Madaxweynaha 92-sano-jirka ah ee aan weligiis doorasho looga guuleysan

Paul Biya

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Paul Melly
    • Role, Falanqeeyaha Afrika

Sida dhab ah cidna ulama yaabin, Golaha Dastuuriga ee Cameroon markii ay ku dhawaaqeen in dib loo doortay madaxweynaha 92-jirka ah Paul Biya, oo ah madaxaweynaha ugu da'da weyn adduunka, markii sideedaad oo isku xigta, ayaa la doortay.

Iyadoo ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo ah natiijada taasi oo ku saabsan sheegashada guusha ee ninkii ugu weynaa ee la tartamayey,Issa Tchiroma Bakary, ayaa waxa cirka isku sii shareereysa xiisadda.

Natiijadii rasmiga ah ayaa muujinaysa , in Biya uu helay 53.7%, halka Tchiroma Bakary uu helay 35.2%, waxay noqotay mid naxdin iyo welwel ku abuurtay dad badan oo reer Cameroon ah.

Go'aanka Biya ee ah in uu isa soo taago todobo sano oo kale, ka dib 43 sano oo uu xukunka hayay, waxa uu ahaa mid muran badan dhaliyay. Ma aha oo kaliya in uu ku dheeraaday xukunka, balse sidoo kale waxa keenay in la is weydiiyo qaabka uu wax u maamulo.

Joogitaanka muddada dheer ee dibadda, isaga oo ku sugan hoteelka Intercontinental ee Geneva, ayaa si isdaba joog ah u kiciyay qiyaaso ku saabsan qaabka uu dhab ahaantii u maamulayo Cameroon .

Waxaa dad badan ay shegaan in go'aamada intooda badan ay dhab ahaantii qaataan ra'iisul wasaaraha iyo wasiirada ama xoghayaha guud ee madaxweynaha, Ferdinand Ngoh Ngoh.

Sannadkii hore, ka dib markii uu khudbad ka jeediyay xuskii dagaalkii labaad ee Adduunka oo ka dhacay Koonfurta Faransiiska bishii August iyo ka qayb galka shirka Shiinaha Afrika ee ka dhacaya Beijing bisha xigtay, madaxweynaha ayaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay ku dhawaad ​​lix toddobaad iyadoo aan wax war ah ama sharraxaad ah laga helin, taasoo dhalisay hadal-hayn ku saabsan caafimaadkiisa.

Xitaa ka dib markii saraakiisha sare ay isku dayeen inay sharaxaan islamarkana ay sheegeen inuu ku sugan yahay Geneva, oo la sheegay inuu u shaqeynayo sidii caadiga ahayd, ma jirin war dhab ah ilaa markii dambe lagu dhawaaqay inuu ku soo laabanayo gurigiisa magaalada caasimadda ah ee Yaoundé, halkaas oo laga duubay muuqaal ay taageerayaashiisa ku salaamayeen.

Sannadkan run ahaantii ma ahayn wax la yaab leh markii uu ololahiisa ​​doorashada ku soo koobay Jadwalkiisa toddobaadyo ka hor maalinta codbixinta.

Hab-dhaqanka aan la garan karin ee Biya ee hoggaanka qaranka, oo ay naadir tahay in uu ku baaqo shirar rasmi ah oo ay yeeshaan golaha wasiirrada ama uu si fagaare ah uga hadlo arrimo cakiran, ayaa waxa ay tusinaysaa mugdiga ku jira himilooyinka maamulkiisa iyo samaynta siyaasadda dawladda.

Marka la eego heer farsamo, wasiirro iyo mas'uuliyiin karti leh waxay ku dadaalaan hindisayaal iyo barnaamijyo kala duwan. Laakiin aragtidii siyaasadeed iyo dareenkii jihaynta ayaa inta badan meesha ka maqnayd.

Booliiska ka hortaga dibadbaxyada oo al tacaalaya dibadbaxayaal

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha mucaaradka oo sheegay in guusha Biya lagu shubtay
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maamulkiisu wuxuu isku dayay inuu doonayo inuu xakameeyo mudaaharaadyada ama uu ka hortago dhaleecayn badan. Laakiin taasi maaha ta kaliya ama malaha xitaa qodobka ugu muhiimsan ee isaga ku sii hayay xukunka.

