Maxay yihiin caqabadaha ay wajihi doonto Soomaaliya hadday deyn hor leh qaadato

Hay'adda IMF

Xigashada Sawirka, Reuters

Soomaalida ayaa si balaaran u soo dhaweysay in dalka muddo dheer ka dib laga cafiyo dayntii lagu lahaa taas oo ay dalal iyo haya’ado ku lahaayeen, balse waxaa jira walaac dadka qaar iyo dhaqaalayahanada Soomaalidu ka muujinayaan caqabado ku gedaaman haddii dowladdu soo qaadato dayn hor leh.

Waxaa jira shuruudo qayb ahaan ku xirnaa dayn cafinta oo falanqeeyayaasha dhaqaaluhu sheegeen in laga dul qaaday Soomaali oo ay ugu weynayd midaynta canshuuraha dalka oo dhan, taasoo ilaa hadda aan gudaha dalka ka hirgalin.

Dr Aweys Cabdilaahi Cali oo ah dhaqaalyahan kana tirsan machadka Heritage Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay inay jiraan waxyaabo muhiimad leh oo u baahan inay ka heshiiyaan Dowlada dhexe iyo maamul goboleeyada kuwaasoo mudnaan u leh dalka.

Wuxuu xusay in qaadasho deyn cusub ee dalka ay sii kordhin karto caqabadaha haysta Soomaaliya haddii dhinacyada aysan mar kasta ahayn kuwa ka heshiis ah.

Aweys wuxuu si gaara u xusay in hadda Soomaaliya ay qaadan karto dayn taas oo ka heli karaan haya’adaha dhaqaalaha ee dunida sida IMF,Bangiga adduunka iyo dowladaha saaxiibka la ah,maadaama laga cafiyey deyntii lagu lahaa dalka oo dhamayd 4.5 bilyan oo dollar.

Dakhliga gudaha oo aan heshiis lagu ahayn

DAYN CAFINTA SOOMALIYA

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Dr Aweys wuxuu sheegay inay haboon tahay in dowladdu ay diiradda saarto sidii loo xoojin lahaa wax soo saarka dakhliga gudaha iyo midaynta canshuurada si loo kordhiyo lacagaha dowladda ka soo galaya gudaha dalka.

Taas oo inteeda badan ku xiran heshiis siyaasadeed oo laga gaaro hanaanka midaynta canshuuraha dalka si dhaqaalaha dalku u noqdo mid leh qiyaasaad lagu jaangooyo oo gudaha ah.

“Sida cad ma muuqato canshuur midaysan oo ka dhaxaysa dalka, waana tan ay fiicnaan lahayd in dowladu xoogga saarto si dhaqaalaha dalku u noqdo mid soo hagaaga, laakiin waxaad moodaa hadda inay xoogga saarayso dowladdu deyn qaadasho, taasna ma saacidayso dhaqaalaha dalka ee gudaha” ayuu yiri Dr: Aweys.

Odoros miisaaniyadeedka sanadkan ee dowladda Soomaaliya ayaa 70% ah taageero dhaqaale oo ay ka sugayso dibadda halka dakhliga gudaha ee dalku uu yahay mid hooseeya.

Dekadaha Bosaaso, Kismaayo, Berbera iyo Garacad oo dhawaan la dhameeyey ayaa intaba aysan canshuur ka qaadin dowladda Federalka hanaankaas oo wali aan hirgalin balse hore uga mid ahaa qoddobadii ku xirnaa dayn cafinta.

Shirarka wadatashiyada Qaran ayaan heshiisyo midaysan lagu gaarin sidii looga heshiin lahaa canshuuraha laga qaado dalka oo dhan.

Taas oo wali jirta haddii dowladdu dayn qaadato iyadoo aan la qeexin halka loo isticmaalayo, sababta loo qaadanayo iyo waxa looga faa’iidaysanayo ayaa ah mid keeni karta walbahaar sida uu BBC-da u sheegay dhaqaalahayan Dr Cali Ciise.

