Afar hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu Mareykanku ku raadinayo malaayiin doolar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxada abaalmarinta dhinaca caddaaladda ee Mareykanka ayaa shaacisay magacyada rag ka tirsan hoggaanka ugu sarreeya Al-Shabaab oo ay madaxadooda dul dhigtay abaalmarin lacageed oo dhan $10 milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Lacagta abaalmarinta ah ayaa la siin doonaa qof walba oo keena macluumaadka horseedi kara in la ogaado halka ay shakhsiyaadkaas "ku dhuumanayaan”.
Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee waaxdan, oo sidoo kale lagu faafiyay Twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu yiri sidan: "Ilaa $10M ayaa lagu bixinayaa xogta ku saabsan argagixisada kala ah MAHAD KARATE, AHMED DIRIYE & JEHAD MOSTAFA, kuwaasoo ku lug lahaa weerarro badan oo lagu dilay kumannaan qof, gudaha Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale. Ma garaneysaa halka ay isku qarinayaan? NOO SOO DIR FAR FIIQ!
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Mareykanka ayaa sheegay in qofka lasoo wadaaga macluumaadka nimankan uu heli karo lacagtaas 10-ka mlyan ee doolar ah iyo in sidoo kale laga kaxeeyo Meesha uu joogo qofka xogta keenay oo dib u dejin loo sameeyo.
Mahad Karate

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Cabdiraxmaan Maxamed Warsame, oo caan ku ah “Mahad Karate” waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee ururka Al-Shabaab.
Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan.
Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.
Axmed Diiriye

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Axmed Diiriye Cumar, oo sidoo kale loo yaqaanno “Abuu Cubaydah” waa hoggaamiyaha Al-Shabaab.
Macluumaad badan lagama yaqaanno taariikhdiisa, balse waxa uu horay u ahaan jiray madaxa garabka Al-Kataib.
Cod ay warbaahinta Al-Shabaab shaaciyeen bishii September ee sanadkii 2019 ayaa laga maqlay Axmed Diiriye oo ka hadlayay arrimaha ka taagnaa Soomaaliya, waxaana Meesha ka baxay hadal heyn horay u jirtay oo ku saabsaneyd in uu geeriyooday.
Inkastoo uusan badanaa kasoo muuqan meelaha fagaareyaasha ah, Axmed Diirye waxa uu bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay hanjabaad u soo diray ergada xulaneysay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna hadallo u uku gooddinayay ka jeediyay khudbad uu ka jeediyay goob la isugu soo baxay munaasabadda ciidda.
Maxamuud Cabdi Aadan

Xigashada Sawirka, EPA
Dowladda Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan toban milyan oo dollar siineysa qofkii keena macluumaad la xiriia Maxamed Cabdi Aadan oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hotel iyo xafiisyo ku yaalla caasimadda Nairobi.
Aden waxaa loo raadinayaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii lagu dilay ugu yaraan 22 qof.
Maxamuud Cabdi Aadan ayaa qeyb ka ahaa kooxdii qorsheyneysay weerarkii Hotel Dusit D2. Waxa uu ku biirayaa dagaalyahannada madaxyadooda la dul dhigay 10 milyan oo doolar oo abaal-marin ah ciddii macluumaadkooda keenta, taas oo calaamad u ah in wali lagu raadjoogo dadkii maleegay weerarkaasi Dusit D2.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan barnaamijka cadaaladda ayaa sheegtay in uu ninkan ka mid ahaa dadkii fuliyay weerarkan lagu qaaday hotelka afar sano ka hor kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.
$10 milyan oo kale

Xigashada Sawirka, AL KATAAIB
Waaxda bixisa abaalmarinnada caddaaladda ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhawaan shaacisay in ay lacag dhan $10 milyan oo doollarka Mareykanka ah abaal marin ahaan u siineyso ciddii ka caawisa burburinta shabakadda dhinaca dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab.
“Howlgallada dhinaca maaliyadda ee Al-Shabaab iyo shabakadaha ka shaqeeya waxa ay gacan ka geystaan sii wadidda howlaha kooxda iyo maalgelinta weerarrada argagixisada ee lagu dilay kumannaan shacab ah oo aan waxba galabsan iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah,” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga internet-ka ee waaxda.
Bishii October, Wasaaradda maaliyadda ee Mareyikanka ayaa soo bandhigtay magacyada 9 Soomaali ah oo lagu tilmaamay in ay qeybta dhaqaalaha u qaabilsan yihiin Al-Shabaab.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Raggaas magacyadooda shaaciyay oo sidoo kalena lagu soo rogay cunaqabateyn ayaa kala ahaa
- ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab. Jeeri waxa uu Mareykanku ku tilmaamay madaxa qeybta hub soo iibinta ee Al-Shabaab, isagoo u qaabilsan hubka laga iibiyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa dibadda, oo intiisa badan laga keeno Yemen
- KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn
- HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.
- ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate
- ABDI SAMAD - oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.
- ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay
- Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas).
Muddooyinkan ugu dambeeyay waxa uu Mareykanku u muuqdaa in uu sare u qaaday dhaqdhaqaayadiisa ka dhanka ah Al-Shabaab, halka duqeymaha diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykankana ay weli kasii socdaan Soomaaliya.













