Oday ilmo aan ahayn kuu awoowga u ahaa si khalad ah uga qaatay goob carruurta lagu xannaaneeyo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa la bilaabay baadhitaan ka dib markii oday awoowe ah uu si qalad ah goob carruurta lagu xanaaneeyo, uga qaatay ilmo khaldan, magaalada Sydney, Australia.
Ninka ayaa yimid si uu u soo kaxeeyo, wiilka uu awoowga u yahay oo ku jiray xarunta First Steps Learning Academy ee xaafadda Bangor, koonfurta magaalada, galabnimadii Isniinta.
Laakiin wuxuu si qalad ah u kaxaystay oo guriga u geytstay ilmo kale oo oo hurday, qol ka mid ah qolalkii goobtaas carruurta lagu xannaaneeyo.
Qaladkan ayaa sooo baxay kaddib markii hooyada ilmahaasi dhashay ay timid xarunta oo ay ogaatay in cunuggeeda sannad-jirka ahaaa aanu Meesha joogin, sida ay warisay Sydney Morning Herald.
"Wuxuu ahaa dareen aanan sharrixi Karin, markii aan waayey ilmahaygiii," ayay tidhi hooyadaasi oo la hadashey wargeyska.
"Ma ay ii sheegi karin magaca ninka, ma ay ii sheegi karin cidda uu rabey, ma ay ii sheegi karin sida uu u egyahay marka laga reebo in uu xidhnaa surwaal gaaban isla markaana uu ahaa nin da' weyn," ayay raacisay hooyada, taas oo codsatay in aan magaceeda la shaacin.
Sida ay sheegayso siyaasadda badbaada, ee goobaha carruurta lagu xannaaneeyo, ayaan ahayn in loo oggolaado in carruurta kaxeeyaan oo goobta ka saaraan, cid aan ahayn waalidkii loo loo aqoonsanaa ee Meesha keenay, ama cid ku diwaangashan ilaalinta ilmahaas.
"Uma cadhaysnin, balse waxa eedda leh goobta carruta lagu xannaaneeyo" ayay tidhi hooyada dhashay ilmahan sida qaldan loo qaatay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Odayga ilmaha qaatay xaaskiisa ayaa warbaahinta gudaha ee Sydney Morning Herald, u sheegtay in saygeedu ka xun yahay sida waxa u dhaceen, uuna qirsan yahay khaladka ka dhacay.
Goobta carruurta lagu xannaaneeyo ee First Steps, ayaa BBC-da u sheegtay in ay dayacaad dareemayaan.
"Waxaannu ka raalligelinaynaa qoysaska ay xaaladdani tooska u saamaynayso, kana xunnahay, falkaas dhacay" ayay sheegtay Kalkaalisada hoggaanka u ah goobtan.
Waxaana ay intaasi raacisay in falkani oo kale hore uga dhicin goobtan lagu magacaabo First Steps, isla mar ahaantaana ay hadda xoojiyeen shuruudaha iyo habraacyada lagu ilaalin lahaa, si aanay mar danbe u dhicin falkan oo kale.
Baadhitaan khuseeya xaaladdam ayaa socda sida ay sheegeen. New South Wales, qaybteeda carruurta qaabbilsan iyo waaxda Ilaalinta Xeerarka.
Falkan ayaa imanaya xilli xogo ku dul gedaamnaayeen hababka goobaha xannaanada oo ay dawladda maalmihii u danbeeyey shuruuco ku soo dejinayaan goobahaas.
Hore ayaa isbitaal ku yaalla caasimadda dalka Hindiya ee Delhi waxaa shaqada looga eryay labo dhakhtar oo si khalad ah u shaaciyay in uu dhintay ilmo yar oo dhashay.
Dhakhaatiirta oo ka shaqaynayay isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Max Hospital ayaa ku dhawaaqay in uu canugu dhintay saaco ka dib markii uu mataankiisii kale dhashay isaga oo mayd ah 30kii Nofeembar
Waalidka oo u sii socda aaska mataanahooda ayaa arkay in midkood nool yahay.
Dhacdadan ayaa dhalisay caro iyo dood ku saabsan tayada isbitaallada gaarka loo leeyahay oo badanaaba kharashaadkoodu badan yahay.
"Inta ay socdaan baaritaannada ay wadaan khuburada oo ay ka mid yihiin dad aan isbitaalka u shaqaynin oo ka socda ururka dhakhaatiirta Hindida, waxaan go'aansanay in aan shaqada ka joojino labo isbitaal," ayuu Isbitaalku intaas ku sii daray.
Baaritaanka ay dawladdu ku haysto arrintan ayaa iyaduna socota.
Dhacdadan ayaa soo baxday markii ay waalidku ku baraarugeen in uu dhaqdhaqaaqayo mid ka mid ah carruurta oo ay dhakhaatiirtu mayd ahaan ugu xirxireen bac.













