Faa'iido miyaa ku jirta cunista huruudda iyo basbaaska?

Basbaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Basbaaska, huruudda iyo noocyo kale oo la mid ah ayaa aalaaba la sheegaa inay leeyihiin faa'iidooyin caafimaad ama xitaa inay awood u leeyihiin "kor u qaadidda difaaca jirkeenna". Balse dhabtii xawaashyadu ma faa'iido caafimaad ayay ku biiriyaan cunnadeenna, ama ma waxay naga caawiyaan inay xanuun naga qaadaan?

Xawaashyadu waxay cuntadeenna ka mid ahaayeen muddo kumannaan sano ah – waa wax dabiici ah in baradhada lagu daro xoogaa basbaas ah, inaan cabno shaah sanjabiil leh amaba inaan cunnadeenna ku darsanno basbaas. Balse dhowaan, xawaashyada qaar ayaa si aan rasmi ahayn loo buunbuuninayay.

Hillary Clinton ayaa la sheegay inay maalintii hal basbaas cuni jirtay xilli ay ku jirtay ololihii 2016 iyadoo isku dayeysay inay xanuun isaga daweyso. Huruudda, oo qaaradda Aasiya iyo sidoo kale dalal ay Soomaaliya ka mid tahay muddo dheer laga isticmaalayay, ayaa haatan kusoo biiray dukaamada kafeyga laga cabo ee adduunka iyadoo laga sameeyo "golden lattes" – iyo, xilligii xanuunka safmarka ah, la is dhaafsan jiray farriimo baahay oo lagu sheegayo inuu "sare u qaadi karo difaaca jirkaaga" uuna kaa difaaci karo inaad xanuunsato. Haatan waa mid ah wada isticmaalaan sheefyada adduunka.

Dhanka kale, basbaaska ayay dadka qaar rumeysan yihiin inuu ka qeyb qaato miisaan-dhimista.

Balse xawaashyadu dhabtii ma faa'iido caafimaad ayay ku kordhiyaan cunnadeenna, amaba naga caawiyaan inay xanuun naga dulq aadaan? Midkoodse wax dhib ah manoo keeni karaa?

Faa'iidada caafimaad ee basbaaska

Mid ka mid ah xawaashyada aadka loo yaqaanno loona isticmaalo waa basbaas. Daraasado badan ayaa lagu baaray saameynta ay u leeyihiin caafimaadkeenna – balse waxay ku ogaadeen natiijooyin faa'iido iyo khasaaro labadaba leh.

Basbaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Capsaicin waa maaddada ugu badan ee ku jirta basbaaska. Marka aan cunno basbaaska, walxaha capsaicin ayaa la falgala heer-kulka jirkeenna, iyagoo maskaxda u diraya farriimo lagu abuurayo dareenka kulka.

Daraasadaha qaar ayaa tilmaamay fekerka ah in capsaicin laga yaabo inay gacan ka geysato inaad muddo dheer noolaato.

Mid sanadkii 2019 laga sameeyay Talyaaniga ayaa lagu ogaaday in dadka cunay cunno la basbaaseeyay afar jeer toddobaadkii ay halistooda geerida yar tahay marka loo barbardhigo kuwa aan weligood cunin.

Sanadkii 2015, baarayaasha Shiinaha, oo sidoo kale baaray cunidda basbaaska iyo caafimaadka ku dhowaad 500,000 oo dadka qaan-gaarka ah ee Shiinaha, ayaa waxay ogaadeen in basbaaska lala xiriiriyay halis yar oo dhimashada ah. Kuwa maalin walba cuni jiray basbaaska ayaa 14% halis yar ugu jira dhimashada waa halis ka yar tan dadka cuna basbaaska wax ka yar hal jeer maalintii.

Basbaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tan micnaheedu maaha, si kastaba, in cunidda xaddi badan oo basbaas uu faa'iido u leeyahay caafimaadkaaga amaba uu kaa difaacayo xanuunka neef-mareenka.

