You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay sababta ay Israa'iil hadda u weerartay Iiraan?
- Author, Raffi Berg
- Role, BBC News
Israel ayaa duqeymo isdaba joog ah xilli habennimo ah ku qaaday dalka Iran, iyagoo duqeeyay waxa ay Israa’iil ku tilmaantay “bartilmaameedyo ciidan”.
Weerarkan ayaa la filayey muddo toddobaadyo ah kaas oo looga aargoosanayey gantaallo ay Iiraan ku garaacday Israa’iil.
Maxay Israa'iil u weerartay Iran hadda?
Israa'iil ayaa wacad ku martay in ay ka jawaabi doonto kadib markii Iran ay gantaallo la bartilmaameedsatay Israa'iil 1-dii Oktoobar. Weerarkaas, Iran waxa ay in ka badan 180 gantaal ku ridday Israa’iil. Inta badan waxaa hawada dhexe ku qabtay nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil iyo ciidamada huwanta ee uu Maraykanku horkacayo. Qaar ka mid ah ayaase garaaceen saldhigyada hawada iyo goobo kale.
Israa'iil waxay sheegtay inay ka aargoosan doonto, balse ma aysan sheegin goorta iyo sida ay u dhici doonto. Tan iyo markaas waxaa jiray hadal heyn joogto ah oo ku saabsan waqtiga weerarka Israa’iil iyo qaabka uu noqon karo, laga bilaabo weerarro xaddidan ilaa weeraro waaweyn oo lagu qaado goobaha saliidda ee Iran iyo goobaha Nukliyeerka.
Weerarka ayaa dhacay saacadihii hore ee Sabtida, wuxuuna u muuqdaa mid lagu xaddiday samaynta gantaallada iyo goobaha laga soo tuuro, iyo waxa ay Israa'iil ugu yeertay "awoodaha kale ee hawada", iyadoo aan si gaar ah loo sheegin.
Maxay tahay sababta Iran ay hore ugu weerartay Israa'iil maxayse tahay jawaabta Israa'iil?
Iran ayaa sheegtay in ay weerartay Israa’iil 1-dii Oktoobar iyaga oo uga aargudayay dilka hoggaamiyeyaasha Xisbullah iyo Xamaas iyada oo ay Iiraan taageerto kooxaha hubaysan ee la dagaallamaya Israa’iil.
Hogaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah iyo Sarreeye Guuto Cabbaas Nilforoushan ayaa la dilay markii Israa’iil ay duqeysay dhismo ay ku sugnaayeen oo ku yaalla caasimadda Lubnaan ee Beirut, 27-kii September. Madaxa siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh ayaa lagu dilay qarax ka dhacay xarunta uu ku sugnaa oo uu booqasho ku joogay Tehran 31-kii July. Iran ayaa weerarkaas ku eedaysay Israa'iil, inkastoo Israa'iil aysan xaqiijin ama beenin inay ku lug leedahay.
Weerarkii Iran ayaa ahaa kii labaad ee ay abid si toos ah ula beegsato Israel. Waxay timid shan bilood ka dib markii ugu horeysay ay Israa'iil ku weerartay mowjado gaaraya ilaa 300 oo diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo. Israa'iil waxay sheegtay in ku dhawaad dhammaan la qabtay. Weerarkaas ayaa jawaab u ahaa weerar cirka ah oo ay Israa'iil ku qaadday dhismaha qunsuliyadda Iran ee caasimadda Suuriya, Dimishiq, 1-dii Abriil, kaas oo ay ku dhinteen 13 qof, oo ay ku jiraan toddobo xubnood oo ka tirsan ciidammada Quds ee dibadda ee Iran. Labo ka mid ah dadka la dilay ayaa kala ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Quds iyo ku xigeenkiisa. Iran ayaa sheegtay in weerarkaas uu xadgudub ku ahaa madax bannaanideeda.
