Fankii ka bilowday inay fuusto ku heesto ee ay xalay isaga baxday iyada oo waayeel ah

Fanaanadda caanka ah ee Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise ayaa xalay ku dhawaaqday inay joojisay shaqadeedii fanaanimada.

Xilliga ay shaacisay hadalkaan ayay ku sugneyd munaasabad ka dhacaysay magaalada London ee caasimadda waddanka Ingiriiska - xafladda ayaa sioo kale abaal marin lagu gudoonsiiyay.