You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sanjay Dutt: Waan ku guuleystay dagaalkii adkaa ee aan ku jiray
Xiddigga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka, Sanjay Dutt, ayaa shaaciyay inuu ka bogsaday xanuunka cancer-ka oo uu la tacaalayay bilihii lasoo dhaafay.
Qoraal uu saacado ka hor soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu "guul kasoo hoyiyay" dagaalkii uu kula jiray cudurka.
"Dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen waqti ku adag qoyskeyga iyo anigaba. Laakiin waxay dhahaan Ilaah wuxuu dagaalladiisa ugu adag u diraa ciidamiisa ugu awoodda badan. Maantana, iyadoo ay ku aaddan tahay munaasabadda dhalashada ilmaheyga, waxaan ku faraxsanahay inaan dagaalkan kasoo baxay anigoo guuleystay , aana awood u yeesho inaan siiyo hadiyadda ugu wanaagsan ee aan u awoodo-- oo ah caafimaadka qoyskeenna," ayuu Sanjay Dutt ku yidhi qoraalkiisa.
"Arrintan suuragal ma noqoteen haddii aanan taageero buuxda idinka heysanin dhammaantiin. Waxaan mahadcelin siinayaa qoyskeyga, saaxiibbada iyo dhammaan taageerayaasha i garab istaagay dhiirrigalintana ii noqday waqtigan adag. Waad ku mahadsan tihiin jacaylka, naxariista iyo ducooyinka aan tirada lahayn ee aad ii soo dirteen," ayuu sii raaciyay.
Sanjay ayaa sidoo kale u mahad celiyay dhakhaatiirtii iyo shaqaalihii caafimaad ee sida fiican u xannaaneeyay. "Waxaan mahadnaq gaar ah siinayaa Dr Sewanti iyo kooxdeeda dhakhaatiirta ah, kalkaalisooyinka iyo howl-wadeennada caafimaad ee isbitaalka Kokilaben, kuwaasoo si fiican ii daryeelay dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay." Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Twitter-ka.
Horaantii bishii August ayey soo baxeen wararka ku saabsan in atoorahan caanka ah uu ku dhacay cudurka dilaaga ah ee cancer-ka.
Kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad xumaatay ayaa laga baadhay cudurka Covid-19, laakiin natiijadii soo baxday waxay sheegtay inuusan qabin fayraska. Markii dambena waxaa lasoo tabiyay in jilaaga uu culeys gudaha ah ka dareemay xabadka.
Maadaama laga waayay coronavirus, dhakhaatiirta ayaa ka baaray cudurka kansarka, kaasoo ugu dambeyntiina laga helay, sida ay warbaahinta xilligaas shaaciyeen.
Isla markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in laga helay cancer, wuxuu shaaciyay inuu hakad galiyay howlihiisii jilista filimada.
Isbuucii lasoo dhaafay ayuu 61 jirkan markii ugu horreysay xaqiijiyay inuu cancer ku dhacay, "sida ugu dhaqsaha badanna uu uga adkaan doono".
Wuxuu sidoo kale sheegay in shaqadiisa filimada uu dib u billaabi doono bisha November.
Sanjay Dutt oo jilay in ka badan 150 filim ayaa ka mid ah atooreyaasha loogu jecel yahay shirkadda Bollywood-ka Hindiya, muddo dheer ayuuna kusoo dhex jiray xirfaddan.