Waayo, waa in la sheegaa in Biya uu sidoo kale buuxiyay door siyaasadeed oo gaar ah.

Waxa uu u dhaqmay sidii qof isku dheeli tiran oo ka taliya waddan isku dhafan, oo lagu garto kala duwanaansho bulsho, gobol iyo luqadeed oo ballaaran - oo u dhexeeya, tusaale ahaan, koonfurta dhulbaraha iyo woqooyiga savannah, ama inta badan gobollada ku hadla Faransiiska iyo Waqooyiga-Galbeed iyo Koonfur-Galbeed ee Ingiriisiga ku hadla, oo leh dhaqammo waxbarasho iyo kuwo hay'adeed oo kala duwan.

Dal horaantii sanadihii xoriyada ka dib ay ka taagnaayeen doodo ku saabsan federaaleynta iyo xurgufta ka dhalatay qaabkii midnimada qaranka, wuxuu soo dhisay dowlado ay ku jiraan wakiilo kala duwan.

Inkasta oo ay mararka qaarkood cadaadis kala kulmaan Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo deyman bixiyayaasha caalamiga ah, maamulladiisu waxay ka hortageen musiibo ka dhalata daymaha, sannadihii u dambeeyayna, waxay si tartiib tartiib ah u xoojiyaan maaliyadda qaranka.

Waxaa intaa dheer, tobankii sano ee la soo dhaafay ama wax ka badan ayaa la arkay Biya oo u muuqda mid u dhaqmaya sida boqortooyo dastuuri ah.

Waxaana sii wadistiisa doorkan u fududeeyay xafiiltanka tartanka u dhexeeya madaxda sare ee xisbiga talada haya ee Cameroon People's Democratic Movement (CPDM). Inta uu joogo, ma aha in la go'aaminayo dhaxalka ciddii badali lahayd.

Waxaa isa soo taraya, magaca wiilkiisa Franck, inkasta oo uu muujiyay in uusan daneynayn siyaasadda iyo dowladda.

Dhanka kale, ma jirto wax gabaabsi ah ama caqabado dhanka horumarka ama amniga ah oo soo wajaha madaxweynaha inkastoo Cameroon ay hodan ku tahay kheyraadka dabiiciga ah.

Dadka reer Cameroon miyay ka daaleen nidaam siinaya doorasho xisbiyo badan laakiin rajo yar oo ah inay dhab ahaantii beddelaan cidda u talinaysa?

Dhibaatada dhiiga badani ku daatay ee ka dhacday gobolada afka ingiriisiga ayaa daha ka qadaysa qaabka taxadarka leh ee uu arrintasi u wajahay.

Markii ay dibadbaxayaasha dalbanayay isbadlka ay markii ugu horreysay halkaas ka qarxeen 2016 Biya wuu ka gaabiyay inuu ka jawaabo. Markii uu soo bandhigay isbeddel macno leh iyo wada-hadal qaran, waxaaa sii kordhay shaqaaqada, taas oo meesha ka saartay booskii tanaasulka dhabta ahaa.

Dhanka kale, si aad u hooseeysa, wuxuu ku guuldareystay inuu si dhab ah u iibiyo aragtida horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada ee Cameroon.

Taageerayaasha ayaa ku soo ururay agagaarka musharaxa madaxweynaha Cameroon Issa Tchiroma Bakary (C) intii lagu jiray isu soo bax olole oo ka dhacay Douala 5 Oktoobar 2025

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Biya ayaa loollan adag kala kulmay Issa Tchiroma Bakary

Biya wuxuu horey u tijaabinayay xadka dulqaadka shacabka oo ah go'aankiisa ah inuu u istaago xilka markii toddobaad.

Laakiin ugu dambeyntii markii ugu horreysay wuxuu ku guuleystay inuu la kulmo loolan adag oo mucaarad ah oo uga yimid Maurice Kamto, hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Renaissance Cameroon (CRM) .

Laakiin waqtigan, musharraxnimada Tchiroma waxay u beddeshay niyadda iyo dareenka suurtagalnimada qaab uusan qof hore ugula tartamin madaxwaynaha muddada dheer xilka haya oo waxaa uu helay boqolkiiba 36.

Dalka Cameroon, go'aanka Biya ee ah in uu ku guulaysto doorashada siddeedaad ee madaxweynenimada ayaa u keentay khatarro badan iyo wax badan oo ay ugu kacday.