Ciidanka Quds waa qayb ka mid ah ciidamada ugu awoodda badan Iran, waa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).
Waa maxay sababta Israa'iil iyo Iran ay cadow isugu yihiin?
Kahor weerarkii tooska ahaa ee Iran ay ku qaadday Israa’iil 1-dii Abriil, Iran iyo Israa’iil waxa dhex maray dagaal sanado badan socday oo midba midka kale ku weeraray hantidiisa iyada oo aan la qiran mas’uuliyadda.
Weeraradaas ayaa si aad ah kor ugu kacay intii lagu jiray dagaalka Gaza ee ka dhashay weerarka kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
Labadan dal waxay ahaayeen xulafo ilaa 1979-kii kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran.
Iran ma aqoonsana xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda. Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku tilmaamay Israa'iil "buro kansar ah" oo "shaki la'aan la goyn doono lana burburin doono".
Israa'iil waxay aaminsan tahay in Iran ay leedahay khatar jirta oo ay daliil u tahay hadallada Tehraan, sida ay u dhisayso ciidamo wakiil ka ah gobolka oo ay ku jiraan kooxda Shiicada ah ee Lubnaan ee Xisbullah oo ku dhaaratay burburinta Israa'iil, iyo maalgelinta iyo hubaynta kooxaha Falastiiniyiinta oo ay ku jirto Xamaas.
Waa maxay awooda militari ee Israa’iil iyo Iran?
Iiraan aad ayay uga weyn tahay Israa’iil deegaan ahaan, waxaana ku nool dad ku dhow 90 milyan oo qof, ku dhawaad toban jeer ayay ka weyn tahay Israa’iil, balse tani kama tarjumeyso awood ciidan oo weyn.
Iran ayaa aad u maalgalisa gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxa ay haysataa hub aad u badan oo ay iyadu leedahay, laakiin waxa ay sidoo kale siin jirtay xaddi aad u badan oo ay ku taageerto Xuutiyiinta Yemen iyo Xisbullahida Lubnaan.
Waxa ka maqan nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah iyo diyaaradaha dagaalka. Ruushka ayaa la rumaysan yahay in uu Iran kala shaqaynayo sidii loo horumarin lahaa, in uu siiyo diyaaradaha dagaalka ee Su-35, taas beddelkeeda oo ah taageerada milatari ee Tehran ay siiso Moscow dagaalka ay kula jirto Ukraine.
Taas bedelkeeda, Israa'iil waxay leedahay mid ka mid ah ciidamada cirka ugu horumarsan adduunka. Marka loo eego warbixinta dheelitirka milatariga ee IISS, Israa'iil waxay haysataa ugu yaraan 14 koox oo diyaarado ah oo ay ku jiraan F-15s, F-16s iyo jetkii ugu dambeeyay ee F-35.
Israa'iil waxay sidoo kale khibrad u leedahay in ay duqaymo ka sameyso gudaha dhulka ay cadowga yihiin. Masaafada ugu yar ee u dhaxaysa Iran iyo Israel waa ilaa 1,000km (620 mayl).
Iran iyo Israa'iil ma haystaan hub nukliyeer ah?
Israa'iil ayaa loo malaynayaa inay haysato hubka nukliyeerka laakiin waxay ku adkaysanaysaa siyaasad rasmi ah oo qarsoon. Iran ma haysato hubka Nukliyeerka inkasta oo dawladaha reer galbeedku ay tuhunsan yihiin inay si qarsoodi ah u doonayso inay ku horumariso. Iran ayaa si adag u beenisay in ay isku dayayso ama ay doonayso in ay hesho hub nukliyeer ah.
Sida Israa'iil, Iran waxay leedahay barnaamij nukliyeer ah, in kasta oo ay ku jirtay shaki muddo tobanaan sano ah oo ay si qarsoodi ah u waday barnaamij barbar socda si ay u soo saarto walxaha - uranium-ka tayeysan, bambooyinka nukliyeerka, iyo gantaalada si ay u gaarsiiyaan.
