Mareykanka oo shaaciyay magaca nin ka tirsan hoggaanka sare ee Al-Shabaab oo madixiisa la dul dhigay abaal marin

Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Barnaamijka bixiya abaalmarinnada lagu raadiyo caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lacag dhan 10 milyan oo doolar dul dhigay madaxa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab.

Bayaan ay shaacisay dowladda Mareykanka oo lagu faahfaahiyay tallaabadan ayaa lagu sheegay in laga farxin doono qofkii keena xog horseedi karta in gacanta lagu soo dhigo ninkan oo lagu magacaabo Macalin Ayman.

“Waxaan ku yabooheynaa abaalmarin $10 milyan ah oo lagu bixinayo macluumaadka fududeyn kara in lasoo xiro Macalin Ayman, waddan kastoo ay ahaataba,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida ay sheegtay dwladda Kenyanka, ninikan ayaa loo heystaa ku lug lahaanshaha weerar argagixiso oo 5-tii bishii January ee sanadkii 2020 lagu beegsaday muwaadiniin Mareykan ah iyo kuwo u dhashay Kenya, kaasoo ka dhacay saldhigga hawada ee Manda Bay, oo ku yaalla Kenya.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan

Barnaamijka bixinta abaalmarinnada caddaalad doonka ah oo la aasaasay sanadkii 1984-kii ayaa tan iyo markaas bixiyay lacag dhan $250 milyan oo la siiyay in ka badan 125 qof oo ku kala nool caalamka, kuwaasoo Mareykanka lasoo wadaagay xog muhiim ah.

Waa Kuma Macalin Ayman?

Ninkan magaciisa lagu soo koobay Macalin Ayman lagama hayo xog badan oo ku saabsan shakhsiyaddiisa iyo taariikhdiisa toona.

Balse warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay waxa ay tahay shaqada uu ka hayo Al-Shabaab gudaheeda.

Waa hoggaamiyaha garabka militari ee Jaysh Ayman, oo ka tirsan qeybaha uu ka kooban yahay ururka Al-Shabaab.

Jaysh Ayman waxa ay qaabilsan yihiin in ay fuliyaan weerarrada argagixiso ee laga geysto Kenya iyo Soomaaliya, sida uu sheegay Mareykanka.

Macalin Ayman ayaa mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii dhacay January, 2020.

Bishii November ee sanadkii 2020 ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka soo saartay war ay ku sheegeysay in ay liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay Ayman, xilligaas oo magaciisa lagu sheegay qaraar uu lambarkiisu ahaa (E.O.) 13224.

Weerarkii Manda Bay

Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa waqti waaberigii ka hor ah weeraray xerada ciidanka circa ee Manda Bay, halkaas oo ay ku dileen askari Mareykan ah iyo labo qandaraasle oo u dhashay Mareykanka oo la shaqeynayay Wasaaradda gaashaandhigga Kenya.

Muuqaal ay weerarka ka dibs ii daayeen Al-Shabaab ayuu afhayeenkooda ku sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas.

Xerada Manda Bay waxa ay qeyb ka tahay saldhigyada militeriga Kenya ee ay ka shaqeeyaan ciidamada Mareykanka oo ku sameeya tababarro ku saabsan la dagaallanka argagixisada. Waxa ay tallaabadaasi qeyb ka tahay caawinaadda uu Mareykanku siiyo dalalka uu saaxiibka la yahay eek u yaalla Bariga Afrika.

Al-Shabaab oo saldhiggeedu yahay Soomaaliya ayaa ka mid ah kooxaha hoos taga ururka Al-Qaacida, waxa ayna gobolka hora yuga fuliyeen weerarro khasaare badan geystay.

Mareykanka ayaa Al-Shabaab ku daray liiska argagixisada bishii March ee sanadkii 2008.