Mikel Arteta: "Maalmihii wacnaa way soo socdaan"

    • Author, Alex Howell
    • Role, Arsenal reporter at Arsenal's training ground

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in uu kulan la yeeshay ciyaartoydiisa kaddib guuldarradii ka soo gaartay Manchester United si uu u "dejiyo xamaasadda", isaga oo ballanqaaday in waxyaabo qurux badan ay weli soo socdaan.

Guuldarradii 3–2 ahayd ee ay Arsenal Axaddii kala kulantay United waxay noqotay guuldarradii ugu horreysay ee ay garoonkooda ku lumiyaan xilli ciyaareedkan, islamarkaana waxa ay ahayd tii saddexaad oo kaliya ee ay ku lumiyaan Horyaalka Premier League kaddib 23 kulan.

Gunners waxay weli afar dhibcood ka horraysaa Manchester City iyo Aston Villa, balse ma aysan gaadhin wax guul ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka, kaddib barbaro ay la galeen Nottingham Forest iyo Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Arteta wuxuu sheegay in falcelintii kulanka kooxda ay ahayd mid "aad u wanaagsan", islamarkaana uu aaminsan yahay in taasi ay muujinayso rajo wanaagsan oo ku aaddan guulaha inta ka hadhsan xilli ciyaareedka.

"Waxaan qaadannay waqti aan ku dejinno xamaasadda oo aan sammaynno fiiro dheeraad ah, annagoo is weydiinayna laba su'aalood: tan koowaad waa, sidee ayaan dareemaynaa? Tan labaadna waa, sidee ayaan u wajahaynaa afarta bilood ee soo socda?"

"Waxay ahayd mid aad u dhiirrigelin badan oo qurux badan, sababtoo ah wixii ka soo baxay kulankaas waxay ahaayeen wax aad u fudud."

Tababaraha Arsenal ayaa farriintan ka jeediyay shir jaraa'id oo uu qabtay ka hor kulanka ay garoonkooda kula ciyaarayaan Kairat ee Champions League, kaas oo dhacaya Arbacada.

Arsenal waxay hoggaanka u hayaan tartanka Yurub, iyagoo guulaystay 7 kulan, halka martidooda ka imanaya Kazakhstan ay ku jiraan kaalinta ugu hooseysa ee group-ka.

Arteta oo baaq u diray taageerayaasha werwersan

Arteta wuxuu sheegay in uu kulammo la yeesho kooxdiisa "saddex ilaa afar jeer toddobaad kasta", wuxuuna tilmaamay in kulankii ugu dambeeyay uu ahaa si ciyaartoydu "u fahmaan meesha aan joogno" iyo si loo hubiyo in ay "ku raaxaystaan kalsooni buuxda, iyagoo og in guushu dhici doonto, maxaa yeelay waa waqtigeenna oo runtii waan dooneynaa."

Arsenal waxay saddex xilli ciyaareed oo isku xigta ku dhamaatay kaalinta labaad ee Premier League.

Gunners ma aysan qaadin koob tan iyo markii ay qaadday FA Cup 2020, taas oo ahayd xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Arteta uu hogaamiyo kooxda.

'Maalmihii wacnaa way soo socdaan'

Arteta wuxuu sheegay in cadaadis ka yimid dhinaca dibadda kooxda aanu sabab u noqon kulankaas.

Taa beddelkeeda, wuxuu u arkay waqti ku habboon in la qiimeeyo xaaladda kooxda kaddib jadwal "adag oo mashquul badan". Ka hor guuldarradii United, Arsenal waxay ciyaartay afar kulan oo ay ku dheeshay bannaanka gurigeeda oo isku xiga, kuwaas oo ka dhacay afar tartan oo kala duwan.

Waxay guuleysteen saddex ka mid ah afar ciyaar oo bannaanka ah, halka mid kalena barbaro ay galeen, waxayna hoggaanka u hayaan Premier League, waxay leeyihiin rikoodh 100% ah dhinaca Champions League, waxay hoggaanka u hayaan Chelsea ka dib lugta koowaad ee semi-final-ka Carabao Cup, islamarkaana waxay gaadheen wareegga afaraad ee FA Cup.

Arteta wuxuu sheegay in "waxyaabo quruxda badan" ay jiraan marka la fiiriyo mustaqbalka.

"Anigu aad ayaan u hubaa, maxaa yeelay kooxdan iyo ciyaartoydani waxay na siiyeen sabab kasta oo aan rumaysanno in natiijadu ay runtii fiicnaan doonto," ayuu yidhi.