Dayn cusub iyo caqabadaha

Deyn

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhaqaalayahan Dr Aweys Cabdilaahi Cali ayaa muujiyey walaac uu ka qabo haddii dalka uu qaato dayn hor leh ka dib cafintii tii hore.

Wuxuu sheegay khilaafaadka ugu weyn ee ka jira dalka inay sal u yihiin arrimaha qaybsiga khayraadka iyo dhaqaalaha kuwaasoo aan laga heshiinna ay xaalada ugu sii dari doonto.

“Waxaad ogtahay in caqabadda iyo khilaaf weyn oo gaarsiisan in xitaa wadashaqaynta yaraato ama go’do ay ay dhaliyaan dhaqaalaha yabooha ah ee haya’daha caalamku siiyaan Soomaaliya, marka hadii deyn ka miisaan weyn dhaqaale ahaan la soo qaado waa dareemi kartaa in ay abuuri karto khilaafaad cusub oo dalka wax yeeli kara” ayuu yiri Dr Aweys.

Gudoomiyihi hore ee golaha dhaqaalaha Qaranka Dr Cali Ciise Cabdi ayaa BBC-da u sheegay inay mudan tahay in la qaabeeyo hanaanka maaliyada ee dalka oo laga dhigo kuwo ka fog eex, iyo musuq si loogu kalsooni qabo in la dhiso dhaqaale dalka ka saari kara mushkilaadka uu ku jiro.

Maamulka Puntland ayaa hore ugu digtay dayn la soo qaado taas oo ay muujiyeen inay caqabad ku tahay Soomaaliya hadii aan la isla ogolayn sida BBC-da uu u sheegay wasiirka maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Welwelka Musuqa iyo hufnaanta haya’adaha garsoorka

DAYN CAFINTA SOOMAALIYA

Xigashada Sawirka, THINKSTOCK

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) oo ahaa wasiirka maaliyada ee Soomaaliya xiligii heshiiska dayn cafinta dalku la galay haya’adda IMF isaguna saxiixay sanadkii 2016-kii ayaa xusay inay haboon tahay in la xoojiyo dhowr qodob si looga faa’iidaysto waxa ka ratimaya daynta dalka laga cafiyey.

‘’Welwelka ugu weyn wuxuu noqon karaa in daynta la soo qaadanayo si qaldan loo isticmaalo waayo haya’adihii la xisaabtami lahaa sida hanti dhowrka, Garsoorka iyo Barlamaanka aysan gaarsiisanayn aniga ahaan sidii loo baahnaa iyo meshii loo baahnaa, waxaana loo baahan yahay in hay’adaha u lahaan lahayeen awoodo kala madax banaan ayna wax ku diidi karaan, waxna ku ogolaan karaan”ayuu yiri Fargeeti.

Wuxuu intaa ku daray in dayn qaadashada aysan hadda bilaabanin oo Soomaaliya 2020-kii soo qaadatay lacag dhan 400 milyan oo dollar taas oo ahayd tii ugu horeysay markii ay gaadhay wajigii kowaad ee ahaa gunaanadka oo ay la gashay haya’adda lacagta aduunka ee IMF-ta.

Dr Aweys ayaa la qaba wasiir Fargeeti walaaca la xiriira sida lagacaha dowladu qaatado ay ugu aamin noqon karaan in la musuq maasuqo ama an loo adeegsan jihooyinkii lagu talagalay.

Haya’adaha Garsoorka oo aan xooganayn ayaa iyana ka mid ah caqabadaha hufnaanshaha maaliyadeed ee dalka taas oo ku sii daraysa caqabadaha laga muujinayo haddii dowladda dhexe ay qaadato dayn sida uu tilmaamay Dr Aweys.

‘’Haddii qof lagu eedeeyo inuu musuq gaysto waa inay jiraan hay’ado garsoor oo kalsooni lagu qabo oo awood macno leh ,dad xirafooda leh ay joogaan oo ka jawaabi kari hadii aysan jirin waxaa runtii khatar ah weyn ayey keni karaan” ayuu intaas ku daray Dr: Aweys.

