Raysal wasaarihii ugu horreeyay ee isagoo xilka haya aroos gala

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Caruusadda iyo caruuska oo ubaxyo lagu daadinayo
    • Author, Cachella Smith

Raysal wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa guursaday lammaantiisa Jodie Haydon, isagoo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee dalka oo guursada inta uu xafiiska joogo.

Labada lammaane ayaa isku guursaday caasimadda Canberra, galabnimadii Sabtida ee waqtiga dalkaasi - maalintii ka dambaysay fadhigii ugu dambeeyay ee sanadka baarlamaanka.

"Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan wadaagno jacaylkayaga iyo ballanqaadkayaga ah inaan nolosheenna mustaqbalka wada qaadanno, iyadoo ay goobjoog ka yihiin qoyskeenna iyo asxaabteenna noo dhow," ayuu yiri Albanese oo hadal kooban soo saaray.

Lammaanahan ayaa is mehersaday maalintii Jacaylka ee sanadkii hore. Munaasabadda alkumashada ee hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha iyo xafladda arooskuba waxay ka dhaceen gurigiisa rasmiga ah ee loo yaqaan 'The Lodge'.

Anthony Albanese oo la taagan wiilkiisa Nathan iyo eygiisa, ringbearer Toto

Xigashada Sawirka, Reuters

Ilaa maalinta weyn laga gaarayo, qorshayaasha arooska ayaa la qariyay sababo la xiriira arrimo dhanka amniga ah iyo cabsi laga qabay carqalado suurogal ah.

Waxaa goobjoog ka ahaa munaasabadda waaliddiinta Ms Haydon iyo sidoo kale wiilka Albanese ay u dhashay xaaskiisii hore.

Eeyga Albanese ee lagu magacaabo Toto ayaa ahaa kii siday fargalka arooska, iyadoo labada lammaane ay mar kale soo mareen dhabbaha u dhexeeya kuraasta.

Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale bartiisa rasmiga ah ee warbaahinta bulshada la wadaagay muuqaal muujinaya iyagoo faraxsan oo soo maraya dhabbahaas iyadoo martida ay ku daadinayaan warqadaha midabbada leh (confetti).

Dhowr ka mid ah golaha wasiirada Albanese ayaa ka qeyb galay xafladda.

caagag khamro

Xigashada Sawirka, Reuters

Lammaanahan ayaa la filayaa inay bisha malabka ku qaataan gudaha Australia inta u dhaxaysa Isniinta iyo Jimcaha toddobaadka soo socda - waana qorshayaal la dejiyay ka dib dib-u-doorashadiisii bishii May.

Albanese oo 62 jir ah, iyo Ms Haydon oo 47 jir ah, ayaa markii ugu horreysay ku kulmay casho ganacsi oo ka dhacday Melbourne sanadkii 2020, xilligaas oo (Albanese) uu ahaa hoggaamiyaha mucaaradka.

 Anthony Albanese iyo Jodie Haydon oo dharka arooska xiran

Xigashada Sawirka, Reuters

Ms Haydon waxay kasoo muuqatay ololayaashii doorashada Albanese ee 2022 iyo 2025, waxaana lagu arkay iyadoo garab taagan Ra'iisul Wasaaraha munaasabado waaweyn, oo ay ka mid ahaayeen aaskii Queen Elizabeth II iyo casho heer qaran ah oo uu martigeliyay madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden.

Albanese sidoo kale taariikh ayuu ka sameeyay Australia isagoo noqday Ra'iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee guursaday isagoo xafiiska jooga.

Lammaanaha ayaa hadal wadajir ah oo ay soo saareen xilligaas ku sheegay inay "aad u nasiib badan yihiin inay is-heleen".