Ninka ragga Soomaalida luqunta u toosiya iyo tabaha uu isticmaalo

Xigashada Sawirka, Chris Leong/facebook
Master Chris Leong, waa khabiir ku takhasusay habaynta lafaha oo ku sugan Malaysia, kaas oo isticmaala hababka dhaqanka qadiimiga ah ee Shiinaha si uu u yareeyo qallafsanaanta iyo xanuunka joogtada ah ee jirka. Habkaan ayaa loo yaqaanp Titar, kaas oo caan ka dhex shucuubta Shiinaha.
Ninkan ayaa baraha bulshada caanka ah, isaga oo daabaca muuqaalo badan oo isagoo dadka jimcisi u sameeynaya ah.
Dadka u taga xitaa waxaa ka mid ah Soomaali oo muuqaaladiisa ka soo dhex muuqda. Muuqaaladaas ayaa waxaa ka mid ah mid uu wiil dhalinyaro Soomaali ah luqunta iyo garbaha u jimcinayo, oo uu sharraxayo sida uu nin Soomaali ah qoorta iyo luqunta uga toosiyay.
Hadaba muxuu yahay ninkaan, jimicsi nuucee ah ayuuna sameeyaa?
Waa kuma Chris Leong?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Leong Yann Kong wuxuu ku dhashay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Aabihii, waxaa la yirahdaa Lawrence Leong Swee Lun, hooyadiina, Seow Moi, sida uu isagu sheegay.
Waa guradameyska reerka oo ah afar carruur ah oo uu isaga ka mid yahay. Wuxuu ku koray Kuala Lumpur, Malaysia wuxuuna sameeyaa tababar dhaqameedka soo jireenka ah ee dagaalka iyo difaaca nafta ee loo yaqaano (MMA), qoob ka ciyaarka iyo dib u habeynta lafaha oo loo yaqaano 'Tit tar', isaga iyo walaalihiisba. Waxa shaqadan uu bilaabay isagoo da’yar.
Sannadkii 2006-dii, Leong waxa uu aasaasay xarun dadyowga oo dhan u furan oo la yirahdo (Wah Toh Tit Tar), ujeedaduna tahay inay ka faa’iistaan guud ahaan dadweynaha maadaama adeegga Tit tar uu ahaa mid uu ku soo barbaaray oo uu kaga soo baxay dugsiga dhaqanka.
Sanado ka dib, Leong wuxuu sii ballaariyay xirfadiisa dib u habeynta lafaha wuxuuna sannadkii 2017-kii aasaasay Xarun uu ugu magac daray hagaajinta Lafaha ee CLM. Isla mar ahaantaana Chris wuxuu noqday shakhsi baraha internetka aad looga bartay gaar ahaan baraha bulshada sida Facebook.
Leong iyo kooxdiisu waxay u safreen wadamo badan si ay kor ugu qaadaan daawaynta dhaqanka Shiinaha ee soo jireenka ah. Waddamada ay tageen waxaa ka mid ah Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Dubia, Hong Kong iyo Australia. Xarumihiisa oo ku yaalla aagga harada Klang ayaa hadda gaaaraya shan xarumood.
Muxuu yahay habka Daaweynta TitTar?

Xigashada Sawirka, Leong Yann Kong /facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daawo dhaqameedka Shiinuhu waa nooc ka mid ah noocyada daweynta ee dunida caanka ka ah, iyada oo la isticmaalayay ilaa muddo aad u fog oo lagu qiyaasay 3,000 oo sano ka hor. Waa nidaam daryeel caafimaad oo ku salaysan fikradda ah in waxyaabaha dabiiciga ah loo isticmaali karo si loo fahmo shaqada gudaha ee jirka, iyada oo gudaha dalka Shiinaha ka ah qaab daawo oo la ictiraafsan yahay.
Sida noocyada kale ee dhaqamada caafimaad ee leh wajiyo kala duwan, dawa dhaqameedka Shiinaha waxay dadka ku shaqaysta sheegaan in loo isticmaalo qaabab kala duwan.
Guud ahaan, dadka ku dhaqma oo bixiya adeegga daawa dhaqameedka ayaa gudaha Shiinaha loo yaqaan "Sin She" ama "Sifu".
Waxaa jira qaabab kale oo caanka ah Shiinaha.
Hay'adda caafimaadka adduunka WHO ayaa aaminsan in daawao dhaqmeeyada oo ay ugu horeyso midda Shiinaha ay yihiin kuwa lagu soo caanamaalayay kumanaan sano, balse mar walba loo baahan yahay in la mariyo tijaabo caafimaad oo ku salaysan sayniska.
Daaweynta Tit Tar

Xigashada Sawirka, Leong Yann Kong/facebook
Tit Tar, oo macneheedu yahay dhaawac ku soo gaaray oo saameyn yeeshay ayaa ah dhaqan uu qofku isticmaalayo gacmaha si loo maamulo ama loo hagaajiyo isku-dhafka lafaha, kala-goysyada iyo murqaha si loo daaweeyo dhaawacyo kala duwan loona hagaajiyo caafimaadka guud.
Waxay loo isticmaalaa ujeedooyin ay kamid yihiin. Kala-bax kala gooysyada, dhaawacyada soo gaara murqaha iyo seedaha, garbaha kala baxa ama luqun xanuunka.