Waa muhiim in la xusuusto in daraasadda Shiinaha ay dadka cuna basbaaska baareysay muddo toddoba sano ah, taas oo micnaheedu yahay in xitaa hadduu basbaasku faa'iido leeyahay ay taasi timid muddo dheer kadib.

Basbaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daraasado dhowr ah ayaa sidoo kale muujiyay in capsaicin uu kordhin karo xaddiga tamarta aynu gubno uuna hoos u dhigi karo amateetka.

Zumin Shi, oo bare sare ka ah waaxda nafaqada aadmiga ee Qatar University, ayaa ogaatay in cunidda basbaaska lala xiriiriyo khatar yar oo buurnida ah uuna faa'iido u leeyahay dhiig-karka sare. Sidaa darteed, marka ay baartay saameynta cunidda basbaaska ee dhanka shaqeynta caqliga si hagaagsan looma ogaan karin.

Balse markii ay cabbirtay shaqada caqliyeed ee Shiineedka qaan-gaarka ah ee cuna basbaaska, waxay ogaatay in dadka basbaas badan cuna uusan garaadkooda aad u shaqeynin. Cunidda xaddi badan oo basbaas ah ayaa lala xiriiray xusuus xumo.

Dareenka kulka ee ka yimaada cunidda basbaaska ayaa in muddo ahba la yaab ku ahaa saynisyahannada. Waxay sidoo kale fakrad naga siineysaa sababta basbaaska loola xiriiriyay hoos u dhac dhanka garaadka ah: dareenka kulka waa natiijada in dhirtu ay u sameysan tahay inay iska difaacdo cudurrada iyo cayayaannada.

Faa'iidada caafimaad ee huruudda

Huruud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mid kale oo caan ah oo aad loogu yaqaanno inuu faa'iido u leeyahay caafimaadka aadmiga waa huruudda. Tan waxaa aad loogu nisbeeyaa curcumin. Waa maaddo yar oo laga helo huruudda, waxaa loo adeegsadaa in lagula tacaalo hurka, isku buuqa iyo xaalado kale oo badan.

Caddeyn xooggan oo sheegeysa in huruuddu faa'iido leedahay, ayaan si kastaba, la heyn.

Daraasado dhowr ah ayaa ogaaday in curcumin ay saameyn ka dhan ah kansarka leedahay marka sheybaarka lagu eegay. Baarayaasha ayaana sheegay in xaddiga yar ee ku jira huruudda darteed ay yar tahay faa'iidadeeda caafimaad.

Dunida reer-galbeedka ayaa muddooyinkan dambe waxaa kusoo badanayay da'yarta cunnada u isticmaasha dawo ahaan.

Huruud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhanka kale huruuddu waxay leedahay faa'iidooyin guud, waxaana ka mid ah:

  • Waxaa ku jira waxa loo yaqaan curcumin, oo ah unug ‘bioactive’ ka ilaaliya.
  • Waxay ka caawin kartaa jirka inuu la dagaallamo astaamaha caabuqyada.
  • Waxa loo isticmaali karaa daawaynta qaar ka mid ah currada kala goysyada ku dhaca.
  • Waxa ku jira turmerone oo laga yaabo inay wax ka tarto daawaynta istaroogga iyo cudurka xusuus guurka.
  • Waxay ka ilaalin kartaa cudurrada wadnaha iyada oo la dagaalanta suntan iyo bararka.
  • Waxay naga caawin kartaa in aan la dagaallanno caabuqyada iyada oo sidoo kale inaga difaacaysa xasaasiyadda.
  • Waxay ka hor tagtaa koritaanka unugyada kansarka.
  • Waxay wanaajin kartaa niyadda qofka waxayna sii deyn kartaa kiimikooyinka maskaxda faa'iido u leh, sida serotonin iyo dopamine.
  • Waxay door muhiim ah ka ciyaari kartaa xoojinta xusuusta.
  • Waxay unugyada ka ilaalin kartaa dhaawaca, si ay u yarayso calaamadaha gabowga.