Sidee buu Trump doonayaa inuu Muslimiinta u soo jiito

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump ayaa la kulmay hogaamiyayaasha diinta Islaamka ka hor isu soo bixiisa ka dhacay Michigan.
Hoggaamiyaha Muslimka ayaa ku sugnaa masraxa hoolka Trump, waxaana madaxweynihii hore ee Mareykanka uu u aqoonsaday inuu yahay hoggaamiyihii weynaa ee gobolka Michigan.
Imaam Belal Al-Zuhari oo goobjoog ka ahaa kulanka Trump ayaa ku tilmaamay Trump nin nabadda taageersan.
Alzuhari waxa uu yiri, "Anagu haddaan nahay codbixiyeyaal Muslimiin ah waxaan taageeraynaa Trump, waxaan u sheegnay inuu keeno oo ka shaqeeyo nabadda ee uusan ka qeyb noqon dagaal."
"Waan taageersanahay Donald Trump sababtoo ah wuxuu ballanqaaday inuu joojinayo dagaalka Bariga Dhexe iyo Ukraine."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump si cad uma dhaleecayn dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza, balse waxa uu aad uga hadlaa xiriirka uu la leeyahay Israa'iil.
Trump ayaa markii hore ugu baaqay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo militariga inay sida ugu dhaqsaha badan u xalliyaan colaadda.
Sidoo kale, Trump wuxuu dhaleeceeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris oo uu ku eedeeyay inaysan si ku filan u taageerin Israa'iil.
Maamulka Biden iyo Kamala Harris maysan dhaleecayn Israa'iil, waxa ayna sii wadeen bixinta hubka iyo taageerada Israa'iil.
Intii uu madaxweynaha ahaa Trump waxa uu xayiraado ku soo rogay dadka ka imaanaya Ciraaq, Suuriya, Iiraan, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen inaysan imaan karin Mareykanka.
Xayiraadihii Trump waxaa qaaday maamulka Biden sanadkii 2021.
Muslimiinta ayaa aad uga carooday Biden

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maraykanku waxa uu Israa’iil ka caawiyaa saanadaha muhiimka ah ee millatariga, taas oo ah mid ka careysiineysa codbixiyayaasha Carabta ah iyo kuwa Muslimiinta.
Codbixiyayaasha Carabta iyo Muslimiinta ayaa la rumeysan yahay inay ka quusteen Kamala Harris iyo Biden.
Waxaa la rumeysan yahay in codbixiyayaasha ay doonayaan in si degdeg ah loo joojiyo taasina ay u arkaan inuu ka shaqeyn karo Trump.
Dhinaca kale, taageerayaasha Israa’iil waxay dareemayaan in maamulka Biden uusan siinin Israa’iil taageeradii loo baahnaa.
Trump kaliya ma codsanayo codbixiyayaasha Carabta iyo Muslimiinta, balse wuxuu sidoo kale uga digayaa Israa'iiliyiinta in haddii isaga (Trump) uu fashilmo ay qiimo weyn ku bixin doonaan.
Taageerayaasha Falastiiniyiinta iyo kuwa u ololeeya joojinta dagaalka ayaa ka soo horjeeda xisbiga madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris.
Waxay is waydiinayaan sida siyaasadda (Harris) uga duwanaan doonto siyaasadda Biden.
"Muslimiinta iyo Carabta codbixiyayaasha ah ee dalka oo dhan, oo ay ku jirto kuwa ku sugan gobolka Michigan, waxay doonayaan in la soo afjaro dagaalka aan dhamaadka lahayn ee Bariga Dhexe.
Dhammaantood waxay rabaan nabad iyo xasillooni," ayuu Trump ka sheegay isu soo bax ka dhacay Michigan.
Trump ayaa balan qaaday in uu dagaalka soo afjari doono hadii uu xukunka qabto. Kuwa aan taageersanayn ballan qaadkiisa ayaa sheegaya in ilaa iyo inta uu Trump xukunka hayo uusan ogolayn in dagaallo cusub ay bilaabmaan.

Xigashada Sawirka, AP
Liz Cheney oo hore xubin uga ahayd Congress-ka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay taageersan tahay Kamala Harris.
Trump ayaa waydiiyay, "Kamala Harris waxay isku duubtay Liz Cheney, oo Islaamka neceb.
Liz Cheney waa gabadha uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Dick Cheney.
Markii uu Maraykanku weeraray Ciraaq 2003, Dick Cheney wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeen, wuxuuna taageeray duullaankii lagu qaaday Ciraaq.
Dhinaca kale, Trump waxa uu ka hadlayaa soo jiidashada Muslimiinta, balse dhinaca kale, waxa uu sheegay in marka uu Madaxweyne noqdo, uu sidoo kale soo celin doono xayiraadda lagu rogayyo dadka ka imaanaya dalalka Muslimiinta u badan ee ku nool Maraykanka.
Isaga oo khudbad ka jeedinaya shirka dadka ka soo jeeda Israa'iil ee Jamhuuriga ee 28-kii bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Trump waxa uu yiri, “Ma xasuusataa xayiraaddii socdaalka, marka aan xilka la wareego, waxa aan dib u soo celin doonaa xayiraaddii socdaalka ee muwaadiniinta dalalka aynaan doonayn ama doonaya inay dalkeenna burburiyaan, doorashada kaliya ee aan haysano waa mamnuucid safar."
“Afartii sano ee aan xafiiska joognay, wax sidan oo kale ah ma dhicin, sababtoo ah uma oggolaanin dadka sidaas oo kale ah inay dalka soo galaan,” ayuu yiri Trump.

Xigashada Sawirka, AP
Trump ayaa marar badan ku dhawaaqay inuu yahay madaxweyne dagaal, sidoo kale waxa uu sheegay in Mareykanka uusan gelin dagaal cusub intii uu xilka hayay. Trump ayaa inta badan ciidamadiisa kala baxay Bariga Dhexe, wuxuuna ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalka Afgaanistaan.
Bishii March-2019 waxa uu ku dhawaaqay in laga adkaaday kooxda dowladda Islaamka, isla sanadkaas, ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dilka hoggaamiyihii IS Abu Bakar al-Baghdadi bishii Oktoobar.
Waxaa intaas dheer in maamulka Trump uu Ciraaq ku dilay Jannaayo-2020 Jeneraalkii ugu sarreeyay Iran Qaasim Suleymaani.
Booqashadii ugu horeysay ee Trump isagoo madaxweyne ah waxay ahayd Sacuudi Carabiya, Sacuudiga ayaana xiligaasi dagaal kula jiray Xuutiyiinta Yemen.
Trump ayaa Sacuudiga la galay heshiis hub ah oo dhan 110 bilyan oo doolar.













