You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Wiilkii aan siddeed sano sugayay dhalashadiisa ayay iga dileen"
In kabadan todobaad ayaa ka soo wareegatay markii uu gantaal qarax dhaliyay ka dhacay Isbitaalka Al Ahli ee ku yaala Qaza, balse Carafaat Abu asi waxa uu wali xusuustaa waqtiyadii uu weerarka ku waayay laba wiil oo uu dhalay, walaalkiis iyo walaashii.
Tiro aad u badan oo qoyskayga ah ayaa habeenkaas u aaday inay hoy ka dhigtaan gudaha cisbitaalka, ayuu yiri Carafaat oo ilmaynaya. “Waxaa naloo sheegay in xaafadda Gaza aan kaga noolnahay ay Israa'iil duqayn karto wakhti kasta. Waxaan moodaynay in isbitaalku noqon doono meesha ugu nabdoon xaaladdan oo kale.”
Waxa la ogaa in Isbitaalka Al-Ahli ay maalgeliso Kaniisadda Anglican iyadoo maamulka isbitaalka ay ku adkeysanayaan in isbitaalku gabi ahaanba ka madax bannaan yahay saameynta koox kasta oo siyaasadeed oo Gaza ah kajirta. Sababahan dartood, qoyska Carafaat wax shaki ah kama qabin in cisbitaalkan la beegsan karo.
Wiilashii Carafaat ee Axmed iyo Mazen ee ku dhintay qaraxa ayaa da’doodu kala ahayd 13 iyo 17 sano jir. Isagoo ay aad uga muuqato xanuunka weynta wiilashiisa, ayuu yiri, Sideed sano oo guur ah kadib, iyadoo la kaashanayo daaweynta IVF, wiilkayaga curadka, ee Mazen, ayaa noo dhashay. Afar sano kadib, dhalashadii Axmed ayaa u suurto gashay.
Kadib markii uu helay warka sheegaya in shan ka mid ah qoyskiisa ugu dhow lagu dilay weerarka isbitaalka, Carafaat ma uusan tagin si uu usoo arko 'meydadkooda oo goo go'ay' wuxuuna ka codsaday seeddigiis inuu soo qaado meydadka labada wiil ee yaryar iyo in ay diyaariyaan aaska dhamaan wiilasha iyo qaraabadiisa kale.
Carafaat waxa uu yiri “ma arag labadayda wiil kadib markii la dilay oo ay dhinteen aniga iyo xaaskeygaba. Ma doonayno in sawirkooda ugu dambeeya uu maskaxdeena ku reebo saameyn iyo xanuun badan iyo in markasta ay noo sawirnaadaan meydadkooda oo googo’ay.
Sida laga soo xigtay maamulka Falastiin, 500 oo qof ayaa ku dhintay qaraxa lala beegsaday isbitaalka. Carafaat waxa uu la joogay xaaskiisa iyo wiilkiisa ugu yar, ee Faraj oo sagaal jir ahaa, waxa ay ku sugnaayeen guri ay dariskoodu daganaayeen wakhtigaas.
Richard Sewell oo ka tirsan koleejka St George's College eek u yaalla Jerusalem ayaa BBC-da u sheegay in 600 oo bukaan iyo shaqaale isugu jira ay ku sugnaayeen dhismaha isbitaalka halka 1,000 qof ay gabbaad ka dhiganayeen dariiqyada markii isbitaalka uu ku dhacay gantaalka qaraxa dhaliyay.
Waxa uu sheegay in hal mar, lix kun oo qof uu isbitaalku hoy u noqon karay isbitaalka.
Sawirro laga soo qaaday xilligii uu qaraxu ka dhacay Isbitaalka Al-Ahli ayaa muujinayay dad dhaawac ah oo lagu soo qaaday bareelo xilli habeen ah oo ay mugdi ahayd, iyadoo gaadiid burburay iyo meydad ay bannaanka yaalleen.
Saraakiisha falastiiniyiinta ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil, halka Israa’iil ay ku andacooneyso in qaraxa uu ka dhashay gantaal ay soo tuurtay ururka Islaamic Jihaad ee Falastiin. Islamic Jihaad ayaa beenisay eeddan loo jeediyay.
Cisbitaalka Al Ahli waxa saddex dhinac kaga wareegsan goobo dadku ku badan yihiin oo ay ka mid yihiin Zaytuun, Al Daraj iyo Shujaiyah.
Carafaat, ayaa sheegay in 17-kii October dadka deggan saddexdaan goobood looga digay in duqeyntaasi ay dhaci karto, sidaasi darteedna kumannaan qof ay u carareen Isbitaalka si ay gabbaad uga dhigtaan.
Dr. Ashraf, oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Gaza, ayaa BBC-da u sheegay in, in kabadan hal qof oo dhowr qoys walba ah ay ku dhinteen qaraxa. Goob joogayaal ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in 31 qof oo hal qoys ah ay ku dhinteen qaraxa.
'Waxay ahayd in aan degdeg u go'aansado cidda badbaadi karta'
Daqiiqado yar ka hor inta uusan qaraxa dhicin ayaa dhaqtarka lafaha ee isbitaalka Dr. Fazal Naciim uu isku diyaarinayay qaliin.
"Waxaan si lama filaan ah u maqalnay qarax iyo qaybo ka mid ah saqafka sare ee tiyaatarka hawlgalka oo bilaabay inay kusoo dhacaan madaxyadena," ayuu yiri.
Qaybahaan soo dhacaya awgeed, Dr. Fazl ayaa sidoo kale dhaawac yar waxa uu kasoo gaaray madaxa.
Isla markii uu qaraxu dhacay, Dr. Fazal ayaa bannaanka u soo orday, waxa uuna arkay ‘meydad, iyo xubno jireed oo meel walba daadsan, iyo dad dhaawac ah oo ku qaylinaya gargaar.'
"Waxay ahayd markii ugu horeysay ee noloshayda aan si degdeg ah u go'aansado cidda noolaan karta iyo cidda aysan hadda u suura geli Karin in la caawiyo," ayuu yiri.
Dhaqaatiir gurmad caafimaad u fidiyay dadka ku dhaawacmay Qaza ayaa horay u sheegay in dad qaar ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen qaraxa.
Waxa uu sheegay in laba maalmood ka hor qaraxa oo ku beegnayd 15-kii October, uu cisbitaalku taleefoon kagasoo dhacay ciidanka Israa’iil iyago weydiinaya sababta dadka looga waayay isbitaalka iyadoo ay jirto diginin horay loogu jeediyay.
Carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano
Dr. Cadnaan waa dhaqtar dhanka lafaha ah oo ka howlgala Isbitaalka Al-Shafa, wuxuuna la tacaalayaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isbitaalka Al-Ahli.
Waxa uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu liidatay, isla markaana ay jirkooda ka gubteen gubasho heerka saddexaad ah, taas oo u baahan in ay ogaadaan dhaqaatiirta afar qeybood oo kala duwan ah.
Waxa uu sheegay in Isbitaalka Al-Shafa uu leeyahay 700 oo sariir ah, qaraxa ka dibna aysan meel u banaaneyn iyadoo ay jireen in ka badan 2,000 oo dhaawacyo ah.
Wuxuu sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay dhinteen markii isbitaalka la gaarsiiyey. Sida uu sheegay, boqolkiiba 60 dadka dhaawacmay waxay ahaayeen carruur da'doodu ka yar tahay shan sano jir.