Jigjiga oo dadku qaar ay is la'yihiin koronto la'aan owgeed iyo maamulka oo BBC-da uga warramay sababta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalada Jigjiga iyo qeybo badan oo ka mida magaalooyinka ku yaalla bariga dalka Itoobaaya ayaa maalintii shanaad koronta la'aan ay ka jirtaa taas oo saamayn ku keentay qaybaha kala duwan ee nolosha magaalooyinkaas.
Maqnaansha korontoda ayaa timi ka dib markii xatooyo loo gaystay taawarada korontada gudbiya ee agagaarka magaalada Awash taas oo keentay koronto la'aanta Jigjiga sida uu BBC-da u sheegay Maayarka magaalada Jigjiga Eng Shaafi Axmed Macallin.
"Guud ahaan dalka waxaa korontada laga helaa galbeedka iyo bartaha Itoobiya, waxaana soo qaada taawaro waaweyn, waxa dhacday xatooyo biraha layrka qaada loo gaystay, birahaas oo muddo dheer xatooyo loo geysanayo oo kolba biraha la furanyey qeybo ka mid ah ayaa waxaa keentay in roobabka hadda da'aya iyo dabayluhu ay dhacaan toddobo tiir oo waaweyn"ayuu yiri Shaafi.
Wuxuu intaa ku daray in labo habeen ay isku dayeen in qaar ka mida Qabaleyada loo adeegsado koronto kale oo ah nooca dabaysha laga dhaliyo ee Cayshica basle aan lagu guulaysan.
Marka laga soo tago Jigjiga waxaa sidoo kale korontadu ka maqan tahay magaalooyin ay ka mid yihiin Dirir-dhab, Harar Fiiq, Dhagaxbuur kuwaas oo ku yaalla bariga dalka Itoobiya.
Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka adeegyada korontda ku wanaagsan Afrika iyagoo inta badan korontada ka dhaliyo, iyadoo
Saameynta ka dhalatay maqnaasha korontada Jigjiga

Xigashada Sawirka, Eng Shaafi
Sida uu BBC-da u sheegay Eng Shaafi Axmed Macallin maayarka maamulka magaalada Jigjiga, saamaynta ugu darran ee ka dhalatay maqnaasha korontada ee magaalada ayaa ah ganacsiga iyo isku socodka dadka.
"Runtii waa dareemaynaa caqabado badan ayey magaaladu la kulantay, warshado badan oo ku shaqayneyey layrka gaar ahaan Three phaseka, waxsoo saarkooda hoos ayuu u dhacay goobaha adeega caafimaadka lagu bixiyo saas oo kale dhibaatooyin ayey bulshadu la kulmaysay, xilligii ramadaanka lagu jiraa isku socodka magaalada habeenkii biraha layrku boqolkiiba boqol waa dameen,arrimaha nabad galyada dadku inay cabsi dareemaan ayaan arkayn maalmihii ugu dambeeyey iyo dhanka adeegyada dhibaatooyin bay dadku la kulmeen baan aaminsanahay" ayuu yiri maayarka Jigjiga.
Wuxuu intaa raaciyey in maqnaasha korontada owgeed la xoojiyey dhanka ammaanka oo roondo badan la sameeyey si loo xaqiijiyo ammaanka.
Meelaha qaar ee magaalada sida masaajida oo dadku ku cibadaysanayaan bisha barakaysan ee Ramadan ayaa adeegsanaya matooro balse iyaga qudhooda ayaa la kulmaya culayso dhanka qiimaha shidaalka ah sida uu BBC-da u sheegay Maayar Shaafi.
Falcelinta ganacstada iyo shacabka

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shacabka magaalada Jigjiga ayaa la kulmay dhibaatooyin ka dhashay korontada la'aanta oo ay ka mid yihiin isku soocdka xilliga habeenki iyo ganacsiga oo saamaynta ugu weyn ku yeellatay.
Mid ka mida dadka ka shaqaysta goobaha dharka lagu dhaqo ee magaalada ayaa BBC-da u sheegay in shaqo la'aan ay ku dhacday maalmaha ay korontadu maqan tahay
"Heer waxaan gaarnay dadkii dharka ka qabanaynay aan madaxa isla galno, maxaa yeellay haddadan layr haysan maxaa qabanysaa, hadda waqtigaan dheeraynaa"ayuu yiri.
Fardowso Yuusuf Cumar, oo ka shaqaysta khudaarta magaalada Jigjiga ayaa BBC-da u sheegtay in dhibaatada ay la kulantay intii korontadu ka maqnayd ay ka mid tahay in dadkii aysan lacagtii diri karin maadaama telefoonnadii ay ka dansan yahay.
"Dadka qudaarta naga iibsan jiray waa shiidan jireen laakiin hadda ma shiidan karaan sow maha koronto ma jirto, talaagadii ayaa dansan waa qurmaysaa qudaarta meel la galiyo malah " ayey tiri Fardowso.
Waxay intaa ku dartay inay xitaa caqabadi ka jirto in dadku is helan maadaama teleefoonadu damayaan korontada maqan owgeed.
Dowladda ayaa ka shaqaynsa sidii loo hagaajin lahaa taawarada qaada korontada ee dumay ka dib xatooyada loo gaystay si adeega korontada dib loogu helo.
"Runtii shaqo adag baa la galay toddobo taawar oo kuwa waaweyn ah oo ugu yaraan shan xarig saaran yihiin baa dayactir lagu samaynyey kuwii burburayna meesha laga saarayey, laakiin deg degsiimo aad u badan ayey dowladdu samaysay waxkasta la qaban karay waa la qabtay. Waxaan filaynaa ugu dambayey habeen danbe dadka Jigjiga ay koronto heli doonaan"ayuu yiir Maayarka Jigjiga Shaafi.