Maxaa loo isticmaalaa marka deyn dal qaato

Sida uu BBC-da u sheegay Dr Cali Ciise Cabdi kuna cad sida uu xusay jaantusyada caalamiga ee dalka marka uu dayn qaato iyo waxaa loo adeegsado taas oo ku xiran hadba baahiyada dalku u qaatay daynta ayaa wuxuu yiri “Dayn marka dal qaato waxaa uu adeegsadaa tiirar dhowr ah sida hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida dekadaha, beeraha, warshadaha iyo jidadka si daynta la qaatay celinteeda loogu helo ilo dhaqaale oo lagu bixiyo laakiin hadii loo adeegsado bixinta mushaarka ciidamada ama shaqaalaha taasi ma noqonayso mid sidii la rabay loo qorsheeyey” ayuu yiri Dr Cali.

Dr Cali Ciise oo muddo afar sano ah soo hogaamiyey golaha dhaqaalaha Qaranka ayaa sheegay in qaadasho dayn ay ka weyn tahay in la hagaagjiyo hanaankii iyo haya’adihii shaqadaas qaban lahaa iyo sida loo isticmaali karayo daynta.

“Haddii dayn cusub la qadanayo, waa in la og yahay daynkaasi meesha uu galayo, waxaa uu soo saarayo sida uu Soomaaliya uga saarayo faqariga, waxbarasho la'aanta, caafimaadka iyo arimaha muhimka ah balse dayn danbe oo la qaato oo ku salaysan sida hadda ay ku luntay lacagihii yabooha ahaa iyo kuwii gargaarka loogu talagalay halkii ay mareen ayaa u baahan in lays waydiiyo intaan qaadan” ayuu yiri Dr Cali Ciise.

Dr Cali wuxuu u sheegay BBC-da in la kobciyo dhaqaalaha dalka lana awoodsiiyo haya’adaha dhaqaalaha

“Dayntu waa mid mar kasta kaaga baahan inaad bixiso waayo waa mid aad qaadatay, marka haddii aysan jirin Ilo dhaqaale iyo dakhli gudaha ah, oo dalka uu gudi waayo daynta la qaato wali waa caqabad iska cad oo muuqata in dayn hor leh la qaato” ayuu yiri Dr: Aweys.

Soomaaliya ayaa heerka ugu liita ka gashay dalalka uu dilooday musuq maasuqa caalanka warbixintii ay sii daysay haya’adda transparency International.

Ma keeni kartaa Khilaaf hor leh

Dowlada dhexe iyo maamulada dalka ayaa hore dhowr jeer isugu maandhaafay hanaanka loo qaybsanayo yabooha dhaqaale ee ay bixiyaan dalalka saaxiibka la ah iyo hay’adaha lacagaha ee aduunka

“Caqabadda ugu weyn ee hadda dalka haysta waa sidii loo qaybsan lahaa khayraadka iyo dhaqaalaha waa mid ka mid ah waxa salka u ah mushkiladaha haysta dalka marka daynta la soo qaadanayo, waxay ka mid noqonaysaa khayraadka dalka soo galaya haddaan laga heshiina waxay sii durkin kartaa mushkiladda” ayuu yiri Dr Aweys.

Dr Cali Ciise oo ah dhaqaalahayan ka shaqeeyey dalal badan oo Afrika ayaa qaba in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in la helo guddi madaxbanaan oo dusha ka ilaaliya dhaqaalaha dalka iyo haddii dayn la soo qaadanayo si looga fogaado in ay ku dhacaan gacmo aan loogu talagalin.

Wuxuu intaa ku daray inaysan jirin lacago isaga qulquli doona Soomaaliya oo dayn ah balse ay ku xirnaan doonaan sharuudo badan oo u baahan in la maro oo mid walbana waqti qaadanayso

Wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa xusay in dhanka kale faa’iido weyn laga helayo in daymo la helo si dalka looga saaro xaaladaha cakiran ee u baahan dhaqaale lagu hormariyo

Sanadkii 2016 ayey Soomaaliya saxiixday heshiiska deyn cafinta la gashay hay’adda IMF,taas oo cafinteedu qaadatay dhowr sano.