Bishii Maajo, madaxa hay'adda caalamiga ah ee ilaalinta Nukliyeerka ayaa sheegay in Iran ay haysato walxo ku filan bamka nukliyeerka. Waxay weli u baahan tahay tillaabadii ugu dambaysay ee lagu tayeynayo walxahaas ilaa darajo ciidan, iyo in la yeesho madaxyo dagaal, kuwaas oo aan la rumaysanayn inay haystaan.
Israa'iil maaha mid saxiixday heshiiska Nukliyeerka ee aan faafin (NPT), inkastoo Iran ay tahay. NPT waxay higsaneysaa inay joojiso fiditaanka hubka nukliyeerka waxayna u baahan tahay xubnaha inay furaan xarumahooda nukliyeerka si ay u xaqiijiyaan in loo isticmaalo ujeeddooyin nabadeed oo keliya.
Heshiis 2015 ay Qaramada Midoobay la gashay Iran oo ay ku gashay in la qaado tallaabooyin lagu xaddidayo dhaqdhaqaaqeeda Nukliyeerka si looga qaado cunaqabataynta dhaqaale ayaa si weyn u burburay ka dib markii madaxweyne Trump uu ka saaray Maraykanka 2018. Iran ayaa kor u qaaday barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Waa ayo xulafada Iran?
Iran waxa ay Bariga Dhexe ka dhistay shabakad xulafo iyo ciidamo wakiil ah oo ay sheegtay in ay qayb ka yihiin “ dhidibada iska caabinta” oo caqabad ku ah danaha Maraykanka iyo Israa’iil ee gobolka. Waxay ku taageertaa waxyaalo kala duwan.
Suuriya waa xulafada ugu muhiimsan ee Iran. Iran, oo ay weheliyaan Ruushka, ayaa ka caawiyay dawladda Suuriya ee Bashaar Al-Asad inay ka badbaadaan dagaalka sokeeye ee muddada tobanka sano ah ka socday dalkaas.
Xiriirka Iran ay la leedahay Ruushka ayaa isna noqonaaya mid aad u muhiim ah. Bishii Disembar wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in dalalku ay dardar gelin doonaan ka shaqaynta "heshiiska cusub ee dawladaha gobolka".
Iran ayaa siisay Ruushka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed. Bishii Febraayo, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa kasoo xigatay ilo-wareedka in Iran ay sidoo kale bixisay gantaallada ballistic-ga ah. Iran ayaa beenisay warkaas. Dhanka kale Iran ayaa sheegtay in Ruushku uu qorsheynayo inuu Iran siiyo diyaarado horumarsan.
Iran ayaa taageerta dhowr maleeshiyo Shiico ah oo ku sugan Ciraaq kuwaas oo gantaalo ku weeraray saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq, Suuriya iyo Urdun. Mareykanka ayaa ka aargutay ka dib markii saddex ka mid ah askartiisa lagu dilay goob ciidan oo ku taal Jordan.
Dalka Yemen, Iran waxa ay taageero siisaa dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya meelaha ugu badan ee dalkaas. Xuutiyiinta ayaa gantaalo iyo diyaarado Drones ah ku garaacay Israa’iil, waxayna sidoo kale weerar ku qaadeen maraakiib ganacsi oo u dhow xeebaha Yemen, iyagoo ugu yaraan hal markab ku quusiyay. Maraykanka iyo UK ayaa weeraray bartilmaameedyada Xuutiyiinta iyaga oo ka jawaabaya.
Iran waxa ay sidoo kale hub iyo tababar siisaa kooxaha hubaysan ee Falastiin oo ay ku jiraan Xamaas, kuwaas oo weeraray Israa’iil 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa beenisay inay wax door ah ku lahayd weerarkii 7-dii Oktoobar lafteeda.