanjay Dutt ka yiri, ''Anigu ma ihi argagixiso, waxaana ka codsanayaa warbaahinta in aysan igula xiriirin qaraxyadii 1993.''

Nikam oo noqday qareen caan ah oo kiisaska dambiyada ee qaraxyadii Mumbai ka dib ayaa wareysi uu siiyay Youtube-ka Ujjwal Nikam ku yiri ''Si shakhsi ah, waxaan aaminsanahay inuu ''Sanjay'' aad u waalan yahay oo uu jeclaa hubka, taasina ay tahay sababta uu u haystay qoriga AK-56''

''Qiyaastii 15 ilaa 20 maalmood kahor 12kii Maarso, Abu Salem waxaa uu hub ku layimid gaari xamuul ah. Sanjay Dutt ayaa arkay waxa uu kala haray mid kamid ah oo ah AK-56, isaga oo celiyay intii kale''.

Ujjwal Nikam ayaa yiri ''Markii Sanjay Dutt ugu horraysay ee uu helay hubka, waxa ay ahayd inuu u sheego booliska in hub u uku jiro gaari xamuul ah, oo ay ku jireen RDX iyo bam gacameedyo. Haddii uu xitaa intaasi sheegi lahaa, boolisku waxa ay samayn lahaayeen baaritaan, waana ka hortagi lahaayeen qaraxyada''.

Waxaa mar laga weydiiyay in uu wax caddaadis ah lagu hayay oo kiisa Sanjay Dutt ah ayu uku jawaabay ''Ma jirin wax cadaadis ah oo i saarnaa. Waad ogtahay markii aan ku jiray dagaalka kiiskan, waxa ay maxkamadu ku xukuntay sharciga ciidamada. Qareenadiisa ayaa sheegay in ay tahay dambigii u horeeyay ee uu galo Sanjay Dutt, sidaasi darteed ayay ahayd in loo siiyo faa'iidada shakiga''.

Waxaa uu intaa ku daray ''Waan ka soo horjeeday dooddan, ka dib maxkamaddu waxa ay diidday doodad qareenada Sanjay Dutt.

Waxaa uu intaa ku daray ''Inta aan hubo, Sanjay Dutt kuma lahayn wax door ah qaraxyadii Mombai. Uma maleynayo Sanjay Dutt inuu xitaa ogaa waxa dhici doonaa, gaar ahaan in qaraxyadu ay dhacayaan''