You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Naf-hurnimo: Maxaad ka taqaannaa xayawaannada dhinta kaddib marka uu isutag dhex maro?
Helitaanka lammaanaha aad rabto sideedaba maaha wax sahlan, noole badan ayaa naftooda ku waaya marka ay la kulmaan kuwa ay jecel yihiin ee naftooda u muhiimka ah.
Xaqiiqooyin xiiso leh oo ku saabsan xayawaanka, waxaan si dhow u eegnay qorshaha taranka ee loo yaqaan ‘Semelparity’ oo sidoo kalena loo yaqaan hab taranka naf hurnimada, xayawaanno badan ayaa inta badan ku bixiya tamartooda taranka, ka hor intaanay dhiman.
Mid ka mid ah xayawaanka gaarka ah ayaa ah jiirka yar ee culumada saynisku u yaqaaniin ‘antechinus’ kaas oo laga helo dalka kaligiis qaaradda ah ee Australia. Xayawaankan ayaa u adkaysan kara 14 saacadood galmo joogta ah, marka ay taasi dhacdana difaaca jidhku wuxuu bilaabaa inuu daciifo oo xitaa ugu dambeynta uu dhinto xawayaanku.
Malaha waxaad ugu yeeri kartaa nafhurnimada waalidnimo ee jiirka 'Antechinus' waxay ku dhintaan kuwa xaaladdan iyagoo og inay ka tageen ubad.
"Waxa ugu weyn halkan ayaa ah in marka noolahani kulmo, ay soo saaraan dhal badan," ayuu yiri Jeyaraney Kathirithamby, oo ku takhasusay cilmiga deegaanka kana socda Jaamacadda Oxford.
Tusaale ahaan, xawayaankan shinnida u eg ee Strepsiptera, ,midka dheddig waxay soo saartaa inta u dhaxaysa 1,000 iyo 750,000 ilmo oo badankuudo duuli doona halkii marba.
Xayawaankan waxa ay ku nool yihiin nolol aad u layaab badan, kuwa dheddigga ahi waxa ay jirkooda ku aasaan jidhka shinni batiday oo ay ku dhuumanayaan, balse waxa ay ka taxadaraan in aanay yeelan baalal, indho, lugo iyo dhamaan waxyaabaha ka baxsab jirka guud, waxa kale oo ay dhalaan ilmahooda oo nacnac u eg.
Qaybta kaliya ee jirkooda ka soo jeedda kanaalka jirka ee cayayaanka dhintay waa halka ay kasoo bixi lahaayeen ilmahaas yaryari, marinkan furan wuxuu u oggolaanayaa labku inuu u gudbiyo dheddigga iyo dirxiga oo bannaanka usoo baxa.
Shinida labka ah ayaa siddeed saacadood la duusha midka dheddig marka ay isa saaranayaan illaa ay geeridu kala goyso, Kathrithamby ayaa leh, “Ka dib markii dirxiga dhasu uu kasoo boxo jirka tan dheddig, iyaduna way dhimataa”.
Jacaylka kaluunka ee yaabka leh
Kalluunku waxa uu caan ku yahay in uu soo saaro ukumo badan.
Kalluunka badda Baasifiga waxa uu dhintaa dhalmada kadib - noocyada chinook waxa ay caan ku yihiin in ay soo saaraan ilaa 5,000 oo ukun ah.
Qaar ka mid ah kaluunka Ameerika waxay soo saaraan ilaa 30 milyan oo ukun markiiba, laakiin noloshooda taran weli waa cajiib, ayuu yidhi John Casselman, oo bare ka ah Jaamacadda Ontario ee Canada.
Kalluunka noocaan ah wuxuu qaataa 20 sano si uu u koro, inta badan noloshooda waxay la aadaan gunta hoose ee badda, tani waxay khubarada ku abuuraysaa su'aalo, sababtoo ah waxay ku guuldareysteen inay fahmaan sida ay u tarmaan, si kastaba ha ahaatee waxay wadaan baaritaan aad u faahfaahsan si ay u ogaadaan in ay dhici karto qaabki ay ku heli lahaayeen jidkooda.
Kalluunkan ayaa ah mid halis ugu jira dabar goynta sababo badan oo ay weyntaha kalluumeysiga xad dhaafka ah iyo dayactirka biyo-xireennada waaweyn oo wasakh gaarsiiya badda, waana sababta ay u adag tahay in la fahmo sirta ku duugan qaab tarankooda.
Caarada
Caarada dheddigga ah waxay halis dareentaa oo keliya marka cayayaanka kale ee khatarta ah ee dheddigga ah ay go'aansadaan inay cunaan lammaanahooda, laakiin nooca caarada ee ‘Stegodyphus lineatus’ ayaa go'aansata inay dhimato si aanay carruurteeda waxyeello ugu geysan.
Ka dib marka ay dufcadda ugu horeysa ee ukuntu ay dillaacdo, "hooyadu waxay la wareegaysaa mas'uuliyadda inay cunto u raadiso caruurteeda ka dibna u ogolaataa inay iyada cunaan," ayay tiri Catherine Scott, ardayad PhD ka diyaarinaysa Jaamacadda Toronto.
Caarada labka ahi waxay u muuqdaan inay jidhkooda u huraan si ay ugu muuqdaan inay yihiin aabbaha dhabta ah ee caarada yaryar.
Caarada labka ah "waxay leeyihiin laba xubnood oo gudbiya shaawada, oo loo yaqaan pedipalps," kuwaas oo ay isticmaalaan inay hal mar geliyaan xubinta taranka tan dheddig, ayay tiri Scott.
Dhimashada ka dib, "Jidhka caarada labku waxay ku sii jirtaa caarada dheddigga ee xasaasiga ah, tani waxay caqabad ku noqonaysaa caarada kale marka ay doonaan inay la kulmaan caaradaas.